Camuud

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Camuud

Deegaanka Camuud (Amoud Valley) waa dhul beeroleey ah oo dhaca 5 km waqooyi bari magaalada Borama. Deegaankan oo leh dooxyo dhowr ah, sida Dooxa Qoor-gaab, ayaa waxuu caan ku yahay beeraha khudaarta iyo midhaha. Jaamacadda Camuud waxay ku taalaa koonfurta deegaanka Camuud, taasi oo ah meesha loogu magac daray jaamacada.[1]

Qisaastii wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya ayaa wuxuu dhisay dugsi sare oo loogu magac daray deegaanka Camuud, waa Dugsiga Sare ee Camuud. Tan iyo wakhtigii dowladii Siyaad Bare dugsiga Camuud wuxuu ahaa iskool ardeydu wax ka bartaan isla mar ahaantaana dhex dagan yihiin, sababtoo ah magaalada wuu ka go'naa dugsiga sare ee Camuud.[2]

Ka dib, burburkii dowladii Soomaaliya ayaa keenay in dugsigii sare isna burburo, kaasi oo dib loo soo nooleeyay sanadkii 1996dii markii la isla gartey in laga dhigo Jaamacada Camuud.[3]}}

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Deegaanka Camuud waa beeroleey 5 km waqooyi bari magaalada Borama"
  2. "wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya"
  3. "The History Of Amoud University".