Warbaahinta Soomaaliya

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Warbaahinta Soomaaliya (Af-Ingiriis: Media of Somalia) waa dhamaan aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo war-isgaadhsiinta wadanka Soomaaliya; kuwaasi waxaa ka mid ah idaacadaha raadiyowga, telefishanka, warbaahinta internetka iyo dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta ka hoowlgasha wadanka Soomaaliya.[1] Sida lagu sheegay buugaag badan oo taariikhi ah, dadka Soomaalida ahi waxay tan iyo wakhtiyo hore ahaayeen kuwo ku safra badaha waaweyn ee caalamka, ayagoo u socdaalaya sababo kala duwan, sida ganacsi, aqoonraadis, dalxiis, iyo kuwo kale.


Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo War-isgaarsiinta Soomaaliya (Af-Ingiriis: Ministry of Information, Posts and Telecommunication) waa wasaarada maamusha warfaafinta iyo xidhiidhka dowlada wadanka Soomaaliya.[2] Sidaasi ay tahay, wasaaradani waxay masuul ka tahay dhamaan warisgaarsiinta iyo Adeega Boostada Soomaaliya.

17kii Janaayo 2014, Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wuxuu wasaarada u kala jebiyay labo qeybood kuwaasi oo kala ah: Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta, iyo Wasaarada Warfaafinta.[3]

Habka iyo Nidaamka Wasaarada

  • Wasiirka Warfaafinta
    • Wasiir ku xigeen
      • Xoghayaha Guud
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud
        • Waaxda Dhaqaalaha
        • Waaxda Qorsheynta
      • Wakaalada Wararka Soomaaliya
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Adeega Boostada

Adeega Boostada Soomaaliya
Somali Postal Service
Boostada Soomaaliya
Waxbixin Wakaalada
Nooca Adeega boostada
Hoos-tegta Dawladda federaalka Soomaaliya
Xarunta sare Muqdisho, Soomaaliya
2°04′00″N 45°22′00″E / 2.06667°N 45.36667°E / 2.06667; 45.36667
Wasiirka wakiilka ah
  • Maxamud Ibrihim Adan
Parent agency Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta
Website mipt.gov.so

Adeega Boostada Soomaaliya (Af-Ingiriis: Somali Postal Service) (Boostada Soomaaliya) waa adeega boostada iyo waraaqaha ee wadanka Soomaaliya. Shaqada boostada waxaa masuul ka ah Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta.[4] Intaasi waxaa dheer, adeega boostada waxay xidhiidh quman la leedahay wakaalado kale oo caalami ah kuwaasi oo iska kaashadaan helitaanka iyo dirista buqshadaha iyo alaabta. Nasiib-daro, adeega boostada Soomaaliya wuxuu burburay wakhtigii |dagaalkii sokeeye sanadkii 1991kii. Dadaal badan iyo dhiiranaan ka dib, waxaa dib loo soo celiyay adeega boostada 1dii Noofember 2013ka,[5] wakhtigaasi oo uu dhacay Heshiiskii Xidhiidhka Iskusocodka ee dowlada Soomaaliya la sexeexatay wakaalada Boostada Imaaraadka.[6]

Guud ahaan, badhtamihii Oktober 2014ka waxaa Wasaarada Boostaha ku dhawaaqdey fureyaal u gaar ah dhamaan 18ka gobol ee wadanka.[7]

Muuqaalo

Caddayn

Linkiyo Banaanka

Tixraac

  1. Charles Geshekter, "Somali Maritime History and Regional SubCultures: A Neglected Theme of the Somali Crisis
  2. "Somalia: Prime Minister Unveils His New Cabinet". Shabelle Media Network. 4 November 2012. Retrieved 5 November 2012. 
  3. "Somali Prime Minister Unveiled His 55-Member Cabinet (Full List)". Retrieved 1 May 2014. 
  4. Ministry of Information, Posts and Telecommunications, Government of Somalia, 2012. Retrieved 9 December 2012.
  5. "International mail services officially resume in Somalia". Universal Postal Union. 1 November 2013. Retrieved 7 November 2013. 
  6. "Mail services could soon resume in Somalia". Universal Postal Union. 26 April 2013. Retrieved 27 April 2013. 
  7. "Weekly Statement: Progress of the Somali Government". Diplomat News Network. 11 October 2014. Retrieved 12 October 2014. 
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: