Xariirad
Xariirad Xariirad Harirad | |
---|---|
Magaalo | |
![]() ![]() | |
Script error: The function "Somaliland" does not exist. | |
Wadan | Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:
1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda. Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah. Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose. Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. |
Gobol | Awdal |
Degmo | Degmada Saylac |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Xariirad (Af Ingiriis : Harirad) waa magaalo ku taala waqooyigalbeed gobolka Awdal, wadanka Soomaaliya. Magaaladani waxay ku taala deegaano ka tirsan banka Geriyaad ee dhexmara waqooyiga gobolkaasi. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay dhacdaa wadada iskuxidha magaalada Boorama iyo wadanka Djibouti. Magaalada Xariirad waxay dhacdaa 150 kilomitir koonfurta magaalda Saylac iyo 3 km (2 mi) waqooyiga xadka wadanka Itoobiya. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay leedahay joog dhan 972 mitir biyaha bada ka kor, waxaana ku hareersan buuro waaweyn oo ka mid ah Silsilada Golis. Juquraafi ahaan magaaladan waxay ka tirsan tahay Degmada Saylac, waxay marar badan si toos ah u hoostegtaa Maamulka Saylac & Lughaya.
Taariikh
Sida lagu sheegay dhaqanka dadka deegaanka, meesha magaalada Xariirad hada dhacdo waxay ahaan jirtey meel aad u dhir badan oo geedo noocyo badan leh ka baxaan. Waxaa intaas dheer, magaaladan waxay waligeed ku caan ahayd biyo nadiif ah, taasi ooy sababtey dhinac ahaan in lamadegaan ka saaran tahay.
Bulshada
Sida lagu xusan tirokoob madaxbanaan oo Qaramada Midoobay hay'ado ka mid ah sameeyeen sanandkii 2012, waxaa la sheegay in bulshada magaalada Xariirad dhan tahay iaa 827 qof kuwaasi oo iskugu jira xoolo-dhaqato iyo ganacsato. Bulshada ku dhaqan magaaladan waxay u badan yihiin dad Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo jeeda beelaha Gadabuursi iyo tiro kooban oo Beesha Ciise ah.
Juquraafiga
Magaalada Xariirad waxay dhacdaa deegaan buuroley ah, waxaana dhowr dhinac kaga wareegsan dooxooyin ka bilaabma dhulka sare. Magaalada agagaarkeeda waxaa caan ku ah noole badan oo duurjoog ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: dacawoda, bisad duurjoogta, yayga, daanyeerka, noocyo badan oo shimbiro ah iyo weliba xayawaano kale oo badan.
Cimilada
Cimilada magaalada Xariirad waa mid lamadegaan la mood. Sidoo kale wuxuu deegaanku leeyahay "Cimilada Buuroleyda", taasi oo ah kuleyl iyo qalayl wakhtiga gu'ga iyo qaboow wakhtiga jiilaalka. Waxaa xusid mudan jooga magaalada oo ah ilaa 972 mitir ka saraysa biyaha bada.
Faahfaahin Cimilada Xariirad | |||||||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
Bilaha | Jan | Feb | Mar | Apr | May | Jun | Jul | Aug | Sep | Oct | Nov | Dec | Sanad |
Kuleel aan darnayn °C (°F) | 26.8 (80.2) |
27.2 (81.0) |
29.4 (84.9) |
30.6 (87.1) |
32.9 (91.2) |
34.7 (94.5) |
34.0 (93.2) |
33.4 (92.1) |
32.8 (91.0) |
30.7 (87.3) |
28.5 (83.3) |
26.8 (80.2) |
30.65 (87.17) |
Maalinle °C (°F) | 20.5 (68.9) |
21.5 (70.7) |
23.6 (74.5) |
25.2 (77.4) |
27.3 (81.1) |
29.1 (84.4) |
28.3 (82.9) |
27.7 (81.9) |
27.5 (81.5) |
24.6 (76.3) |
22.2 (72.0) |
20.6 (69.1) |
24.84 (76.72) |
Hoos udhaca kuleelka °C (°F) | 14.2 (57.6) |
15.9 (60.6) |
17.9 (64.2) |
19.9 (67.8) |
21.7 (71.1) |
23.6 (74.5) |
22.6 (72.7) |
22.1 (71.8) |
22.3 (72.1) |
18.5 (65.3) |
15.9 (60.6) |
14.5 (58.1) |
19.09 (66.37) |
Roobka mm (Faro) | 9 (0.35) |
15 (0.59) |
26 (1.02) |
51 (2.01) |
31 (1.22) |
15 (0.59) |
49 (1.93) |
71 (2.8) |
50 (1.97) |
12 (0.47) |
9 (0.35) |
3 (0.12) |
341 (13.43) |
Source: Climate Data[1] |
Magaalooyinka Maamulka Saylac iyo Lughaya
Magaca magaalada | Bulshada |
---|---|
Saylac | 8,600 |
Lawyacado | 1,600 |
Lughaya | 1,501 |
Ceel Gaal | 124 |
Cabdulqaadir (degmo) | 567 |
Xariirad | 678 |
Caasha Cado | 421 |
Jidhi | 249 |
Sidoo kale fiiri
Xigasho
- ↑ http://en.climate-data.org/location/647478/. Soo qaatay 6 May 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)
Tixraac iyo Linkiyo
- Magala-Cad Archived Maaj 22, 2012 // Wayback Machine
- Administrative map of Zeila District
- . Life & Peace Institute. p. 23. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)