Siyaasadda Soomaaliya

Ka Wikipedia
Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda:
Siyaasadda iyo Xukunka
Soomaaliya

Siyaasadda Soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabadan dawladdii Kacaanka kadib 1990, Soomaalida waxaa loo sameeyay Dastuur, Federaal ah iyo Maamul Goboleed kuwaas oo ku yimid qaabab kala duwan, waxaa samaysamay Somaliland taasoo sheegatay in ay tahay dawlad madax banaan kana go'day Soomaaliya inteeda kale, shacabka Soomaaliyeed raalli kama noqon goosashada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya 1991. Waxaa sidoo kala samaysmay Puntland 1998 taasoo ay sameysteen beelaha dega Bari, Bugaal iyo woqooyiga Mudug, waxaa sidoo kale la sameeyay Galmudug 2010. Horraantii 2000 waxaa la soo dhisay dawlad ku meel gaar ah waxaana madaxweyne ka noqday. Dott Cabdiqaasim Salaad Xassan (TNG) waxaa ku xigtay dawladii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee loo yaqiin (TFG)2004 waxaana madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo dalka galisay burbur horle waxayna soo galisay dalka ciidamada Itoobiya.[1] Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isku fidiyay taasoo ka caraysiisay Itoobiya una aragtay fusad ay kula dagaalami karto ficilada ay sameeyeen. Markii meesha laga saaray Maxaakiimta ayaa waxaa soo baxay kooxo la magacbaxay Muqaawamo kana aas aasamay magaalada Muqdisho intii ay socotay muqaawamada waxaa barbar socday wadahadal UN-ka loo maray kaasoo uu garwadeen ka ahaa Axmed Walad Cabadlla keentayna in laga saaro Itoobiya dalka Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009. Waxaa maxaakiimta ka farcamay kooxda Al-Shabaab taasoo dalka dhibaatadii ka jirtay sii murjisay, taasoo dagaal la gashay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Axmed 2010-2011 dagaal ba'an ku dhexmaray magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda, Madaxweyne Shariif xoogaa rajo ah ayay soo celisay Dawladdiisii loogu magacdaray Midnimo Qaran dawladdaas oo muqdisho ka fogaysay qatartii Al-shabaab iyadoo gacan ka helaysa AMISOM wuxuu diyaariyay doorasho aad loogu riyaaqay,[2] kaasoo xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana taa xigay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku guulaysatay isu soo dhoweyn Soomaalida dhexdeeda ah iyo dastuurka oo loo hogaansamo.

Taariikhda Siyaasadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dastuurka Federaalka Ku meel gaarka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

===Dagaalkii Maxaakimta iyo Itoobiya ===7

Dawladdii Midnimo Qaran[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sharci dajinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

mahdi gulaid

Xisbiyada soomaaliya markaan laba ukala qaadno Waqooyi iyo koonfur waxaa ka kala jira xisbiyo. Waqooyiga Soomaaliya (Soomaaliland) Waxay Leedahay Xisbiyo badan sida xisbiga Wadani, Ucid iyo Kulmiye Oo ka dhisan waqooyiga soomaaliya ee looqayaan somaliland waxaana talada hadda u haaya Xisbiga Kulmiye, dhanka kale Koonfurta soomaaliya waxa Kaloo ka jira Xisbiyo badan Sida: Xisbiga Wadajir, Xisbiga Nabadda iyo Horumarka, Xisbiga Himilo qaran iyo Xisbiga Nabad iyo Nolol waxaana talada hadda haaya Xisbiga Nabad iyo Nolol, Haddaba waxa Kaloo Laga yabaa In Wadanka xisbiyo Hor leh Ka aas aasmaan.

by Mohamed Nur Hashi Tabayo

Maamullada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Soomaaliya haday waa nabad waxaan madaxweyne ka ah Hassan shekh iyo raisalwasaaraha waxa weeyaan Hamze bare. dowlada farmaajo waxay soo celisay mushaarka ciidanka iyo amniga caasida muqdisho rajo fiican ayaa ka muuqato dadku wuu ku faraxsan yahay. dadka badan koodu waxay leeyihiin soomaaliya haday sidaas kusii socto nabad ayay noqonaysaa

Xogta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxan ahay arday dhigta ilschoolka bulsha kaal wana raba inaan barto tariiqda io xogagta ee sameesay dalkena soomaaliya sidaas darted waan la ahay

Linkiyo dibadda ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Wikileaks. "Nuqul Archive" (PDF). Wikileaks. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 2014-04-07. Soo qaatay 2007-04-26 ].  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); line feed character in |title= at position 39 (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin)
  2. . Al-arabiya [[http://www.alarabiya.net/articles/2013/01/16/260703.html Hubi |url= value (caawin). Soo qaatay 16 Jan 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)