Ciidanka Xooga Soomaaliya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Ciidanka Soomaaliya)
Ciidamada qalabka sida
القوات المسلحة صومالية

Astaanta ciidanka
Asaas 1960
Qaabkooda hadda Ciidamo beeleedyo isutagay
Qaybha ciidanka Ciidamada Birriga
Ciimada Cirka
Ciidamada Badda
Xarunta Muqdisho, Soomaaliya
Hogaanka
Commander-in-Chief S/GUUTO ADOWA YUSUF RAGE
Wasiirka Gaashaan dhigga HASSAN HUSSEIN HAJI
Taliyaha ciidamada qalabka sida General Abdirsaaq khaliif cilmi
Awooda Ciidan
Da'da Ciidanka 16 - 55
Tababarka Dawladda dariska iyo kuwa kale
Ciidan
Noqon kara
2,261,704 (2010 est.; lab)
2,217,584 (2010 est.; dhidig), age 18–49
Ciidanka
hawl gali kara
1,328,567 (2010 est.; lab)
1,386,971 (2010 est.; dhidig), age 18–49
Waxa Ciidan noqan kara
Sanadkiiba
999.000 (2010 est.; lab)
999,771 (2010 est.; dhidig)
Shaqsiyaadka Firfircoon Sareeye Gaas
Ciidanka Kaydka Wax kayd ah malahan
Qarashka ku baxa
Wax soo saarka dalka inta uga baxda 0.9% (2005)
Qalabka
Gudaha waxa ay ka helaan Warshado qalab ciidan malahan
Dalalka taageera Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta (Khaliij)
Waxa ay sanadii soo dhoofsadaan Cunaqabatayn ayaa saaran
Waxa ay dhoofiyaan sanadkiiba Ma jiraan

Ciidanka Xooga Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Armed Force; loo soo gaabiyo SAF; Af Carabi : ar‎) sido dowliga ah loo yaqaano Ciidanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waa Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya.[1] Ciidanka xooga dalka waxaa hogaamiya madaxweynaha wadanka, waxayna masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka.[2]

Taariikh ahaan, ciidanka wadanka Soomaaliya wuuu ahaan jirey kan ugu xoogan qaarada Afrika. Ciidanka Soomaaliya waxaa markaas weeninkiisa lagu qiyaasaasi jiray in oo u dhaxeeyay 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah. Ciidanka soomaaliya waxaa la sameeyay 1960kii, waa markii ee soomalaiya xornimadeeda ka heshay gumeesti yaashii Ingriiska iyo Talyaaniga. Ciidamada soomaaliya waxee ka koobnaayeen Ciidanka Badda Soomaaliya, Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Shaqadooda ugu horeeysay ee qabtaan neh waxee eheed Xoreentii Soomaali Galbeed 1976ii, waa markii ee 4 dal ku goobteen. Ciidamada Soomaaliya qalab badan oo xoogan ee lahaayeen, waxaana si fiican u dhisay, wadamada Ruushka (Midowga Soviet), Talyaaniga iyo mareykanka oo hub ugu saaiidi jiray. Ciidamada soomalaiya ayaga ayaa ciidankooda sii tabo bari jiray dhinaca dhulka iyo cirka. 20sano kadib ciidamada soomaaliya awood ee ku difaacan dalka malahan,Kuwii hore ee xooga dalka soomalaiya wee duqoobeen, qaar neh dalka ee ka baxeen, qaar badan neh dagaalkii sokeeyay ee ku dhinteen. sidii loodhisay Dawladda KMG, somalia waxee yeelatay ciidan yar oo 20,000 gaareenin, sifiican neh u tabo barneen, qalab fiican iyo dhaqaalo ciidan neh ee heesanin. Ciidanka maanta ka jira dalka soomaaliya, waa kuwo dalkooda difaacaya ayaga oo waxba heesanin, qalab ama gawaarida militariga. Maadaama oo dalka ka jiro dagaalo, mala dhihi karo ciidankeena woo dhisanyahay, ayaga oo waxba heesanin qofna caawinin.

Wasaarada Gaashaandhigga

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Gaashaandhiga
وزارة الدفاع
Wasaaradda Gaashaandhiga
Warbixin Wasaarada
La-sameeyay1 Abriil 1914; Error: first parameter cannot be parsed as a date or time. (1914-04-01)
Hoos-tegtaDowlada Federaalka Soomaaliya
Xarunta
sare
Muqdisho,  Somalia
Waaxda Fulinta
  • Cabdulqaadir Sheikh Diini, Wasiirka Gaashaandhiga

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya (Af Ingiriis : Ministry of Defence) (sidoo kale loo yaqaano: Wasaarada Difaaca Soomaaliya) waa wasaarada maamusha dhamaan hay'adaha iyo waaxyaha aminiga qaranka, isla markaana gacanta ku haysa ciidanka qaranka wadanka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ah Hogaamiyaha Sare ee Ciidanka Qalabkasida ee wadanka. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga wuxuu masuul ka yahay isku dibu ridka iyo diyaarinta siyaasada ciidanka, isla markaana soo diyaarinta kheyraadka iyo maamulka dhaqaalaha ku baxa ciidanka.

Guud ahaan, ciidamada hubaysan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah: ciidanka qaranka, Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyo Ciidanka Badda Soomaaliya; kuwaasi oo masuul ka ah ilaalada iyo nabadsugida wadanka, shacabka, qaranka iyo dowlada..[3]

Habka iyo Nidaamka Wasaarada

  • Wasiirka Gaashaandhiga
    • Wasiir ku xigeen
      • Xoghayaha Guud
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud
        • Waaxda Dhaqaalaha
        • Waaxda Qorsheynta
      • Wakaalada Difaaca
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Waaxyaha Ciidanka

Wadanka Soomaaliya wuxuu leeyahay sadex nooc oo ciidan ah, kuwaasi oo u sii kala baxa noocyo badan. Ciidanka dhulka, Ciidanka Baddaha iyo Ciidanka Cirka ayaa ah sadexda rukun ee ugu muhiimsan.

Ciidanka Badda

Ciidamada Badda Soomaaliyeed (SNF), waa adeega ciidanka badda oo ah waax ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka baddu wuxuu masuul ka yahay ilaalinta, difaacida iyo maamulka baddaha wadanka Soomaaliya.

Ciidanka Cirka

Ciidamada Cirka Soomaaliyeed (SAF) waa awooda ciidanka cirka oo ah qeyb ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka cirku waxay masuul ka yihiin ilaalada hawada iyo cirka wadanka Soomaaliya. Markii wadanka Soomaaliya xoriyada qaatey 1960kii ayaa la aasaasay ciidanka cirka, waxaana hogaanka ciidankaas gacanta ku hayay duuliyihii ugu horeeyay Cali Mataan Xaashi.[4] Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Cirka Soomaaliya waxay wakhti ahaayeen kuwa ugu awooda badan Geeska Afrika.[5] Burburkii wadanka 1990kii ayaa burburisay ciidankaasi; waxaase dib-loo soo nooleeyay sanadkii 2010.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. "Nuqul Archive" (PDF). Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 December 2013. Soo qaatay 13 March 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2 April 2015. Soo qaatay 13 March 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) Chapter 14, Article 126(3).
  3. http://www.hiiraan.com/news4/2014/Jan/52907/somali_prime_minister_unveiled_his_55_member_cabinet.aspx. Soo qaatay 1 May 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Luigi Pestalozza, The Somalian Revolution, (Éditions Afrique Asie Amérique latine: 1974), p.27.
  5. Tom Cooper, African MiGs: MiGs and Sukhois in service in Sub Saharan Africa, (SHI Publications: 2004), p.109.