Dilla

Ka Wikipedia
Dilla

ديلا
Muuqaalka duleedka Dilla.
Dilla is located in Somalia
Dilla
Dilla
Meesha kaga taalo Soomaaliya.
CountryFile:Flag of somalia.svg Somaliland
GobolAwdal
DegmoBorama
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
CimiloBSh


Dilla (Af Carabi : ar‎) waa magaalo iyo degmo ka mida magaalooyinka somaliland, Dilla waxaa dagan reer maxamuud ee beesha Reer Nuur. Waxa ay kutaal Juquraafi ahaan woqooyi galbeed somaland, magaaladan waxa ay caan ku tahay xaga waxsoo saarka Waana degmo kamida shanta degmo ee uu Lahaa Gobolka Awdal 1991kii ,

Dilla waa magaaladii labaad ee lagu weeraro diyarad gayga somaliyeed .Dilla waa goob ku wanaagsan dalxiisaka soona jiidata indha dadka .dilla waxa ay ahan jirtay magaalo aad uwayn intii ka horaysay dagaladii sokeeye waxana dagi jiray dad ilbax oo leh kala dambayn iyo xadarad leh.hadaba dilla waxay ka mid tahay magaloyinka uuka muuqdo diiftii iyo dagaladii sokeeye .magalada dilla waxa lo burburshay si a an lo burburin magaloyinka qaar sababo LA xidhidhay dadka daga oo ahaa dadka ugu ilbaxsan uguna kartida badan .hadaba akhriste dagmada dilla waxay ledahay tariikh aan lasoo kobi Karin

waxa ay isku xidhaa magaalooyinka Wajaale iyo Borama sidoo kale waxa ka baxa jidka dheer ee Taga magaalada Awbare ee Ismaamulka Soomaalida ee itoobiya jidkaasi oo ku xidha jida taga Hargaysa.waxaa dagan dilla reer maxamuud ee beesha Reer Nuur.

Faalo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dagmada Dilla waa dagaan taarikhi ah wa deganka marka laidha bilicda ugu quruxda badan ee ku fican dalxiiska waa degan beereed oo ku yaalo gobolka awdal ee Jamhuriyada somaliland. Dagmada Dila waxaa dagan ilaa 4,000 oo ku filiqsan dhamaan dagaanka, magaalada gaar ahaana waxa dagan 2700 oo qof. Dagmada Dila waa dagaan taarikh so jireena leh waa dhul beereed aad u balaadhan oo ay ku tiirsantahay jamhuuriyada Somaliland. reer ahaan waxa dagan dagaankan beelo ka mid ah beesha reer nuur ee samaroon gaar ahaan beesha maxamuud nuur. Waana Degmada ugu Dadka badan gobolka Awdal.

Magalada dila waxa ay caan ku noqotay markii laga furay dugsi hablo la qoro sanadkii 1958 ee noqday kii soomaaliya ugu horeeyey. degmada Dilla waxaa ka soo jeeda aqoonyahano hal abuuryo Fanaaniin iyo qorayaal aad u fara badan, waxaana ka mida haddii aan qaarkamida soo maga caabo, Fanaankii ugu horeeyay ee afka somaliga ku heesa isagoo waliba isagu heesta samaystay .waxa kale oo xusid mudan ninkii la odhanjiray kahiye ninkii u horeeyay ee sameyay dawadii madax xanuunka ee somaliya ay yeelato kasi oo ay madax waynihii siyad bare ay isku qabteen ,waxa lagu qori ( made in kahiye iyo made in somaliya ) kadib waxa lagu qoray made in somalia.

Qoraalo Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaaloyaasha Gobolka Awdal Calanka Somaliland
Baki · Bon · Boorama · Dilla · Lughaya · Saylac