Jump to content

Cabdulqaadir (degmo)

Ka Wikipedia
Cabdulqaadir
Magaalo
Wadanka Somaaliya
GobolkaAwdal
DegmadaDegmada Saylac
Joogga
730 m (2,400 ft)
Tirada dadka
  Dhammaan567

Cabdulqaadir (Af Ingiriis : Abdol Ghadar; Af Carabi: عبدول‌قادر) waa magaalo ku taala waqooyigalbeed gobolka Awdal, wadanka Soomaaliya. Magaaladani waxay ku taala deegaano ka tirsan banka Geriyaad ee dhexmara waqooyiga gobolkaasi. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay dhacdaa wadada iskuxidha magaalada Boorama iyo wadanka Djibouti. Juquraafi ahaan magaaladan waxay ka tirsan tahay Degmada Saylac.

Bulshada

Sida lagu xusan tirokoob madaxbanaan oo Qaramada Midoobay hay'ado ka mid ah sameeyeen sanandkii 2012, waxaa la sheegay in bulshada magaalada Cabdulqaadir dhan tahay 567 qof oo si joogto ah u degan. Bulshada ku dhaqan magaaladan waxay u badan yihiin dad Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo jeeda beelaha ciise.

Waa magaalo katirsan gobolka Salal ee waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland. Magaaladan waxay leedahay dugsi caan ah oo qadim ah waxaa daga qeeybo ka mid ah beelaha ciise. Magaalada Cabdiqaadir waxay saarantahay buuralayda Maar-maar.

Magaalooyinka Maamulka Saylac iyo Lughaya

Maamulka Saylac & Lughaya
Magaca magaalada Bulshada
Saylac8,600
Lawyacado1,600
Lughaya1,501
Ceel Gaal124
Cabdulqaadir (degmo)567
Xariirad678
Caasha Cado421
Jidhi249

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  • Horn of Africa Bulletin, Volume 12. Life & Peace Institute. 2000. p. 23.