Suugaanta Soomaalida
Qeyb ka mid ah silsilada |
Dhaqanka Soomaaliya |
---|
Dhaqanka |
Bulshada |
Diimaha |
Luuqada |
Siyaasad |
Suugaanta Soomaalida (Af Ingiriis : Somali literature) waa qeyb ka mid ah dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan fanka iyo suugaanta u khaaska ah dadka Soomaalida ah meel kasta oo dunida kaga dhaqan yihiin. Suugaanta Soomaalida waxaa loo kala saaraa noocyo badan; kuwaasi waxaa ka mid ah gabayga, geeraarka, heesaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo noocyo badan oo kale.
Gabay
Qeyb ka mid ah silsilada |
Fanka Soomaalida |
---|
Fanka iyo Suugaanta |
Masraxa |
Qeybaha Heesaha |
Heeso Dhaqameed |
Qalabka |
La Xidhiidha |
Gabaygu waa maanso ama qayb ka mid ah suugaanta Af Soomaaliga ama mida caansan Suugaanta Soomaalida. Nolosha Soomaalida oo ku salaysan miyiga ayuu gabaygu u yahay sida ugu haboon ee warka ama dhacdooyinka lagu gudbiyo. gabayada waxaa ugu badnaa galbeedka oo iyagu leh abwaanadi ugu badnaa sida Sayed Maxamed,Qamaan Bulxan,Weerar Bulxan,Rage Ugaas,Wiil waal,Farax Caytame,Dhoodhaan,Shay waal,Sangub,Cabdiqadir stanza,Sugaal iyo kuwa kale oo badan.
Tix gaaban oo ka mid ah gabay Soomaaliga waxaa ka mid ah:
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh .
Geeraar
Buraanbur
Ciyaaro Hido Iyo Dhaqan
Heeso Soomaali
Hees Howleed
Hees howleedku waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida ee lagu qabto shaqada. Kuwaasi waxaa ka mid ah:
Geelu geel fuley gaadhimaaye, Haka daba fulo
Shirib
doqoni calaf male
nin soori kaaqaaday waa nin geeri kaaqaaday
taasa anface ayaa tukale ku dara
xiniinyo la'isma dhibaaad sho
intaadan falin kafiirso
been taada hore runtaada danbay xumaysaa