Ciidanka Badda Soomaaliya
Sidoo kale fiiri: "Taariikhda Badmareenka Soomaalida"
| Ciidamada Badda Soomaaliya Somali Navy Force | |
|---|---|
Astaanta Ciidanka Badda Soomaaliya | |
| La aasaasay | 1965 |
| Wadanka | |
| Qeybta | Ciidanka Badda |
| u qaabilsan | Dagaalka badda |
| Ka tirsan | Ciidanka Xooga Soomaaliya |
| Xarumaha | Kismaayo Berbera Marka |
| Halkudhig | Isku Tiirsada! Af-Ingiriis: Lean Together! |
| midabka | cirdhow, Dahab |
| Hogaanka | |
| Hogaanka hadda | Hogaamiye Farah Omar Ahmed |
| Hogaan hore |
|
| Utaagan | |
| Naval ensign | |
Ciidamada Badda Soomaaliyeed (SNF), (Af Ingiriis : Somali Navy Force, Af Carabi: القوات البحرية الصومالية), waa adeega ciidanka badda oo ah waax ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka baddu wuxuu masuul ka yahay ilaalinta, difaacida iyo maamulka baddaha wadanka Soomaaliya.
Wasaarada Gaashaandhigga
| وزارة الدفاع Wasaaradda Gaashaandhiga | |
| Dulmar hay’adda | |
|---|---|
| La aasaasay | 1 Abriil 1914 |
| Awqaafta | Dowlada Federaalka Soomaaliya |
| Xarunta dhexe | Muqdisho, |
| Maamulaha hay’adda |
|
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya (Af Ingiriis : Ministry of Defence) (sidoo kale loo yaqaano: Wasaarada Difaaca Soomaaliya) waa wasaarada maamusha dhamaan hay'adaha iyo waaxyaha aminiga qaranka, isla markaana gacanta ku haysa ciidanka qaranka wadanka Soomaaliya.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ah Hogaamiyaha Sare ee Ciidanka Qalabkasida ee wadanka. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga wuxuu masuul ka yahay isku dibu ridka iyo diyaarinta siyaasada ciidanka, isla markaana soo diyaarinta kheyraadka iyo maamulka dhaqaalaha ku baxa ciidanka.
Guud ahaan, ciidamada hubaysan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah: ciidanka qaranka, Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyo Ciidanka Badda Soomaaliya; kuwaasi oo masuul ka ah ilaalada iyo nabadsugida wadanka, shacabka, qaranka iyo dowlada..[1]
Habka iyo Nidaamka Wasaarada
- Wasiirka Gaashaandhiga
- Wasiir ku xigeen
- Xoghayaha Guud
- Ku xigeenka Xoghayaha Guud
- Waaxda Dhaqaalaha
- Waaxda Qorsheynta
- Wakaalada Difaaca
- Waaxda Nidaaminta
- Waaxda Maamulka iyo Habaynta
- Wasiir ku xigeen
Ciidanka Xooga Dalka
| Ciidamada qalabka sida القوات المسلحة صومالية | |
|---|---|
Astaanta ciidanka | |
| Asaas | 1960 |
| Qaabkooda hadda | Ciidamo beeleedyo isutagay |
| Qaybha ciidanka | Ciidamada Birriga |
| Xarunta | Muqdisho, Soomaaliya |
| Hogaanka | |
| Commander-in-Chief | Xassan seefow |
| Wasiirka Gaashaan dhigga | Abdihakim Mohamoud Haji-Faqi |
| Taliyaha ciidamada qalabka sida | General Abdirsaaq khaliif cilmi |
| Qalabka | |
| Dalalka taageera | Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta (Khaliij) |
Ciidanka Xooga Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Armed Force; loo soo gaabiyo SAF; Af Carabi: الجيش الصومالي) sido dowliga ah loo yaqaano Ciidanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waa Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya.[2] Ciidanka xooga dalka waxaa hogaamiya madaxweynaha wadanka, waxayna masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka.[3]
Taariikh ahaan, ciidanka wadanka Soomaaliya wuuu ahaan jirey kan ugu xoogan qaarada Afrika. Ciidanka Soomaaliya waxaa markaas weeninkiisa lagu qiyaasaasi jiray in oo u dhaxeeyay 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah. Ciidanka soomaaliya waxaa la sameeyay 1960kii, waa markii ee soomalaiya xornimadeeda ka heshay gumeesti yaashii Ingriiska iyo Talyaaniga. Ciidamada soomaaliya waxee ka koobnaayeen Ciidanka Badda Soomaaliya, Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Shaqadooda ugu horeeysay ee qabtaan neh waxee eheed Xoreentii Soomaali Galbeed 1976ii, waa markii ee 4 dal ku goobteen. Ciidamada Soomaaliya qalab badan oo xoogan ee lahaayeen, waxaana si fiican u dhisay, wadamada Ruushka (Midowga Soviet), Talyaaniga iyo mareykanka oo hub ugu saaiidi jiray. Ciidamada soomalaiya ayaga ayaa ciidankooda sii tabo bari jiray dhinaca dhulka iyo cirka. 20sano kadib ciidamada soomaaliya awood ee ku difaacan dalka malahan,Kuwii hore ee xooga dalka soomalaiya wee duqoobeen, qaar neh dalka ee ka baxeen, qaar badan neh dagaalkii sokeeyay ee ku dhinteen. sidii loodhisay Dawladda KMG, somalia waxee yeelatay ciidan yar oo 20,000 gaareenin, sifiican neh u tabo barneen, qalab fiican iyo dhaqaalo ciidan neh ee heesanin. Ciidanka maanta ka jira dalka soomaaliya, waa kuwo dalkooda difaacaya ayaga oo waxba heesanin, qalab ama gawaarida militariga. Maadaama oo dalka ka jiro dagaalo, mala dhihi karo ciidankeena woo dhisanyahay, ayaga oo waxba heesanin qofna caawinin.
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ "Somali Prime Minister Unveiled His 55-Member Cabinet (Full List)". Retrieved 1 May 2014.
- ↑ "The Federal Republic of Somalia – Provisional Constitution" (PDF). Archived from the original (PDF) on 28 December 2013. Retrieved 13 March 2013.
{{cite web}}: Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ "The Federal Republic of Somalia – Provisional Constitution". Archived from the original on 2 April 2015. Retrieved 13 March 2013.
{{cite web}}: Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) Chapter 14, Article 126(3).