Portal:Yurub
![]()
Yurub (Af Ingiriis : Europe; Af Carabi : ar) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan. Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha. Muuqaal xul ah
Qasriga São Jorge waa dhismo weyn oo ku yaala badhtamaha magaalada Lisbon, magaalo-madaxda wadanka Bortuqiiska. Maqaal xul ah
Afka Ingiriiska (Af Ingiriis : English; Af Carabi : ar) waa luuqad looga hadlo dhowr wadan waxeeyna tahay luqod caalamka aad looga xishmeeyo. Asal ahaan Afka ingiriiska wuxuu ka yimi luqadda Afka Laatiiniga, waxaana lagu alifey wadanka Ingiriiska. Fiditaanka uu Afka ingiriiska ugu fidey dunida waxaa sabab u ah gumeysigii Ingiriisku uu ku gumeystey dunida barkeeda kala bar. Mar walba oo uu wadan gumeysto, Ingiriisku wuxuu ka dhigi jirey afkiisa afka dawladda iyo tan barida. Guud ahaan, luuqada ingiriiska waxaa si heersare ah lagaga hadlaa 67 wadan, 27 deegaan iyo maamul, Ururo caalamiga ah sida: Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Commonwealth of Nations, Golaha Yurub, GUAM Organization for Democracy and Economic Development, International Criminal Court, International Olympic Committee, International Organization for Standardization, Ururka NATO, NAFTA, Organization of American States, Organisation for Economic Co-operation and Development, Organisation of Islamic Cooperation, OPEC, Pacific Islands Forum, UKUSA Agreement, Association of Southeast Asian Nations, ASEAN Economic Community, South Asian Association for Regional Cooperation, Turkic Council, Economic Cooperation Organization iyo meelo badan oo kale.
Sawir xul ah
Royal Albert Hall waa masrax ruwaayadaha lagu jilo oo ku yaala koonfurta xaafada South Kensington, London. |
Mashaariic Bahwadaag
![]() |
Hooyga muhiimka ah: |
Arimaha Bulshada | Bulshada | Hiddaha iyo Dhaqanka | Cuntada | Cilminafsi | Dhaqaalaha | Siyaasadda | Waxbarasho | Juqraafi | Taariikh | Sharci | Af-maal | Fikir | Falsafad |
Qaaradaha: |
Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub | | |
Portal Bahwadaag la ah: | ||
Sidoo kale: | ||
[ Bulsho ] | [ Hooyga ] |