Daahir Rayaale Kaahin

Ka Wikipedia

Taariikh nololeedkii Daahir Rayaale


Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaahdo Qun-ujeed oo woqooyi ka xiga magaalada Boorama sannadkii 1952. Wuxuu malcaamadda quraanka, dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay Degmada Boorama.

Dugsiga sare ee Cammuud, ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay 1974. Kadib wuxuu u wareegay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo uu ka galay Dugsigii tababarka ee Xalane, halkaasoo uu kaga biiray Ciidankii Nabadsugisaa ee NSS Sannadkii 1975.

Daahir Rayaale Kaahin oo derejada Gaashaanle Sare ka gaadhay ciidankii Nabadsugidda ee Dawladdii kacaanka ahayd wuxuu intii u dhexeysay 1975 ilaa 1991 burburkii dawladdii Soomaaliya ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Berbera, Laascaanood, Burco iyo safaaradda Somaaliya ee Jabuuti.

Daahir Rayaale wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirweynihii beelaha reer Somaliland iyo jabhaddii SNM ee dib u heshiisiinta ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay markii danbe 18kii May 1991 goonni isu taagga Somaliland.

1992 wuxuu guddoomiye gobol ka noqday gobolka Awdal, kadib wuxuu muddo ahaa ganacsade.

Bishii 23-kii February, 1997dii shirweynihii Beelaha Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee Madaxweyne loogu doortay mar kale muddo 5 sannadood ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isla markaa Daahir Rayaalena loogu doortay Madaxweyne Xigeenka Somaliland. Waxa uu qabtay xilka madaxtinimo kadib geeridii ku timid madaxwaynihii labaad ee somaliland mudane Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, xiligaas oo uu ahaa madaxwayne ku xigeen. Waxa uu ku guulaystay doorashooyinka Madaxtinimo ee somaliland bishii abriil ee sanadkii 2003dii, isaga oo ka sharaxna xisbiga talada haya ee UDUB (Ururka dimuqraadiga ee Umadaha bahoobay), waxana xilka loo dhaariyay bishii maayo ee 2003dii.

Madaxwaynenimada 3-dii May 2002, markii Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Koonfurta Afrika ayaa saacado yar kadib loo dhaariyay Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland sida uu dhigaayay dastuurka Somaliland. Wuxuu isna Madaxweyne ku xigeen u soo xushay, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka tirsanaa golaha wakiilada.

Bilo ka bacdi ayaa Xisbiga UDUB isna uu u doortay Madaxweyne Rayaale in uu noqdo guddoomiyaha Xisbigaasi. Doorashaddii Madaxtooyada Somaliland ee ugu horreysay ee ay xisbiyo ku tartamaan Bishii April sannadii 2003, ayaa Daahir Rayaale Kaahin kaga guuleystay 80 cod oo keli ah musharraxii xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Iyo Xisbigi Dadweynaha ee uu hogaaminayey Mohamed Musa Dahir iyadoo tartankana uu ku jiray Feysal Cali Waraabe oo isna ka sharraxnaa Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Shantii sannadood ee Daahir Rayaale loo doorty Madaxweynaha waxay kaga ekeyd April 2008 laakiin doorashaddii Madaxtooyada oo aan qabsoomin awgeed ayaa dhawr jeer golaha guurtidu u kordiyeen inuu xilka sii hayo inta doorasho ka dhacayso.


Daahir Rayaale siddeedii sannadood ee uu xilka hayay madaxweynaha waxaa Somaliland ka qabsoomay doorashooyinkii baarlamaanka iyo kuwa golayaasha deegaannada Somaliland. Daahir Rayaale wuxuu leeyahay xaas, Huda Barkhad Aadam, iyo Afar Caruur ah saddex wiil iyo gabar. Mudane Daahir Rayaale Kaahin inta aanu xilka qaban waxa uu soo maray Jagooyin badan oo ay ka mid ahaayeen sarkaal ka tirsan wakaaladii sirdoonka Soomaaliya, badhasaabka gobolka awdal, diblumaasi ka tirsan safaaradii soomaaliya ee jabuuti iyo madaxwayne ku xigeenka somaliland. dahir rayaale waa nin dadkiisa iyo dalkiisaba wax u taray waxa uu uhor seegay mudadii uu xilka hayay waxyaabo fara badan oo ay ugu horayso hirgalinta doorashaddii ugu horaysay ee soomaalilan ka dhacda haday tahay tii madaxtinimada iyo tii golaha wakiilada waxa lagu qeexaa inuu yahay nin dagan waxaana la yidhaahdaa inuu yahay ninka isku haya soomaalilaand.

WAA NIN AAN JECLAYN XUKUNKA Daahi Rayaale , wuxuu ku sifoobay cadaalad iyo shaqo daacadnimo ah, waxa la isku raacay inaanu ahayn nin xukun jecel, taasina waxaa cadayn u noqotay qodobadan soo socda;

  • . Doorashooyinkii uu degdeg u qabtay Dhimashaddii Cigaal ka dib.
  • . Doorashaddii Baarlamaanka oo dad badni iska daa kula taliyeen.
  • . Tii Madaxweynaha oo markii lagaga helay si daacadi ku jirito uu ogolaaday inuu iska

haneeyo, si aanu buuq uga dhalan dalka. Arrimahasi aan soo sheegany iyo qaar kale oo badan ayuu ku sifoobay, cadayna u noqotay inaanu ahayn nin xil jecle.

Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, intii uu ixlka hayey wuxuu xaqiijiyey inuu gaadho xuduudihii Ingiriiska ee Somaliland lahayd, waanu ku guulaystay iyadoo ay la garab galeen beelaha Daarood sida ( reer Darawiish iyo WArsangali). Waxaa u ahaa Aabihii hirgaliyey Dimuquraadiyada Somaliland, Waxa u ahaa Aabaha hanaanka Xisbiyada badan ee ka hirgalay Somaliland.

Taariikhda ayaa xusi doonta Madaxweyne qaran.

Isirkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa uu ka soo jeeda beesha Reer Dudub Jibriil yoonis ee Makaahiil,Qabiilka Gadabuursi

Madaxweyneyaashii Somaliland :

1. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur 1991-1993
2. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 1993-2002
3. Daahir Rayaale Kaahin  2002-2010
4.Axmed maxamed maxamuud siilaanyo 2010-2017

Bilad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

26 juun 2011 waxa lagudoonsiiyay madaxwaynihii hore ee Somaliland bilad sharaf lagu gudoon siiyay ka danbayntii u kadanbeeyay geedi socodka iyo hirgalinta dimuquraadiyada Somaliland taasina waxa lagu beegay malinta qaranimada 26 juun