Ururka Adeega Duulista Caalamiga

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay ICAO)

Coordinates: 45°30′1″N 73°33′51″W / 45.50028°N 73.56417°W / 45.50028; -73.56417

Boga "ICAO" halkan ayaa laga soo toosiyay
ICAO

Ururka Adeega Duulista Caalamiga (Af Ingiriis : International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah. Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca. Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta uguwayn kutaalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo iskudubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.

ICAO Waa afar xaraf oo laga soo qaatay (International Civil Aviation Organization). Dhamaan garoomada caalamka ayaa loo isticmaalaa. ururku waxa uu qabtaa ama uu ku shaqaleeyahay isusocodka diyaaradaha aduunka ee iskaga gooshaya xuduudaha iyo ka hortagga wixii qalad ah iyo baaritaanka marka ay dhacdo dhibaato la xiriirta dulimaad.

Astaanta ICAO iyo IATA[wax ka badal | wax ka badal xogta]

IATA waa eraya lasoo gaabiyey ee ah (International Air Transport Association) oo ah iyana haydda ku shaqada leh diyaaradaha aduunka iskaga goosha ama shirkadaha leh ayaa ku midoobay. ICAO iyo IATA Waxaa iyagana looga dambeeyaa arimaha duulimaadka shibilka ah, waxa ayna leeyihiin calaamado farabadan aduunka meel kasta oo uu ku yaal Garoon caalami ah tusaalo ahaan Soomaaliya Garoonka Muqdisho afar eray oo lasoo gaabiyey ee utaagan ICAO iyo sedex eray oo lasoo gaabiyey oo utaagan IATA ahna shirkadaha diyaaradaha tusaalo ahaan:-

  • IATA: MGQ
  • ICAO: HCMM

Ilaalinta Hawada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Burjiga ama Halka lagahago diyaaradaha muqdisho

Waa shaqada sedexaad ee aduunka ugu fiican waxa ayna ukala qaybsantaa 3 waaxood:-

  • 1- waaxda laga hago diyaaradaha (Aerodrome control tower)
  • 2- waaxda ilaalinta soo dhowaashaha (Approach control unit)
  • 3- waaxda ilaalisa hawada oo dhan (Area control center)

tower waaxda koowaad waxa ay tahay shaqadeeda ogolasho siinta diyaaradaha dhulka jooga si dhibla'aan ah kicitaankood iyo soo cagadhigashadooda iyo in ay usheegaan dhulka in ay ujirsadaan 5 ilaa 10 mayl oo kor ah iyo 5000 tilaabo Goonka Hareerihiisa.

waaxda ilaalinta soo dhowaanshaha Qaybta labaad waxa ay ku shaqo leedahay diyaarada imaanaya ama kacaya in ay ku hagaan halka ay diyaarada ku degen lahayd iyo hawada meesha ay kamari lahayd waxa ayna ku ilaalinayaan diyaaradda Goobo dhexroorkeedu yahay 25 ilaa 60 mayl joogga sarane waxa uu noqonayaa 5,000 ilaa 15,000 oo tilaabo.

waaxda ilaalinta hawada guud waxa ay tahay shaqadooda in ay ku hagaan halka kama dambaysta ah ee ay diyaaradii tagtay marilahayd ilaa ay ka qaarsiiyaan wadanka wadanka dariska la ah ama isla dalka gudihiisa haddii ay jiraan meelo kale oo laga hagi karo, marka ay dhacayso masuuliyad la wareegidda waxaa muhiim ah oo la raacayaa sharciyadaan:-

  • In la ilaaliyo isku dhac diyaaradeed
  • In loo fududeeyo duulimaadka
  • In ay leedahay caymis diayaaradda
  • In laga masuul noqdo dhamaan hareeraha garoonka iyo Intiin, dabdamis iyo ambalas
  • In la siiyo digniin haddii ay wax dhacaan
  • Kala ilaalinta diyaaradaha dhulka jooga iyo meesha ay istaagi lahaayeen
  • Hadalka inaad soo gaabisid markii aad wax sheegeysid

Iyo qaar kaloo badan.

CACAS Iyo Soomaaliya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia Waa hay'ad qaramada midoobay uga wakiilka ah hawada soomaaliya, 1991 burburkii dowaladii dhaxe waxaa la waayey adeeg haga diyaaradaha soo dulmara hawada soomaaliya taasna waxa ay sababtay in ay haydaas la wareegto 1993 oo ay uwareejiso fadhigeeda Nayroobi qiyaastii waxaa sanadkii kasoo xarooda 6 milyan US doolar.

Sidoo kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]