Jamayka

Ka Wikipedia

Coordinates: 17°59′N 76°48′W / 17.983°N 76.800°W / 17.983; -76.800

Jamayka
Hal ku dheg: "Out of Many, One People"
Heesta qaranka: 
  • "Jamaica, Land We Love"

  • Royal anthem: "Ilaah badbaadi Queen ah"
Location of Jamaica
Magaalo madax
Waa Magaalada ugu balaaran
Kingston
17°59′N 76°48′W / 17.983°N 76.800°W / 17.983; -76.800
Luqadaha rasmiga ah Ingiriis
National language Jamaican Patois (de facto)
Xukunka Mideysan baarlamaanka Boqortooyada dastuurka
 -  Monarch Elizabeth II
 -  Guddoomiyaha guud Patrick Allen
 -  Ra'iisul wasaarayaashii Portia Simpson-Miller
Sharci dejinta Baarlamaan
 -  Aqalka sare Senate
 -  Aqalka hoose House of Representatives
Baaxad
 -  Guud ahaan 10,991 km2 (166th)
4,244 sq mi 
 -  Biyo (%) 1.5
Tirada dadka
 -  Luuliyo 2015 qiyaasta 2,950,210 (139th)
 -  Mugga Dadka 252/km2 (49th)
656/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2012 qiyaastii
 -  Guud ahaan $25.317 billion[1] (2012)
 -  Qof qof $9,199[1]
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2012 estimate
 -  Guud ahaan $15.569 billion[1]
 -  Calaa qof $5,657[1]
Qaybsiga (2004)45.5[2] (medium)
Kobaca (2013)Decrease 0.715[3] (high / 96th)
Lacagta Jamaican dollar (JMD)
Waqtiga (UTC-5)
Wadista Baabuurta left
Thiinada telka +1-876
Furaha Internetka .jm

w:tr:Jamaika w:es:Jamaica w:oc:Jamaica Jamayka waa wadan jasiirad ah oo ku yaala Badda Karabiya, dhinaca koonfurta Kuuba, wadanka Jamayka waa Buurole. Buurta ugu dheerna waa (Blue Mountain Peak). dadka degan Jamyka waxay gaarayaan, 2.7 millyan oo qof. Jamayka waxaa soo gumaystay wadanka Ingriiska, waxayna xornimada qaadatay sanadkii 1962dii

Shacabka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dadka degen Jamayka asalkooda waxee ka imaadeen Afrika, laakiin waxaa lagu arkaa dad yar oo ah Shiinees,Hindi, Carab iyo yurubiyaan. Nolosha wadanka Jamayka ma ahan, nolol fiican, dadka waxee u qaxaan wadamada ingriiska iyo maraykanka. magaalo madaxda wadanka waa Kingston. Jamayka dad aa u dalxiis tago jasiiradaha dartood,

luuqadaha lagaga hadlo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

jamayka waxaa looga hadlaa lahjo af-ingriis ah, laakiin xarfo waxaa kujiro isbaanish ah. luqada Jamyka waa sida heesaha rap'ka oo kale.

Ostal istoric a Kingston, Jamaica.

Jamayka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dalka Jamaica waxa uu kamid yahay wadmada dhaca gobolka Caribbean-ka. Dalka Jamaica waxa uu ka koobanyahay jasiirad wayn oo ku dhextaal bada Caribbean-ka. Caasimada dalka Jamaica waxa layidhaa Kingston waxana ay ku taalaa koonfurta dalka Jamaica. Dadka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Kingston waxa lagu qiyaasaa (57.774) oo ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-kii. Bedka: Bedka uu ku fadhiyo dalka Jamaica waxa lagu qiyaasaa 4,243.26, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 10,990.00 (kiiloo mitir laba jibaaran). Baaxda uu ku fadhyo dalka Jamaica waxa ay ku dhowdahay bedka gobolka (Connecticut) ee dalka Maraykanka. Dadka: Daka ku dhaqan dalka Jamaica waxa lagu qiyaasaa 2.8milyan oo ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-kii. Saadaasha dadka reer d Jamaica ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa 3.5milyan oo ruux. Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka Jamaica waxa waxa ugu horeysa luuqada Ingiriisiga (English), luuqada labaad ee dalkana waxa layidhaa Creole. Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee reer Jamaica waxa ay gaadhaan boqolkiiba 85.0%. Diinta: Diimaha ay kala haystaan dadka reer Jamaica waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Protestant oo ay haystaan boqolkiiba 61.3% waxana ay dadkani u kala qaybsamaan (Church of God 21.2%, Baptist 8.8%, Anglican 5.5%, Seventh-Day Adventist 9%, Pentecostal 7.6%, Methodist 2.7%, United Church 2.7%, Brethren 1.1%, Jehovah's Witness 1.6%, Moravian 1.1%), dadka haysta mad-habta Roman Catholic waa boqolkiiba 4%, dadka reer jamaica ee haysta diimaha kale ee kasoo hadhay diinta kiristanka waxa lagu qiyaasaa 34.7%. Cimriga: Ragga ku dhaqan dalka Jamaica waxa ay da’doodu gaadhaa 73-sano, halka dumarka reer Jamaica ay ka gaadhaan 77-sano. Dawlada: Qaabka ay u shaqayso Dawladda Jamaica waa nidaamka Dastuuri Baarlamaaniga ah (Government Type constitutional parliamentary democracy). Lacagta: Lacagta laga isticmaalo Jamaica waxa layidhaa Jamaican dollar (J$). Warshadaha: Warshadaha dalka Jamaica waxa lagu farsameeyaa: macaaniinta bauxite, Dunta, cuntooyinka, warshadaynta heerka u sareeya, sibidhk,a birta, waraaqaha iyo kiimikooyinka. Dalxiiska:Dalka Jamaica waxa uu leehaya meelo soo jiita indha dalxiisayaasha caalamka dadkuna waxa ay ka faa’iidaystaan qaabilaada dalxiisayaasha. Beeraha: Beeraha dalka Jamaica waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin: Muuska, Coffeega, khudaarta dhaanaan ee (citrus), Baradhada iyo khudaarta. Xoolaha: Dalka Jamaica waxa laga dhaqdaa xoolo ay kamid yihiin Riyo iyo digaaga. Dhulka la isticmaalo ee dalka Jamaica waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 14%. Khayraaadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Jamaica waxa kamid ah macaadiinta: bauxite, gypsum iyo caro macdan leh.

Tixraacyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. 1.0 1.1 1.2 1.3 http://www.imf.org/external/pubs/ft/weo/2012/01/weodata/weorept.aspx?pr.x=40&pr.y=11&sy=2009&ey=2012&scsm=1&ssd=1&sort=country&ds=.&br=1&c=343&s=NGDPD%2CNGDPDPC%2CPPPGDP%2CPPPPC%2CLP&grp=0&a=.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . World Bank http://data.worldbank.org/indicator/SI.POV.GINI/. Soo qaatay 2 March 2011.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. (PDF). United Nations Development Programme. 2014. pp. 21–25 http://hdr.undp.org/sites/default/files/hdr14-summary-en.pdf. Soo qaatay 27 July 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)


Dalalka Woqooyiga Ameerika Qaarada Woqooyiga Ameerika
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago