Dawladda federaalka Soomaaliya

Ka Wikipedia
Soomaaliya
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (so)
جمهورية الصومال الفدرالية (ar)
Jumhūriyyat aṣ-Ṣūmāl al-Fiderāliyya
Heesta qaranka: Qolobaa Calankeed
Location of Dawladda federaalka Soomaaliya
Magaalo madaxMogadishu
2°2′N 45°21′E / 2.033°N 45.350°E / 2.033; 45.350
Luqadaha rasmiga ah Af-Soomaali, Af-Carabi
Xukunka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
 -  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
 -  Madaxweyne
Sharci dejinta Baarlamaan
 -  Aqalka sare Aqalka sare
 -  Aqalka hoose Aqalka hoose
La soo xulay
 -  Dastuurka kumeel gaarka ah 20 Agoosto 2012
(11 sanadood, 6 bilood, iyo 28 maalmood dhaaftay) 
Lacagta Shilin Soomaali

Dawladda Federaalka Soomaaliya (Af Carabi : ar‎; Af-Taliyaani : Governo federale della Somalia; Af Ingiriis : Federal Government of Somalia) waa dawlad ay caalamku aqoonsanyihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda:
Siyaasadda iyo Xukunka
Soomaaliya

Dulmar guud

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dhisantay Agoosto 20, 2012 dhamaadkii dawladdii kumeel gaarka ahayd TFG.

Qaab dhismeedka

Kadib markii lasoo xulay Xubnaha Baarlamaanka Ayeey waxay doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Afhayeen, waxay markale duurteen Madaxweyne oo isgana sii xushay Raiisul wasaare, Sidaas ay dawladdu ku tahay Baarlamaani oo wax walba Baarlamaanka ayaa soo go'aaminaya

Dastuurka

Dawladda Wali mayeelan Dastuur dadku ansixiyeen kaas oo ka turjumaya Soomaaliya oo dhan waloow uu jiro mid kumeel gaar ah oo lagu magacaabo Dastuurka federaalka ku-meel-gaara ah Dastuurka iyo Federaalaynta.

Fulinta

Madaxweyne: Xasan Sheekh Maxamuud.

Baarlamaan

Baarlamaanka Qaranka Soomaaliya. waxaa la unkay Agoosto 2012, xaruntiisana waxay ku taalaa Muqdisho waxa uuna ka koobanyahay laba aqal, oo ukala baxa Aqalka sare (Aqalka sare wali lama soo xulin waxaana awooda la siiyey madaxweynaha) sidoo kale waxaa jira Aqalka hoose kaasoo loola jeedo 275 xildhibaan.

Garsoorka

Maxkamadda Sare oo ku taal Muqdisho Gudoomiyaheedana waxaa soo doordta Madaxweynaha.

Dawlad-goboleedyada

  • 1 Somaliland 1991 Oo sheegatay in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale
  • 2 Puntland 1998
  • 3 Galmudug 2008
  • 4 Ximin iyo Xeeb 2010
  • 5 Ceelbuur state 2011
  • 6 Mareeg State 2010
  • 7 Hiiraan state 2011
  • 8 Banadir State 2012
  • 9 Jubbaland 2010
  • 10 Khaatumo State 2011
  • 11 Awdalland 2010

(FG) Waxaa laga yaabaa Qaarkood in aan la dhisin oo ay ujiraan magac ahaan.

Tacliinta

Soomaaliya Malahan manhaj mideeysan ee wax barasho, waxaa ka jira Dugsiyo iyo jaamacado si gaar ah loo leeyahay.

Caafimaadka

Soomaaliya Waxay kamid tahay Dalalka ugu Faqrisan aduunka, Ma jiro Fayo-dhawr guud oo kafaala qaadaya caafimaadka asaasiga ah ee Muwaadinka Soomaaliyeed.


Warbaahin

ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Gulaid

Soomaaliya Waxay leedahay laba xarun ee warfaafineed ee ku hadla Afka Dawladda Radio Muqdisho ito Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaa kaloo jira Saxaafad madax badaan oo badankood ku hadla Afka Beelahood.

Ciidamada

Soomaaliya malahan Ciidan habaysan kaas oo awooda hanashada amaanka Dalka iyo Xuduudihiisa, waloow ay dhisanyihiin ciidan gaaraya ugu yaraan 50,000 hadana waa ciidamo beeleedyo la isu-keenay.

Ciidamada Soomaaliya waxay ahaayeen ciidanka ugu xoogan qaarada afrika (Afrikada Madoow), marka laga eego Baaxadiisa iyo lacagta ku bixi jirtay iyo qalabka uu watay. ciidanka Soomaaliya waxaa markaas Baaxadiisa lagu qiyaasaasi jiray inta u dhaxeeysa 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah. Ciidanka soomaaliya waxaa la sameeyay 1960kii, waa markii ay soomalaiya xornimadeeda ka qaadatay gumeeysta-yaashii Ingriiska iyo Talyaaniga.

Caasimadda

Magaalo Madaxda Soomaaliya Waxaa caasimad u ah Muqdisho Waxaana ku yaal Hooyga Madaxwenaha Villa Somalia , Wasaaradaha iyo Baarlamaanka.

Baasaboorka

Soomaaliya Waxay leedahay Baasaboor Elektaroonik ah inkastoo kaydka macluumaadka ama Serverka kaydiya Macluumaadka uu yaalo Imaaraatka Carabta Wali Awood uma helin laanta Socdaalka in ay usoo wareejiso Soomaaliya.

Waxaa dhacday hadda ka hor in nin Hindi ah oo Deganaasho ku leh Dubay iyo Nayroobi uu sameeyo Baasabooro Soomaali ah taasoo fadeexad ku noqotay Laanta socdaalka Soomaaliya.

Xigasho