Isgaadhsiinta Soomaaliya

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Dhismaha xarunta Hormuud Telecom ee Muqdisho.

Isgaadhsiita Soomaaliya (Af Ingiriis : Communications in Somalia) waa adeega isgaarsiinta ka howlgasha wadanka Soomaaliya, taasi oo iskugu jirta isgaadhsiinta teleefanka, internetka, idaacadaha raadiyaha, madbacadaha, warbaahinta telefishanka iyo adeega waraaqad-dirista (postal services).

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee wadanka, waxaa aasaasmey shirkado madax banaan oo uga adeega bulshada howlaha isgaadhsiinta ee wakhtiyadii hore dowlada Soomaaliya gacanta ku hayn jirtey.[1] Tartanka udhaxeeya shirkadaha wuxuu keenay in maanta Soomaaliya ka mid noqoto wadanada ugu adeega fiican iyo qiimaha jaban ee isgaadhsiinta teleefanka iyo internetka.[2]

Adeega Boostada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Adeega Boostada Soomaaliya
Somali Postal Service
Boostada Soomaaliya
Waxbixin Wakaalada
Nooca Adeega boostada
Hoos-tegta Dawladda federaalka Soomaaliya
Xarunta sare Muqdisho, Soomaaliya
2°04′00″N 45°22′00″E / 2.06667°N 45.36667°E / 2.06667; 45.36667
Wasiirka wakiilka ah
  • Maxamud Ibrihim Adan
Parent agency Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta
Website mipt.gov.so

Adeega Boostada Soomaaliya waa adeega boostada iyo waraaqaha ee wadanka Soomaaliya. Shaqada boostada waxaa masuul ka ah Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta.[3] Intaasi waxaa dheer, adeega boostada waxay xidhiidh quman la leedahay wakaalado kale oo caalami ah kuwaasi oo iska kaashadaan helitaanka iyo dirista buqshadaha iyo alaabta. Nasiib-daro, adeega boostada Soomaaliya wuxuu burburay wakhtigii |dagaalkii sokeeye sanadkii 1991kii. Dadaal badan iyo dhiiranaan ka dib, waxaa dib loo soo celiyay adeega boostada 1dii Noofember 2013ka,[4] wakhtigaasi oo uu dhacay Heshiiskii Xidhiidhka Iskusocodka ee dowlada Soomaaliya la sexeexatay wakaalada Boostada Imaaraadka.[5]

Guud ahaan, badhtamihii Oktober 2014ka waxaa Wasaarada Boostaha ku dhawaaqdey fureyaal u gaar ah dhamaan 18ka gobol ee wadanka.[6]

Sidoo kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Telecom Firms Thrive in Somalia Despite War, Shattered EconomyThe Wall Street Journal
  2. "Freeing Finance: If money makes the world go round, Dahabshiil CEO Abdirashid Duale makes sure it goes to the right people". Forbescustom.com. Archived from the original on 2012-01-06. Retrieved 2010-06-27. 
  3. Ministry of Information, Posts and Telecommunications, Government of Somalia, 2012. Retrieved 9 December 2012.
  4. "International mail services officially resume in Somalia". Universal Postal Union. 1 November 2013. Retrieved 7 November 2013. 
  5. "Mail services could soon resume in Somalia". Universal Postal Union. 26 April 2013. Retrieved 27 April 2013. 
  6. "Weekly Statement: Progress of the Somali Government". Diplomat News Network. 11 October 2014. Retrieved 12 October 2014.