Shirka Ganacsiga iyo Horumarka Qaramada Midoobay

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan wakaalada ganacsiga QM. Qoraalo kale fiiri Hayadaha Qaramada Midoobay. Haku khaldin "UNCITRAL"
Boga "UNCTAD" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Shirka Ganacsiga iyo Horumarka Qaramada Midoobay
Shirka Ganacsiga iyo Horumarka Qaramada Midoobay
United Nations Conference on Trade and Development
Xarunta sarw ee Shirka Ganacsiga iyo Horumarka Qaramada Midoobay wuxuu ku yaalaa Dhismaha Umadaha (Xafiiska Qaramada Midoobay ee Jeniifa, Iswisarland).
Loo soo gaabiyoUNCTAD
Samaysmay1964
FadhigaJeniifa, Iswisarland
Websitewww.unctad.org

Shirka Ganacsiga iyo Horumarka Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : United Nations Conference on Trade and Development, loo soo gaabiyo: (UNCTAD); Af Carabi : ar‎) waa hay'ad ka tirsan Ururka Qaramada Midoobay taasi oo la aasaasay sanadkii 1964. Ururka UNCTAD waa xubin aad muhiim u ah oo ka tirsan Golaha Sare ee Qaramada Midoobay taasi oo shaqadeeda ugu muhiimsan tahay ganacsiga, maalgashiga iyo waxyaabaha la xidhiidha horumarka.

Hadafka koowaad ee ururku waa: "in kor loo qaado ganacsiga, maalgashiga ajaanib, iyo fursadaha horumarin ee wadanada soo koraya. Sidoo kale ururku wuxuu u hiilan yahay oo diyaar u yahay inuu caawiyo dadaalada isla markaana tilmaan iyo talobixin siiyo dhaqdhaqaaqyada lagu horumarinayo dhaqaalaha."[1]

Intaas waxaa dheer in ururka UNCTAD ka qeyb qaato xidhiidhka iyo horumarinta ganacsiga, gargaarka baniaadamtinimo, socdaalka, dhaqaalaha, iyo teknoolojiyada. Sida caadiga ah xubnaha ururku waxay kulmaan halmar afartii sano, xafiiska xoghaynta wuxuu si rasmi ah ugu yaala magaalada Jeniifa.

Xarunta Ganacsiga Aduunka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xarunta Ganacsiga Aduunka (Af Ingiriis : International Trade Center; Af Carabi : ar‎) (loo soo gaabiyo ITC) waa wakaalad hoostagta Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO) iyo Shirka Ganacsiga iyo Horumarka Qaramada Midoobay (UNCTAD) taasi oo ka talabixisa arimaha khuseeya ganacsiga caalamka. Halka Ururka Ganacsiga Aduunku inta ugu badan ku mashquulsan yahay sameeynta sharciyada ganacsiga caalami, iyo UNCTAD ka shaqeeyso cilmibaadhis iyo gargaarid, Xarunta Ganacsiga Aduunku waxay si hoose oo ayada u khaas ah uga shaqeeysaa caawinta horumarka dhaqaalaha iyo hirgalinta ganacsiga wax dhoofinta iyo soo dhoofsashada wadanada. Inkastoo ururkani dhinac ahaan ka tirsan yahay Qaramada Midoobay hadana shaqada uu Ururka Xarunta Ganacsiga Aduunku qabto ma ahan mid hayadaha kale farogalin iyo ka qeyb qaadasho ku leeyihiin.

Guud ahaan, Xarunta Ganacsiga Aduunku waxay xarunta sare ku leedahay magaalada Jeniifa, wadanka Iswisarland iyo hal xafiis Caasimada Meksiko.

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. From official website
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: