Dekada Muqdisho

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Dekadda Muqdisho)
Jump to navigation Jump to search
Dekadda Muqdisho
Port of Mogadishu
Aerial view of the port of Mogadishu.JPEG
Muuqaalka Dekeda Muqdisho.
Meesha ku taalo
Wadanka  Somalia
Meesha Muqdisho
Macluumaad kale
Gacanta ku haya Kooxda Albayrak
Mulkiile Hogaanka Dekeda Muqdisho
Qaadi karta 920 dooni
Website
www.portofmogadishu.com

Dekadda Muqdisho (Af-Ingiriis: Port of Mogadishu), sidoo kale loo yaqaano Dekadda Caalamiga Muqdisho,[1] waa dekada rasmiga ah ee magaalada caasimada Muqdisho, taasi oo u adeegta howlaha dowlada Soomaaliya. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn isla markaana ugu mashquulka badan Geeska Afrika.[2] Dekedda Muqdisho waxaa asal ahaan la sameeyay wakhti aad u horeeyay, taasi oo taariikhyahanadu ku sheegaan in dekedani jirtey wakhtigii Boqortooyadii Roomaanka.[3]

Dhinaca kale, dekedani waa mida ugu weyn dhamaan dekadaha ku yaala wadanka Soomaaliya.[4]

Dekadaha Soomaaliya

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika,[5] taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Dekatul Raxmaan, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. "The Official Website of the Mogadishu International Port". Mogadishu Port. Retrieved 1 December 2013. 
  2. "Istanbul conference on Somalia 21 – 23 May 2010 - Draft discussion paper for Round Table "Transport infrastructure"" (PDF). Government of Somalia. Retrieved 31 August 2013. 
  3. "Istanbul conference on Somalia 21 – 23 May 2010 - Draft discussion paper for Round Table "Transport infrastructure"" (PDF). Government of Somalia. Retrieved 31 August 2013. 
  4. Khalif, Abdulkadir (12 June 2013). "Djibouti and China to rebuild Mogadishu port". Africa Review. Retrieved 1 December 2013. 
  5. International Traffic Network, The world trade in sharks: a compendium of Traffic's regional studies, (Traffic International: 1996), p.25.
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: