Socdaalka Soomaaliya

Ka Wikipedia
Mid ka mida Diyaaradaha Soomaaliya Boeing 707-338C oo hawada duulaysa (1984).

Socdaalka Soomaaliya (Af Ingiriis : Transport in Somalia) waa adeega socdaalka laga helo wadanka Soomaaliya. In kastoo adeegani hakaday wakhtigii dagaalkii sokeeye wuxuu ka kooban yahay wadooyinka waaweyn, gegooyinka diyaaradaha iyo dekado. Intaasi waxaa dheer adeegyo khaas ah oo iskugu jira dhulka, cirka iyo badaha.[1]

Wadooyinka

Wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala shabakad wadooyin ah kuwaasi oo dhererkoodu le'eg yahay ilaa 21,830 km. Sida dowladu sheegtay sanadkii 2010ka, waxaa wadooyinka wadanku lahaa 2,757 km (12%) oo laami ah, 844 km (3.9%) burbursan, iyo 18,229 km (83.5%) bacaad ah.[2]

Sida ay warbixin ku sheegtay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya sanadkii 2015, in ka badan 70,000 oo gaadiid ah ayaa laga diiwaangeliyey maamulka Puntland; ilaa 385,000 gaadiid ah laga diiwaangeliyey maamulka Somaliland; halka ilaa 195,000 laga diiwaangeliyay koonfurta Soomaaliya.[3]

Muuqaalka wadooyinka magaalada Garoowe.

Cirka

Gegooyinka Diyaaradaha

Gegoda diyaaradaha Muqdisho.

Gegooyinka diyaaradaha Soomaaliya waxay si toos ah u hoostegaan Wasaaradda Gaadiidka taasi oo kaashanaysa Ururka Adeega Duulista Caalamiga ee Qaramada Midoobay ayaa dib u habayn ku sameeysay tiro badan oo gegodiyaaradeed ah. Gegoda Diyaaradaha Aadan Cadde wuxuu ka mid ah garoonada dowlada fedraalku ka kaashatay wadanka Turkiga si dib u habayn laxaad leh loogu sameeyo.[4][5]

Sida sheegtay Qaramada Midoobay sanadkii 2012, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala 62 garoon kuwaasi oo u diiwaangashan Ururka Adeega Duulista Caalamiga (ICAO). 7 ka mid ah waxay leeyihiin wadooyin laami ah oo heersare ah. Sidoo kale, afar garoon waxay leeyihiin laamiga diyaaraduhu ku soo degaan oo ka dheer 3,047 m.[6]

Diyaarada Soomaaliya Tupolev Tu-154 oo ka soo duuleysa Imaaraatka Carabta.

Diyaaradaha

Mid ka mid ah diyaaradaha Dowlada Soomaaliya

Diyaarada Soomaaliya waxay ahay diyaarada sida calanka Soomaaliya. Waxaa la aasaasay sanadkii 1964tii, waxayna ka shaqeeyn jirtey duulimaadyada wadanka dhexdiisa iyo dibadiisaba. Wakhtigii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii, waxaa burburay dhamaan adeegii iyo shaqadii diyaaradahaasi.[7]

Diyaarada Soomaaliya waxaa dib u habayn dawkada Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2012ka, taasi oo adeegeeda bulsho dib u soo celisay dhamaadkii 2013ka.[8]

Diyaarada Sawir IATA ICAO Magaca u
gaarka
Bilowday
Howlgalka
Faallo
Air Somalia RSM Air Somalia 2001
Diyaarada Daallo D3 DAO Daallo Airlines 1991
Diyaarada Jubba[9] 6J JBW Jubba 1998
Diyaarada Soomaaliya HH SOM SOMALAIR Duulista joojisay 1991

Badaha

Dekadaha

Dekada Boosaaso.

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika,[10] taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan.

Gujiska Ganacsiga

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay hal gujis ah, kaasi oo la aasaasay sanadkii 2008da. Gujiskani waa nooca qaada alaabta xamuulka ah oo keliya. [11]

Wadooyinka Tareenka

Gaadiidka Tareenka Soomaaliya waxaa ka mid ah adeega tareenka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo Jowhar kaasi oo lagu magacaabi jirey Mogadishu-Villabruzzi Railway. Tareenkani wuxuu le'eg yahay dherer dhan 114 km gebi ahaantii, waxaana dhisay gumaystihii Italian Somaliland horaantii 1910.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. "The First 100 Days in Office". Waxaa laga kaydiyay the original 2012-09-13. Soo qaatay 2016-10-15.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. (PDF). Government of Somalia http://www.somalitalk.com/2010/may/istambul/transport.pdf. Soo qaatay 31 August 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. . Goobjoog. 10 May 2015 http://goobjoog.com/english/?p=13752. Soo qaatay 13 May 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. . 24 July 2012 http://laanta.net/2012/07/24/somalia-to-revive-national-airline-after-21-years/. Soo qaatay 2 January 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. . 17 December 2014 http://horseedmedia.net/2014/12/17/somalia-regains-control-of-its-airspace-but-lacks-personnel-management/. Soo qaatay 2 January 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Central Intelligence Agency. "Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-07-01. Soo qaatay 2011-10-05.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. World of Information (Firm), Africa Review, (World of Information: 2003), p.299.
  8. "Nuqul Archive". 20 November 2013. Waxaa laga kaydiyay the original 2 Bisha Laba iyo Tobnaad 2013. Soo qaatay 20 November 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  9. . Jubba Airways https://web.archive.org/web/20140202133148/http://centreforaviation.com/profiles/airlines/jubba-airways-6j. Waxaa laga kaydiyay the original February 2, 2014. Soo qaatay 22 January 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  10. International Traffic Network, The world trade in sharks: a compendium of Traffic's regional studies, (Traffic International: 1996), p.25.
  11. Somalia has one merchant marine. Established in 2008, it is cargo-based.
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: