Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Coat of arms of Somalia.svg
Warbixin Wasaarada
Hoos-tegta Soomaaliya
Xarunta
sare
Boondheere, Banaadir, Muqdisho Soomaaliya
Isuduwe: 2°2′24″N 45°20′46″E / 2.04000°N 45.34611°E / 2.04000; 45.34611
Waaxda Fulinta
  • Cabdirahman Mohamed Xuseen, Wasiirka

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga (Af-Ingiriis: Ministry of Interior and Security) waa wasaarada masuulka ka ah arimaha gudaha wadanka iyo arimaha aminga wadanka Soomaaliya.[1][2]

Habka iyo Nidaamka Wasaarada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  • Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdinaasir Daahir Sabriye 2004
    • Wasiir ku xigeen Maxamed Ibraahim Aadan Nuune
      • Xoghayaha Guud Cabdisalaan Cali Mataan
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud Cadnaan Cali Maxamed
      • Xafiiska Sirdoonka
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Ciidanka Xooga Wadanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Ciidamada qalabka sida
القوات المسلحة صومالية
Somali Army Flag.svg
Astaanta ciidanka
Asaas 1960
Qaybha ciidanka Coat of arms of the Somali Army.svg Ciidamada Birriga
Coat of arms of the Somali Air Force.svg Ciimada Cirka
Coat of arms of the Somali Navy.svg Ciidamada Badda
Xarunta Muqdisho, Soomaaliya
Hogaanka
Commander-in-Chief Xassan seefow
Wasiirka Gaashaan dhigga Abdihakim Mohamoud Haji-Faqi
Taliyaha ciidamada qalabka sida General Abdirsaaq khaliif cilmi
Qarashka ku baxa
Wax soo saarka dalka inta uga baxda 0.9% (2005)
Qalabka
Dalalka taageera Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta (Khaliij)

Ciidanka Xooga Soomaaliya waa Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya.[3] Ciidanka xooga dalka waxaa hogaamiya madaxweynaha wadanka, waxayna masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka.[4]

Taariikh ahaan, ciidanka wadanka Soomaaliya wuuu ahaan jirey kan ugu xoogan qaarada Afrika. Ciidanka Soomaaliya waxaa markaas weeninkiisa lagu qiyaasaasi jiray in oo u dhaxeeyay 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah. Ciidanka soomaaliya waxaa la sameeyay 1960kii, waa markii ee soomalaiya xornimadeeda ka heshay gumeesti yaashii Ingriiska iyo Talyaaniga. Ciidamada soomaaliya waxee ka koobnaayeen Ciidanka Badda Soomaaliya, Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Shaqadooda ugu horeeysay ee qabtaan neh waxee eheed Xoreentii Soomaali Galbeed 1976ii, waa markii ee 4 dal ku goobteen. Ciidamada Soomaaliya qalab badan oo xoogan ee lahaayeen, waxaana si fiican u dhisay, wadamada Ruushka (Midowga Soviet), Talyaaniga iyo mareykanka oo hub ugu saaiidi jiray. Ciidamada soomalaiya ayaga ayaa ciidankooda sii tabo bari jiray dhinaca dhulka iyo cirka. 20sano kadib ciidamada soomaaliya awood ee ku difaacan dalka malahan,Kuwii hore ee xooga dalka soomalaiya wee duqoobeen, qaar neh dalka ee ka baxeen, qaar badan neh dagaalkii sokeeyay ee ku dhinteen. sidii loodhisay Dawladda KMG, somalia waxee yeelatay ciidan yar oo 20,000 gaareenin, sifiican neh u tabo barneen, qalab fiican iyo dhaqaalo ciidan neh ee heesanin. Ciidanka maanta ka jira dalka soomaaliya, waa kuwo dalkooda difaacaya ayaga oo waxba heesanin, qalab ama gawaarida militariga. Maadaama oo dalka ka jiro dagaalo, mala dhihi karo ciidankeena woo dhisanyahay, ayaga oo waxba heesanin qofna caawinin.

Wadanka Soomaaliya wuxuu leeyahay sadex nooc oo ciidan ah, kuwaasi oo u sii kala baxa noocyo badan. Ciidanka dhulka, Ciidanka Baddaha iyo Ciidanka Cirka ayaa ah sadexda rukun ee ugu muhiimsan.

Ciidanka Badda[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Ciidamada Badda Soomaaliyeed (SNF), waa adeega ciidanka badda oo ah waax ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka baddu wuxuu masuul ka yahay ilaalinta, difaacida iyo maamulka baddaha wadanka Soomaaliya.

Ciidanka Cirka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Ciidamada Cirka Soomaaliyeed (SAF) waa awooda ciidanka cirka oo ah qeyb ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka cirku waxay masuul ka yihiin ilaalada hawada iyo cirka wadanka Soomaaliya. Markii wadanka Soomaaliya xoriyada qaatey 1960kii ayaa la aasaasay ciidanka cirka, waxaana hogaanka ciidankaas gacanta ku hayay duuliyihii ugu horeeyay Cali Mataan Xaashi.[5] Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Cirka Soomaaliya waxay wakhti ahaayeen kuwa ugu awooda badan Geeska Afrika.[6] Burburkii wadanka 1990kii ayaa burburisay ciidankaasi; waxaase dib-loo soo nooleeyay sanadkii 2010.

Sidoo kale fiiri[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Somalia: Prime Minister Unveils His New Cabinet". Shabelle Media Network. 4 November 2012. Retrieved 5 November 2012. 
  2. "Somali Prime Minister Unveiled His 55-Member Cabinet (Full List)". Retrieved 1 May 2014. 
  3. "The Federal Republic of Somalia – Provisional Constitution" (PDF). Retrieved 13 March 2013. 
  4. "The Federal Republic of Somalia – Provisional Constitution". Retrieved 13 March 2013.  Chapter 14, Article 126(3).
  5. Luigi Pestalozza, The Somalian Revolution, (Éditions Afrique Asie Amérique latine: 1974), p.27.
  6. Tom Cooper, African MiGs: MiGs and Sukhois in service in Sub Saharan Africa, (SHI Publications: 2004), p.109.