U bood nuxurka

Lughaya

Lughaya
Magaalo
Lughaya is located in Awdal
Lughaya
Lughaya
Goobta Somaliland
Isku-duwayaasha: 10°43′07″N 43°56′11″E / 10.71861°N 43.93639°E / 10.71861; 43.93639
Wadanka Somaliland
GobolkaAwdal
DegmadaDegmada Lughaya
Dawladda
  GudoomiyeCabdullaahi Cali Aw Nuur
Dadka
 (2024)[1]
  Wadarta
75,000
 2024
Aagga waqtigaUTC+3 (EAT)
ClimateBWh

Lughaya (Af Carabi: لغهيه) waa magaalo xeebeed oo ku taalo Gobolka Awdal ee Somaliland . Lughaya waa magaalo qadiimi ah o ku taalo xeebta deegaanada gobalka awdal ee ku fidsan Bariga Somaliland.

Lughaya waxay 50 km koonfurta kaga beegantahay dekkeda Jabuuti, 200km neh waxay dhanka waqooyiga ka xigtaa degmada Berbera. Sidoo kale waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu weyn gobolka Awdal. Shacbiga degan waa dad xoolo dhaqato ah ama kaluumeysato,waxay caan kutahay kaluunka iyo caanaha geela. Degmadaan waxaa degan dad lagu qiyaaso 75,000 oo qof. Degmada Lughaya waxaa inta badan ka dega oo ugu badan beesha Ciise Wayne.

Tirakoobka dadweynaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmadan waxa ku nool dad kooban ,inkasta oo tuulooyinka iyo deegaamada hoos yimaada ku noolyihiin shacab badan. Beesha Mamasan Gaar ahaan Badaraxaan ayaa ubadan Deegaankan. Waxa soo raaca tiro yar oo ka mid ah beesha Gadbursi oo asal ahan kasoo jeeda Borama.

Degmooyinka hoosyimaada Lughaya

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Lughaya
  • Garaaca
  • Kalowle
  • Saba-Wanaag
  • Garba-Dadar
  • Gargaara Bari
  • Geerisa
  • Beeyo-Cadaadeed
  • Balayga
  • Fardaha
  • Karuura
  • Waraqa Dhigta
  • Sheed Dheer
  • Osoli
  • Teeb
  • Buulo-Xareed
  • Qudhacood
  • Laan-Cawaale
  • Maame
  • Xoog-Faras
  • Iddo-Caddays
  • Beeyo-Kulul
  • Gab
  • Xajiinle
  • Ceel Helay
  • Hulka
  • Damasha
  • Cabdi Geedi
  • Bidhaadley

Taageerada UNICEF waxa ay gaartaa qoysaska ay saamaysay duufaantii Sagar

"Gobolada, degmooyinka, iyo dadkooda: Soomaaliya 2005 (qabyo)"

" BURBUR IYO CUSBOONSIIN: SHEEKADII SOMALILAND"

Tiirarka Nabadda ee Ka Soo Horjeeda Mustaqbalka Dimuqraadiyadda Somaliland: Casharradii laga bartay Tobankii Sano ee Xisbiyada badan iyo Tubta Horumarka

"KDQ Wuxuu Bilaabey Inuu Soo Saaro Natiijooyinka Ku Meel Gaarka Ah Ee 5 Degmo Doorasho"

"Qiimaynta Deegaanka ee Dhulka Xeebta ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland)"

Falanqaynta Xaaladda Awdal ee FSAU oo diiradda lagu saarayo Xoolaha Gobolka

  1. "Maxaan ka naqaannaa deegaanka Lughaya ee la sheegay in dhul badeed ku yalla la siiyay Itoobiya" [What do we know about the area of Lughaya which is said to be a land on the sea that was given to Ethiopia]. BBC. 2024-01-08. Retrieved 2024-07-13.

Waxa kasoo jeeda Saylici.

Gobolada Somaliland