Boorama (sidoo kale loo yaqaano
Borame iyo
Boorame) waa magaalo madaxda gobolka
Awdal ee waqooyi-galbeed
Somaliland, iyo fadhiga dowlada
Degmada Boorama. Boorama waxay u dhowdahay xadka
Itoobiya iyo
Jabuuti. Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka
Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii
Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo
buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.
Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.