Boon

Ka Wikipedia

Boon waa degmo ka mid ah degmooyinka ugu waawayn uguna dadka badan degmooyinka gobolka Awdal.

Tilmaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Boon waxa ay 48 km woqooyi ka xigtaa Caasimada gobolka Awdal ee Boorame Boon waa degmo qadiimi ah oo leh taariikh mug leh oo aanay ilaawi karin umada kunool Somaliland iyo guud ahaanba Somalia Boon waa halkii ay ka bilaabantay hawshii iyo halku-dhegii la magac baxay ISKAA WAX U QABSO halku dhegaas oo ay somali oo dhami u bogtay kuna hawl gashay isla markaana astaan u noqday degmada Boon dhanka kale Boon waxay caan ku tahay Sportska oo ay ciyaaryahanadeedu ka qayb qaadan jireen wiilal iyo gabdhaba tartannadii dhex mari jiray goboladii dawladii Somalia isla markaana ay hada si muuqata uga dhex muuqdaan tantanka gobolada Jamhuriyada Somaliland Boon waxa ay ku taallaa dhul sare oo hawo fiican leh isla markaana leh dhul beereed iyo dhul daaqsimeed labadaba Boon waxay dhabarka ku haysaa buuralay ay ka mid tahay buurta wayn ee saldhiga u ah isgaadhsiinta dalka oo dhan ee Libaaxlay.Boon waxa ay leedahay Mayor iyo M/kuxigeen iyo xog-haye Mayorka hada jooga oo xilka la wareegay mudo saddex sanno ka hor ahayd waxa la yiraahdaa Maxamad Khayre Dhimbiil.

WAX-BARASHADA[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Boon waxay leedahay dugsiyo hoose kuwa dhexe iyo dugsi sare iyo waliba dugsi farsamada gacanta ah oo hada gacanta lagu hayo dhamaystirkiisa Boon ardayda waxka barata dugsiga sare waxay si toos ah u galaan qaybaha jaamacada camuud ay ku leedahay Degmada Boon gudaheeda iyada oo boon jaanis u heshay inay noqoto halkii ugu horeysay ee maamulka jaamacada camuud ay ka furaan qaybo ka tirsan jaamacada iyadoo ay ka hawl galaan qaybo ka mid ah ardayda ka baratay jaamacada cammuud qaybta sharciga kuwaasi oo loo yaqaan (legal clinic) Degmada Boon waxa kale oo ay leedahay private schools iyo Madaaris ay dadka qaar ku bartaan diinta iyo carabiga waxa kale oo boon ka socda waxbarashada dadban (non formal education) taasi oo kor loogu soo qaadayo ardaydii aan jaaniska u helin school ama wax-barasho wakhtigii ay da'doodu ku haboonayd kuwaasi oo ay ka caawiyaan hay'ado caalami ah oo aan dawli ahayn iyo qaar ka mida UN ta sida NRC iyo WFP


by cabdala gorod