Elizabeth II

Ka Wikipedia
Elizabeth II
Elizabeth Alexandra Mary
Taariikhda Dhalashada: 21 Abriil 1926
Meesha dhalashada: Mayfair, England, Boqortooyada Ingiriiska
Taariikhda dhimashada: 8 Sebtembar 2022 (96 jir)

Elizabeth II (ku dhalatay London 21 Abriil 1926 - 8 Sebteembar 2022[1]), waa boqorada Midowga boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland iyo sidoo kale dalalka la isku yiraahdo commonwealth oo ku jirto Australia, Jamayka, Kanada iyo New Zealand. Waxay degentahay dalka ingiriiska, waxay xukunka soo haysay laga soo bilaabo 6da feebaraayo 1952 ilaa hadda. Ayada iyo eheladeeda waxay xukunka soo haayeen mudo ka badan 1000 sano. Elizabeth II waxay leedahay 4 ciyaal, ninkeeda waxaa la dhahaa philip.

Waxay ku dhalatay Elizabeth Alexandra Mary Windsor ee London 21kii Abriil 1926 iyada oo ah ilmihii ugu horreeyay ee King George VI ee England iyo Elizabeth Bowes-Lyon.

Waxaa lagu dhawaaqay boqorad 6 Febraayo 1952 isla markiiba ka dib dhimashadii aabaheed George VI. Xiligaas waxa uu booqasho ku tagay dalka Kenya oo uu wali gumaysan jiray ingiriisku waxa uuna booqday buuraha Aberdare.

Wuxuu ku helay taajka xaflad rasmi ah 2 Juun 1953 ee Westminster Abbey.

Isaga oo ah madaxa Barwaaqo-sooranka waxa uu sidoo kale ahaa madaxa dawladda dalalka soo socda ee beeshan:[2]

  • Boqoradda Antigua iyo Barbuda
  • Boqorada Ustareliya
  • Boqorada Bahamas
  • Boqorada Belize
  • Boqorada Kanada
  • Boqorada Grenada
  • Boqorada Jamayka
  • Boqorada Niyusiiland
  • Boqorada Baabuwa Cusub Guinea
  • Boqoradda Saynti Kitts iyo Nefis
  • Boqorada Saynti Lusiya
  • Boqorada Saynti Finkent iyo Grenadines
  • Boqorada Jasiiradaha Sulaymaan
  • Boqorada Tufalu
  • Boqorada Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland

Dhamaan wadamada markii uu xilka qabtay muu lahayn awood dawladeed balse waxa uu u talin jiray sidii boqor dastuuri ah oo ku dhisan qaab dhismeedka dawlada baarlamaanka.

Qoraallada hoose[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Queen Elizabeth II dies aged 96 Guardian (UK), 08.09.2022
  2. marka laga reebo kuwa kale oo dhexda u soo jeestay Jamhuuriyadda

Xiriirinta dibadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
Maqaalkan guud waa la bilaabay.
Wax ma ka taqaan Elizabeth II sida taariikhdeeda ama xidhiidhka ay la leedahay mawduucyo kale?
Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto macluumaadka Wikibidhiya Ingiriiska ama luqado kale oo ay tahay in la tarjumo?
Markaa waxaad ku caawin kartaa Wikibidhiya leh wax ka bedel oo ku dar xog.