Dekada Kismaayo
| Dekada Kismaayo Port of Kismayo | |
|---|---|
Dekada Kismaayo. | |
Dekada Kismaayo Port of Kismayo is located in Earth Dekada Kismaayo Port of Kismayo | |
| Meesha ku taalo | |
| Wadanka | |
| Meesha | Kismaayo |
| Macluumaad kale | |
| Gacanta ku haya | Maamulka Jubba |
Dekada Kismaayo (Af Ingiriis : Port of Kismayo iyo Kismayo Port) waa dekada rasmiga ah ee magaalada Kismaayo, taasi oo u adeegta howlaha maamulka Jubaland. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn ee mashquulka badan Geeska Afrika.[1] Dekada Kismaayo waxay ku taala gacan ku dhexyaala Badweynta Hindiya.[2]
Dekadaha Soomaaliya

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika,[3] taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:
- Dekada Berbera
- Dekada Boosaaso
- Dekada Kismaayo
- Dekada Laasqorey
- Dekada Marka
- Dekatul Raxmaan
- Dekada Muqdisho
- Dekada Saylac
Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Dekatul Raxmaan, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan.
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ "Istanbul conference on Somalia 21 – 23 May 2010 - Draft discussion paper for Round Table "Transport infrastructure"" (PDF). Government of Somalia. Retrieved 31 August 2013.
- ↑ "Istanbul conference on Somalia 21 – 23 May 2010 - Draft discussion paper for Round Table "Transport infrastructure"" (PDF). Government of Somalia. Retrieved 31 August 2013.
- ↑ International Traffic Network, The world trade in sharks: a compendium of Traffic's regional studies, (Traffic International: 1996), p.25.
| Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
