Madaxwaynaha Soomaaliya

Ka Wikipedia
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliyeed
Calanka Cirdhow
Astaanta qaran ee madaxweynaha
Hadda xilka haya
Maxamed Cabdulaahi Maxamed

Laga soo bilaabo 8 Febraayo 2017
XaruntaVilla Somalia
Muddada xilkaAfar sanno
Xilka soo bilaabayAadan Cabdulle Cusmaan
La aas aasay1 July 1960
Websitevillasomalia.gov.so

Madaxaweynaha Soomaaliya (Af Ingiriis : President of Somalia) waa madaxweynaha iyo hogaamiyaha guud ee wadanka Soomaaliya. Madaxweynaha wadanku waa hogaamiya koowaad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Intaasi waxa dheer, Madaxweynuhu wuxuu hormuud u yahay Dowlada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, midnimada Umada Soomaaliyeed, dhaqan-gelinta Dastuurka Soomaaliya, iyo howl-gelinta xubnaha dowlada.[1]

Hordhac

Xafiiska rasmiga ee Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la aasaasay markii ay sameeysantay Jamhuuriyada Soomaaliya 1dii Luuliyo sanadkii 1960kii. Madaxweynihii ugu horeeyay ee xafiiska qabta wuxuu ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan (ku magac dheeraa "Aaden Cadde"). Madaxweynaha maanta tallada haya waa midkii 8aad, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo kursiga ku fadhiya tan ilaa markii la doortay 16kii Sebtember 2012.[2]

Madaxweynayaasha Soomaaliya

Madaxweyneyaashii soomaray dalka Soomaaliya.

Xilka qabtay Sawir Jagada Xisbi Faallo
Jamhuuriyadda soomaaliya
1 Luuliyo 1960 ilaa 10 Juun 1967 File:Aadan Cade.jpg Aadan Cabdulle Cusmaan, Madaxweyne SYL
10 Juun 1967 ilaa 15 Oktober 1969 File:Sharmaarke.jpg Abdirashid Ali Shermarke, Madaxweyne SYL La dilay
Dowladdii kacaanka
21 Oktober 1969 ilaa 1 Luuliyo 1976 Mohamed Siad Barre, Madxii usareeyey afgambiga Mil
1 Luuliyo 1976 ilaa 26 Janaayo 1991 Mohamed Siad Barre, Madaxweyne SRSP Xiligiisii hanti wadaagga
Dagaal sokeeye
Janaayo 1991 ilaa Juun 1995 File:Cali Mahdi.jpg Ali Mahdi Muhammad, Madaxwyne ku meel gaar ah (Dowladiisiina ma shaqayn Kadib markii uu ka horyimid Maxamed Faarax Caydiid) USC Dagaal sokeeye ayaa dhacay
15 Juun 1995 ilaa 27 Ogosto 2000 Xilligaan dalka wax dowlad ah ma jirin ilaa laga soo gaaro shirkii carta
Kumeel Gaar (TNG)
27 Ogosto 2000 ilaa 14 Oktober 2004 Abdiqasim Salad Hassan, Madaxweyne ku meel gaar ah n-p
Kumeel Gaar ama Dowladda federaalka kumeelgaarka (TFG)
14 Oktober 2004 ilaa 29 Diisembar 2008 Abdullahi Yusuf Ahmed, Madaxweyne ku meel gaar ah SSDF Is Casilay
31 Janaayo 2009 ilaa 20 Ogosto 2012 Sharif Sheikh Ahmed, Madaxweyne ku meel gaar ARS Dowlad Midnomo Qaran
Jamhuuriyadda faderaalka soomaaliya
16 Sebtember 2012 Ilaa 7 Febraayo 2017 Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne PDP
8 Febraayo 2017 Ilaa iyo hadda xilka haya Maxamed Cabdulaahi Maxamed, Madaxweyne PDP

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. *Provisional Constitution (adopted August 1, 2012)
  2. The Illustrated Library of The World and Its Peoples: Africa, North and East, Greystone Press: 1967, p. 338