Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya)
Jump to navigation Jump to search
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka
Coat of arms of Somalia.svg
Warbixin Wasaarada
La-sameeyay November 4, 2012
Hoos-tegta Dowlada Federaalka
Xarunta
sare
Boondheere, Banaadir, Muqdisho Soomaaliya
Isuduwe: 2°2′24″N 45°20′46″E / 2.04000°N 45.34611°E / 2.04000; 45.34611
Waaxda Fulinta
  • Maxamed Xuseen Isaaq (Fanax), Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista
  • Xirsi Adan Roble, Wasiir ku xigeenka
Maamulka Golaha Wasiirada Soomaaliya
Barta www.mot.somaligov.net/about.html

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya (Af-Ingiriis: Ministry of Transportation) waa wasaarada masuulka ka ah arimaha socdaalka bariga, badaha iyo cirka ee wadanka Soomaaliya. Wakhti xaadirkan wasaaradan waxay hoostegtaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya, Maxamed Xuseen Isaaq (Fanax).[1]


Habka iyo Nidaamka Wasaarada

  • Wasiirka Gaadiidka
    • Wasiir ku xigeen
      • Xoghayaha Guud
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud
        • Waaxda Duulista
        • Waaxda Badaha
        • Xafiiska Gaadiidka
      • arimaha socdaalka iyo duulista
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Socdaalka

Mid ka mida Diyaaradaha Soomaaliya Boeing 707-338C oo hawada duulaysa (1984).

Socdaalka Soomaaliya waa adeega socdaalka laga helo wadanka Soomaaliya. In kastoo adeegani hakaday wakhtigii dagaalkii sokeeye wuxuu ka kooban yahay wadooyinka waaweyn, gegooyinka diyaaradaha iyo dekado. Intaasi waxaa dheer adeegyo khaas ah oo iskugu jira dhulka, cirka iyo badaha.[2]

Wadooyinka

Wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala shabakad wadooyin ah kuwaasi oo dhererkoodu le'eg yahay ilaa 21,830 km. Sida dowladu sheegtay sanadkii 2010ka, waxaa wadooyinka wadanku lahaa 2,757 km (12%) oo laami ah, 844 km (3.9%) burbursan, iyo 18,229 km (83.5%) bacaad ah.[3]

Sida ay warbixin ku sheegtay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya sanadkii 2015, in ka badan 70,000 oo gaadiid ah ayaa laga diiwaangeliyey maamulka Puntland; ilaa 385,000 gaadiid ah laga diiwaangeliyey maamulka Somaliland; halka ilaa 195,000 laga diiwaangeliyay koonfurta Soomaaliya.[4]

Muuqaalka wadooyinka magaalada Garoowe.

Cirka

Gegooyinka Diyaaradaha

Gegoda diyaaradaha Muqdisho.

Gegooyinka diyaaradaha Soomaaliya waxay si toos ah u hoostegaan Wasaaradda Gaadiidka taasi oo kaashanaysa Ururka Adeega Duulista Caalamiga ee Qaramada Midoobay ayaa dib u habayn ku sameeysay tiro badan oo gegodiyaaradeed ah. Gegoda Diyaaradaha Aadan Cadde wuxuu ka mid ah garoonada dowlada fedraalku ka kaashatay wadanka Turkiga si dib u habayn laxaad leh loogu sameeyo.[5][6]

Sida sheegtay Qaramada Midoobay sanadkii 2012, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala 62 garoon kuwaasi oo u diiwaangashan Ururka Adeega Duulista Caalamiga (ICAO). 7 ka mid ah waxay leeyihiin wadooyin laami ah oo heersare ah. Sidoo kale, afar garoon waxay leeyihiin laamiga diyaaraduhu ku soo degaan oo ka dheer 3,047 m.[7]

Diyaarada Soomaaliya Tupolev Tu-154 oo ka soo duuleysa Imaaraatka Carabta.

Diyaaradaha

Mid ka mid ah diyaaradaha Dowlada Soomaaliya

Diyaarada Soomaaliya waxay ahay diyaarada sida calanka Soomaaliya. Waxaa la aasaasay sanadkii 1964tii, waxayna ka shaqeeyn jirtey duulimaadyada wadanka dhexdiisa iyo dibadiisaba. Wakhtigii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii, waxaa burburay dhamaan adeegii iyo shaqadii diyaaradahaasi.[8]

Diyaarada Soomaaliya waxaa dib u habayn dawkada Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2012ka, taasi oo adeegeeda bulsho dib u soo celisay dhamaadkii 2013ka.[9]

Badaha

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika,[10] taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan. Wadanka Soomaaliya waxay leedahay hal gujis ah, kaasi oo la aasaasay sanadkii 2008da. Gujiskani waa nooca qaada alaabta xamuulka ah oo keliya. [11]

Wadooyinka Tareenka

Gaadiidka Tareenka Soomaaliya waxaa ka mid ah adeega tareenka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo Jowhar kaasi oo lagu magacaabi jirey Mogadishu-Villabruzzi Railway. Tareenkani wuxuu le'eg yahay dherer dhan 114 km gebi ahaantii, waxaana dhisay gumaystihii Italian Somaliland horaantii 1910.

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. "PM Sharmarke sacks two prominent female ministers". horseedmedia. June 25, 2016. 
  2. The First 100 Days in Office
  3. "Istanbul conference on Somalia 21 – 23 May 2010 - Draft discussion paper for Round Table "Transport infrastructure"" (PDF). Government of Somalia. Retrieved 31 August 2013. 
  4. "Puntland sends caveat to drivers without legal driving license". Goobjoog. 10 May 2015. Retrieved 13 May 2015. 
  5. "Somalia to revive national airline after 21 years". Laanta. 24 July 2012. Retrieved 2 January 2015. 
  6. "Somalia regains control of its Airspace, but lacks Personnel management". Horseed Media. 17 December 2014. Retrieved 2 January 2015. 
  7. Central Intelligence Agency (2011). "Somalia". The World Factbook. Langley, Virginia: Central Intelligence Agency. Retrieved 2011-10-05. 
  8. World of Information (Firm), Africa Review, (World of Information: 2003), p.299.
  9. "The long awaited Somali Airlines is Coming Back!". Keydmedia Online. 20 November 2013. Retrieved 20 November 2013. 
  10. International Traffic Network, The world trade in sharks: a compendium of Traffic's regional studies, (Traffic International: 1996), p.25.
  11. Somalia has one merchant marine. Established in 2008, it is cargo-based.