Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Warfaafinta
Coat of arms of Somalia.svg
Warbixin Wasaarada
Hoos-tegta Soomaaliya
Xarunta
sare
Boondheere, Banaadir, Muqdisho Soomaaliya
Coordinates: 2°2′24″N 45°20′46″E / 2.04000°N 45.34611°E / 2.04000; 45.34611
Waaxda Fulinta
  • Cabdullahi Ceelmoge Xirsi, Wasiirka Warfaafinta
Maamulka Gollaha Wasiirada
Barta Official website

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Boostada iyo War-isgaarsiinta (Af Ingiriis : Ministry of Information, Posts and Telecommunication) waa wasaarada maamusha warfaafinta iyo xidhiidhka dowlada wadanka Soomaaliya.[1] Sidaasi ay tahay, wasaaradani waxay masuul ka tahay dhamaan warisgaarsiinta iyo Adeega Boostada Soomaaliya.

17kii Janaayo 2014, Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wuxuu wasaarada u kala jebiyay labo qeybood kuwaasi oo kala ah: Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta, iyo Wasaarada Warfaafinta.[2]

Habka iyo Nidaamka Wasaarada

  • Wasiirka Warfaafinta
    • Wasiir ku xigeen
      • Xoghayaha Guud
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud
        • Waaxda Dhaqaalaha
        • Waaxda Qorsheynta
      • Wakaalada Wararka Soomaaliya
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Warbaahinta Soomaaliya

Warbaahinta Soomaaliya (Af Ingiriis : Media of Somalia) waa dhamaan aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo war-isgaadhsiinta wadanka Soomaaliya; kuwaasi waxaa ka mid ah idaacadaha raadiyowga, telefishanka, warbaahinta internetka iyo dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta ka hoowlgasha wadanka Soomaaliya.[3] Sida lagu sheegay buugaag badan oo taariikhi ah, dadka Soomaalida ahi waxay tan iyo wakhtiyo hore ahaayeen kuwo ku safra badaha waaweyn ee caalamka, ayagoo u socdaalaya sababo kala duwan, sida ganacsi, aqoonraadis, dalxiis, iyo kuwo kale.

Adeega Boostada

Adeega Boostada Soomaaliya
Somali Postal Service
Boostada Soomaaliya
Waxbixin Wakaalada
Nooca Adeega boostada
Hoos-tegta Dawladda federaalka Soomaaliya
Xarunta sare Muqdisho, Soomaaliya
2°04′00″N 45°22′00″E / 2.06667°N 45.36667°E / 2.06667; 45.36667
Wasiirka wakiilka ah
  • Maxamud Ibrihim Adan
Parent agency Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta
Website mipt.gov.so

Adeega Boostada Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Postal Service) (Boostada Soomaaliya) waa adeega boostada iyo waraaqaha ee wadanka Soomaaliya. Shaqada boostada waxaa masuul ka ah Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta.[4] Intaasi waxaa dheer, adeega boostada waxay xidhiidh quman la leedahay wakaalado kale oo caalami ah kuwaasi oo iska kaashadaan helitaanka iyo dirista buqshadaha iyo alaabta. Nasiib-daro, adeega boostada Soomaaliya wuxuu burburay wakhtigii |dagaalkii sokeeye sanadkii 1991kii. Dadaal badan iyo dhiiranaan ka dib, waxaa dib loo soo celiyay adeega boostada 1dii Noofember 2013ka,[5] wakhtigaasi oo uu dhacay Heshiiskii Xidhiidhka Iskusocodka ee dowlada Soomaaliya la sexeexatay wakaalada Boostada Imaaraadka.[6]

Guud ahaan, badhtamihii Oktober 2014ka waxaa Wasaarada Boostaha ku dhawaaqdey fureyaal u gaar ah dhamaan 18ka gobol ee wadanka.[7]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. . 4 November 2012 http://allafrica.com/stories/201211050009.html. Soo qaatay 5 November 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. http://www.hiiraan.com/news4/2014/Jan/52907/somali_prime_minister_unveiled_his_55_member_cabinet.aspx. Soo qaatay 1 May 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Charles Geshekter, "Somali Maritime History and Regional SubCultures: A Neglected Theme of the Somali Crisis
  4. Ministry of Information, Posts and Telecommunications, Government of Somalia, 2012. Retrieved 9 December 2012.
  5. . 1 November 2013 http://news.upu.int/no_cache/nd/international-mail-services-officially-resume-in-somalia/. Soo qaatay 7 November 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. . 26 April 2013 http://news.upu.int/nd/mail-services-could-soon-resume-in-somalia/. Soo qaatay 27 April 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. . Diplomat News Network. 11 October 2014 http://diplomat.so/2014/10/11/weekly-statement-progress-of-the-somali-government-3/. Soo qaatay 12 October 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)