Portal:Woqooyiga Ameerika

Ka Wikipedia

Hiddaha iyo Dhaqanka Sooyaal Juqraafi Taariikh Xisaab Saynis Bulsho Farsamo Falsafad Diimaha Tusmo Cunto

Warbixin Guud   Juqraafiga

Portalka Woqooyiga Ameerika

Location North America.svg

Woqooyiga Ameerika waa qaarad dhacda qeybta waqooyi ee Dhulka. Waxa dhinaca waqooyi ka xiga Badweynta Arktik, dhinaca bari waxaa ka dhaca Waqooyiga Badweynta Atlaantik, dhanka koonfurbari waxaa ka dhaca Bada Kaaribiyaanka, waxaa koonfurta iyo galbeedka ka dhaca Badweynta Baasifiga; halka Qaarada Koonfur Ameerika ka xigto koonfurbari. Guud ahaan, qaarada Waqooyiga Ameerika waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg yahay 24,709,000 square kilometers (9,540,000 square miles), taasi oo u dhiganta 4.8% oogada dunida ama ilaa 16.5% baaxada qaaradaha. Tirokoob dadka ah oo la sameeyay Luuliyo 2008, waxaa qaaradan ku noolaa dad gaadhaya 529 milyan. Dhinaca kale, qaarada Waqooyiga Ameerika waa tan sadexaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka; waxaa ka wayn kaliya Aasiya iyo Afrika. Sidoo kale qaaradani waa mida afaraad ee ugu dadka badan; waxaa ka horeeya Aasiya, Afrika, iyo Yurub. Qaarada Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika waxaa loo yaqaanaa Ameerika, taasi oo ah magac ay wadaagaan.

Muuqaalka cirka ee Waqooyiga Ameerika

Sida ku xusan taariikhda, labadan qaaradood waxaa loogu magac-daray nin sahamiye ahaa oo u dhashay wadanka Talyaaniga kaasi oo magaciisa la odhan jirey Amerigo Vespucci. Ninkani wuxuu qaaradahan sahan ku tagay wakhtiyadii u dhaxaysay 1497 iyo 1502.

Wadanada

Deegaanada, maamulada, iyo wadanada ka tirsan ama hoos yimaada Qaarada Waqooyiga Ameerika waxaa ka mid ah:

Maqaal xul ah

Flag of Mexico
Calanka Wadanka Meksiko wuxuu ka samaysan yahay sadex midab oo kala ah cagaar, cadaan, iyo casaan taasi oo badhtanka kaga taalo astaanta ciidanka qaranka.

Sawir xul ah

Apache Wickiup, 1903
Xuquuqda sawirka: Edward S. Curtis
Aqal wickiup waxaa dhisan jirey qabiilada Ameerikaanka Asalka ah ee loogu tagay qaarada Waqooyiga Ameerika.

Maqaalo

Categories

Portal la xidhiidha

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Portal.svg
Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]