Webiga Mississipi

Ka Wikipedia

Coordinates: 29°09′04″N 89°15′12″W / 29.15111°N 89.25333°W / 29.15111; -89.25333

Kani waa maqaal ku saabsan webiga Mississipi ee dhexmara Minnesota, Maraykanka. Haku khaldin Gobolka Mississippi iyo Webiga Mississippi Kanada.
Webiga Mississippi
Webiga Mississippi meel u dhow Effigy Mounds, Iowa
Name origin: Erey ka yimid luuqada Ojibwe misi-ziibi, macnaheedu tahay "Webi Wayn", ama gichi-ziibi, macnaheedu tahay "Webi Balaadhan"
Dalka Maraykanka
States Minnesota, Wisconsin, Iowa, Illinois, Missouri, Kentucky, Tennessee, Arkansas, Mississippi, Louisiana
Tributaries
 - left Webiga St. Croix (Wisconsin–Minnesota), Webiga Wisconsin, Webiga Rock, Webiga Illinois, Webiga Kaskaskia, Webiga Ohio
 - right Webiga Minnesota, Webiga Des Moines, Webiga Missouri, Webiga Cad, Webiga Arkansas, Webiga Cas
Magaalooyin Minneapolis, MN, St. Paul, MN, La Crosse, Wisconsin, Quad Cities, IA/IL, St. Louis, Missouri, Memphis, Tennessee, Baton Rouge, Louisiana, New Orleans
Source Lake Itasca[1]
 - location Itasca State Park, Clearwater County, MN
Afka Gacanka Meksiko
 - location Pilottown, Louisiana, Plaquemines Parish, Louisiana, LA
Length 2,320 mi (3,734 km)
Biyogaleen 1,151,000 sq mi (2,981,076 km2)
Dhamaadka for afka webiga; barta ugu sareeysa Baton Rouge, Louisiana
 - iskucelcelis 593,000 cu ft/s (16,792 m3/s) [2]
 - max 3,065,000 cu ft/s (86,791 m3/s)
 - min 159,000 cu ft/s (4,502 m3/s)

Webiga Mississippi (ingiriis: Mississippi River; carabi: نهر المسيسيبي) waa webiga ugu weyn ee dhexmara qaarada Waqooyiga Ameerika.[3][4] Webigan wuxuu dhexmaraa gobolo badan oo wadanka Maraykanka ah ilaa uu ka gaadho biyo-xidheen ku yaala wadanka Kanada xaga waqooyi; iyo Gacanka Meksiko xaga koonfureed. Webigu wuxuu ka soo bilaabma Harta Itasca oo biyaha bada ka sareeysa 1,475 feet (450 m) kuna taala Kaleer County, Minnesota. Kor iyo hoos webiga Mississippi wuxuu dhex maraa ilaa 31 gobol oo ka mid ah wadanka Maraykanka, kuwaasi oo dhamaantood uu kaga tego biyo-xidheeno, harooyin iyo webiyo yaryar.

Webiga Mississippi waa kan 4aad ee ugu dheer iyo midka 10aad ee ugu weyn webiyada caalamka. Sidoo kale webigani wuxuu xad la leeyahay ama dhex maraa dhamaan goboloda ka tirsan Maraykanka ee: Minnesota, Wisconsin, Iowa, Illinois, Missouri, Kentucky, Tennessee, Arkansas, Mississippi, iyo Louisiana.

Maabka webiga Mississipi

Dadka loogu tegay qaarada Ameerika ee lo yaqaano "Hindida Cas" ayaa wakhti aad u dheer garab deganaa webiga Mississippi ayagoo ku manaafacaadsan jirey biyaha webiga. Sidoo kale maadaama ay badankoodu ahaayeen ugaadhsato ama qadhaabsato waxay ka qaraaban jireen webiga jaankiisa ama ka guran jireen midhaha. Mudo ka dib weey garab dageen webiga ayagoo ku dhaqanaya xoolo iyo beero yaryar. Nolosha qabiilada Hindida Cas ee ku dhaqnaa webiga Mississippi dhinaciisa waxay isbedeshay goortii ay yimaadeen sahamiyayaashi gumeystaha reer Yurub, iyo goortii degitaanka iyo isku fidinta dowlada Maraykanka. Waxaa lagala wareegay harooyinka iyo biyo-fadhiga webiga iyo deegaano badan ooy ku dhaqnaayeen.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. The United States Geological Survey recognizes two contrasting definitions of a river's Source (river or stream).USGS.gov By the stricter definition, the Mississippi would share its source with its longest tributary, the Missouri, at Brower's Spring in Montana. The other definition acknowledges "somewhat arbitrary decisions" and places the Mississippi's source at Lake Itasca, which is publicly accepted as the source,USGS.gov and which had been identified as such by Jacob V. Brower himself.MT.gov Archived Jannaayo 18, 2012 // Wayback Machine
  2. Kammerer, J.C. (May 1990). U.S. Geological Survey http://pubs.usgs.gov/of/1987/ofr87-242/. Soo qaatay February 22, 2011.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. United States Geological Survey Hydrological Unit Code: 08-09-01-00- Lower Mississippi-New Orleans Watershed
  4. "Nuqul Archive". United States Geological Survey. Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Saddexaad 5, 2009. Soo qaatay March 14, 2009.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)


Dalalka Woqooyiga Ameerika Qaarada Woqooyiga Ameerika
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago