Xoghaynta Qaramada Midoobay

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan golaha xoghaynta QM. Qoraalo kale fiiri Waaxyaha Qaramada Midoobay
Haku khaldin Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay
Xoghaynta Qaramada Midoobay
Xoghaynta Qaramada Midoobay
United Nations Secretariat
Secrétariat des Nations unies (Af-Faransiis)
Samaysmay1945
NoocaXubinta Ugu Horeeysa (maamulka)
SharcigaShaqaynaysa hada
Hogaanka
Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay
2007 ilaa hada
Ban Ki-moon
Koonfur Kuuriya
Websitewww.un.org/documents/st.htm

Golaha Xoghaynta Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : United Nations Secretariat; Af Carabi : ar‎) waa xubin ka mid ah lixda waaxood ugu muhiimsan Qaramada Midoobay kuwaasi oo kala Golaha Sare; (t) Golaha Amnigal; (j) Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada; (x) Golaha Kalsoonida (waaxdani ma shaqeeyso hada); iyo (kh) Maxkamada Cadaalada Caalamiga.[1][2] Hadaba Golaha Xoghayntu waa waaxda talogoynta Ururka Qaramada Midoobay.

Golaha Xoghayntu waxaa horsocda Xoghayaha Guud kaasi oo qabta shaqo aad u muhiim ah, sida go'aan goynta, diyaarinta qorshooyinka ururka iyo isku xidhka dhamaan waaxyaha Qaramada Midoobay.


Xoghayaha Guud[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jagada Xoghayaha Guud waa hogaanka sare ee Golaha Xoghaynta Qaramada Midoobay, qeyb ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay waa afhayeenka iyo hogaanka guud ee Qaramada Midoobay.

Wakhti xaadirkan waxaa Xoghaye Guud ka ah Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo u dhashay wadanka Koonfur Kuuriya, kaasi oo xafiiska ku wareegay horaantii bishii Janaayo 2007. Jaale Banki Moon wuxuu xilku ka dhamaaday 31 Diisambar 2011, waxaana si muran la'aan au dib loogu doortay mar labaad 21 June 2011.[3]

Guud ahaan Ururka Qaramada Midoobay waxaa soo maray sideed xoghaye oo ka soo jeeda qaarado kala duwan ee caalamka.

Xoghayaha Hada Talada Haya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xoghayaha hada jooga xafiiska mudane Ban ki moon

Ban Ki-moon (Af-Kuuriyaan: 반기문; Af-Hanja: 潘基文; Af Carabi : ar‎) (dhashay 13 Juun 1944) waa siyaasi iyo hogaamiye u dhashay wadanka Koonfur Kuuriya kaasi oo wakhti xaadirkan ah hogaankii sideedaad ee xil ka qabta Golaha Xoghaynta ee Qaramada Midoobay.

Mudane Banki Moon waa Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay jagadaasi oo ah hogaanka sare ee Xoghaynta Qaramada Midoobay, qeyb ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay waa afhayeenka iyo hogaanka guud ee Qaramada Midoobay.

Wakhti xaadirkan waxaa Xoghaye Guud ka ah Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo u dhashay wadanka Koonfur Kuuriya, kaasi oo xafiiska ku wareegay horaantii bishii Janaayo 2007. Jaale Banki Moon wuxuu xilku ka dhamaaday 31 Diisambar 2011, waxaana si muran la'aan au dib loogu doortay mar labaad 21 June 2011.[4]

Hadaba Banki Moon wuxuu xilku ka dhamaanayaa Diisambar 21, 2016ka, wakhtigaasi oo doorasho loo qaban doono cida xilka la wareegi doonta, maadaama mar sadexaad aan loo cusboonaysiin doonin sida uu dhigayo Dastuurka Qaramada Midoobay.


Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Qeybaha Qaramada MidoobayUnited Nations. United Nations http://www.un.org/en/sections/about-un/main-organs/index.html. Soo qaatay 9 April 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Xoghayaha Qaramada MidoobayUnited Nations. United Nations http://www.un.org/en/sections/about-un/secretariat/index.html. Soo qaatay 9 April 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. . BBC News. 21 June 2011 http://www.bbc.co.uk/news/world-us-canada-13868655.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. . BBC News. 21 June 2011 http://www.bbc.co.uk/news/world-us-canada-13868655.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: