Jump to content

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

Ka Wikipedia
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Maaliyada
Ministry of Finance
Warbixin Wasaarada
La-sameeyay31 Agoosto 1960; 64 sanadood ka hor (1960-08-31)
Hoos-tegtaDowlada Federaalka
Xarunta
sare
Muqdisho Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Coordinates: 2°2′24″N 45°20′46″E / 2.04000°N 45.34611°E / 2.04000; 45.34611
Waaxda Fulinta
  • Maxamuud Ibraahim Aadan, Wasiirka Maaliyada
MaamulkaGolaha Wasiirada Soomaaliya
BartaBarta Internetka

Wasaaradda Maaliyadda (Af Ingiriis : Ministry of Finance), (MOF), waa wasaarada gacanta ku haysa isla markaana maamusha dhaqaalaha dowlada, canshuuraha, iyo kharashka wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, wasaaradani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarinta siyaasada dhaqaalaha iyo maamulka miisaaniyada dowlada fedraalka ah. Sanad kasta bisha Oktoober, Wasaarada Dhaqaalahu waxay hortimaadaa Gollaha Baarlamaanka si ay u sharaxdo miisaaniyada sanadle ee dowlada federaalka. Guud ahaan, Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya waxay hoostegtaa Wasiirka Maaliyada; wakhti xaadirkan waxaa wasiir ah Maxamuud Aadan Ibraahim.[1]

Qaabdhismeeka Wasaarada

  • Wasiirka Maaliyada
    • Wasiir ku xigeen
      • Xoghayaha Guud
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud
        • Waaxda Dhaqaalaha
        • Waaxda Xisaabta
        • Xafiiska Miisaaniyada
      • Bankiga Dhexe
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Bankiga Dhexe

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waa bankiga dhexe ee dowlada wadanka Soomaaliya. Shaqooyinka bankiga waxaa ugu horeeysa maamulka iyo iskudheelitirka dhaqaallaha wadanka, xisaabinta miisaaniyada dowlada, ilaalinta qiimaha lacagta wadanka iyo nidaaminta koboca dhaqaalaha wadanka. Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha iyo maalgeshiga dowlada.[2]

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. . June 25, 2016 https://horseedmedia.net/2016/06/25/somalia-pm-sharmarke-sacks-two-prominent-women-ministers/.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Central Bank of Somalia - About the Bank". Waxaa laga kaydiyay the original 2010-06-27. Soo qaatay 2016-10-13.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)