Honduras
Jamhuuriyada Honduras República de Honduras | |
|---|---|
Hal-ku-dheg:
| |
| Heesta qaranka: Himno Nacional de Honduras Heesta Calanka Honduras | |
| Caasimadda iyo Magaalada ugu weyn | Tegucigalpa |
| Luuqadaha rasmiga ah | Isbaanish |
| Luuqadaha gobolka ee la aqoonsan yahay |
|
| Qaybaha qowmiyadaha ([1]) |
|
| Dadka |
|
| Dawladda | Madaxweyne |
• Madaxweynaha Honduras | Juan Orlando Hernández |
• Hogaanka Golaha Sare | Mauricio Oliva |
| Sharci-dejinta | Golaha Dowlada |
| Madaxbanaani | |
• Ka qaadateyb Isbayn | 15 Sebtembar 1821 |
• Ku dhawaaqay Boqortooyadii ugu horeeysay ee Meksiko | 1 Luuliyo 1823 |
• Loogu dhawaaqey Jamhuuriyada Honduras | 5 Nofembar 1838 |
| Bedka | |
• Wadarta | 112,492 km2 (43,433 sq mi) (102aad) |
| Dadka | |
• Qiyaastii 2010 | 8,249,574 (94aad) |
• Tiro-koobkii 2007 | 7,529,403 |
• Cufnaanta | 64/km2 (165.8/sq mi) (128aad) |
| Wax soo saar (PPP) | Qiyaastii 2014 |
• Wadarta | $40.983 bilyan[2] |
• Qofkiiba | $4,959[2] |
| Wax soo saar (magac ahaan) | Qiyaastii 2014 |
• Wadarta | $19.567 bilyan[2] |
• Qofkiiba | $2,368[2] |
| Qaybsiga (1992–2007) | 55.3[3] sinnaan la'aan sarraysa |
| Kobaca (2013) | dhexdhexaad (129aad) |
| Lacagta | Lempira (HNL) |
| Saacadda | UTC−6 (CST) |
| Koodhka wicitaanka | +504 |
| Koodhka ISO 3166 | HN |
| Furaha Internetka | .hn |
| |
Tiro koob bulshada ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday aafada iyo cuqdada uu dad badan ku riday xanuunka AIDS-ka, oo faro ba'an ku haya qeeybaha kala duwan ee bulshada wadanka Honduras.
Hadii isbedel xaga caafimaadka iyo dhaqaaluhu iman waayo sanadka 2007 wixii ka dambeeya waxaa laga cabsi qabaa in hoos u dhac xaga bulashada ah ku dhaco wadankan, taasi oo keeni karta baaba'a iyo tafiir go'a dadka masiibadu aafaysay. | |
Honduras (ingiriis: Republic of Honuduras, /hɒnˈdʊərəs/ ⓘ; af-Isbaanish: on'duras, República de Honduras) sida dowliga loo yaqaano Jamhuuriyada Honduras, waa wadan jamhuuri ah oo dhaca Bartamaha Ameerika. Wakhtiyada qaar waxa loo yaqaanay Isbaanish Honduras si looga sooco British Honduras oo markii dambe la baxdey Belize.
Jamhuuriyada Honduras waxay jaar la tahay wadanka Guatemala xaga galbeed, koonfurgalbeed waxaa ka xiga wadanka El Salfadoor, koonfurbari waxaa ka xiga Nikaragua, Badweynta Baasifik waxay ka xigtaa koonfur, halka waqooyi ay ka xigto gacanka Honduras oo ka mida Bada Kaaribiyaanka.
Sida taariikhda lagu hayo, wadanka Honduras wuxuu hooy u yahay dhowr ilbaxnimo ka talin jirey Badhtamaha Ameerika wakhti badan ka hor intaanay reer Yurub qabsanin dhulkaasi. Xadaaradahaasi hore waxaa ka mid ah boqortooyadii Maaya, taasi oo soo gaadhay ilaa wakhtigii gumaystihii boqortooyada Isbayn qabsatey deegaankaasi qarnigii 16aad. Gumaystaha ayaa dadka reer Honduraa baray diinta Masiixiga iyo luuqada isbaanishka ee maanta ku hadlaan shacabkaasi. Honduras waxay madaxbanaanida qaadatey 1821kii, wakhtigaasi ooy noqotey jamhuuriyad la jaanqaadi kari weeyday doowladigii telinayay wakhtigaasi.

Guud ahaan, Honduras waa wadanka ugu dilka badan caalamka marka laga hadlayo wadan aan dagaal ku jirin. Wadanku wuxuu leeyahay kooxo gaangistaro hubeeysan, waxaana aad u sareeya musuqmaasuqa. Wadanka Honduras wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 112,492 km2, waxaana ku dhaqan dad ka badan sideed milyan. Sidoo kale wadankani wuxuu qani ku yahay kheyraadka dabiiciga ag, sida macdanta, koffeega, midhaha, sonkorta iyo cudbiga laga sameeyo dharka.
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ Honduras Archived May 15, 2020 // Wayback Machine. CIA – The World Factbook. Cia.gov. Retrieved on 28 July 2012.
- 1 2 3 4 "Honduras". International Monetary Fund. Retrieved 18 October 2014.
- ↑ 1992–2007: "Human Development Report 2009 – M Economy and inequality – Gini index". Human Development Report Office, United Nations Development Programme. Archived from the original on 17 October 2009. Retrieved 17 October 2009.
{{cite web}}: Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|deadurl=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ "Human Development Report 2010" (PDF). United Nations. 2010. Archived from the original (PDF) on 21 Bisha Kow iyo Tobnaad 2010. Retrieved 5 November 2010.
{{cite web}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help)