Hayada Cuntada Aduunka

Ka Wikipedia
Boga "WFP" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Hayada Cuntada Aduunka
Barnamijka Cuntada Aduunka
(WFP)
Astaanta WFP
Loo soo gaabiyoHCA/BCA
NoocaBarnaamij Baniadamtinimo ee QM
SharcigaHada shaqaynaysa
FadhigaRoma, Talyaaniga
Websitewww.wfp.org
Boga Facebook
Boga Twitter

Hayada Cuntada Aduunka (Af Ingiriis : World Food Programme; Af Carabi : ar‎) (loo soo gaabiyo: WFP) waa waa waaxda gargaarka cuntada ee hay'ada Qaramada Midoobay iyo ururka ugu wayn caalamka ee ka warbixiya gaajada isla markaana dhiirigeliya amniga cuntada.[1] Sida ay sheegtay hay'adani waxay gargaar cunto gaadhsiisaa sanad kasta dad dhan 80 milyan oo ku kala nool 75 wadan.[2] Magaca hayada marka la fasiro oo noqonaya Barnaamijka Cuntada Aduunka waxa xarunta ugu sareeysa ku leedahay magaalada Roma wadanka Talyaaniga, iyo in ka badan ilaa 80 xafiis dacalada aduunka. Intaas waxaa dheer, muhiimada koowaad hayadu waxay siisa dadka awoodi waayay ineey cunto u helaan naftooda iyo qoyskooda sababo la xidhiidha dagaalo, xanuuno, musiibo dabiici ah (sida daad, duufaan, abaaro, dhulgariir iwm) darteed.

Guud ahaanHay'ada Cuntada Aduunka oo loo soo gaabiyo WFP waxay xubin ka tahay Kooxda Horumarka Qaramada Midoobay iyo waaxda Golaha Go'aaminta.[3]

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shaanbada WFP sanadki 2009 ka muuqata mucaawino cunto Ruushka

WFP waxa ugu horayn la aasaasay sanadkii 1961[4] ka dib markuu dhamaaday 1960 shirkii "Ururka Cuntada iyo Beeraha" (Food and Agricultural Organization), waxaa la isla afgartey in la sameeyo barnaamij ka shaqeeya gargaarka cuntada. Sidaasi ayaa WFP lagu sameeyay sanadkii 1963; waxaana barnaamijka loo dhiibay ineey maamulaan Ururka Cuntada iyo Beeraha wakhti sadex sano ah si loo fiiriyo midhodhalka iyo muhiimada barnaamijka. Hay'ada Cuntada Aduunka waxaa urur madaxbanaan oo iskii isku maamula laga dhigay sanadkii 1965, ka dib markii aasaaskiisa loo bogay.


Maamulka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hayada Cuntada Aduunka waxaa maamula Gole Sare oo yimaada 36 wadan oo ka tirasan ururkan. Gudoomiyaha Sare ee ururka wakhti xaadirkan waa Ertharin Cousin kaasi oo uu magacaabay Xoghayaha Sare ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa sare ee Ururka Cuntada iyo Beeraha.

Dhinaca kale, sida hayadu sheegtay deeqbixiyaha ugu badan ee WFP waa qaarada Yurub waxayna ka qeybqaadata in badan oo howlaha ururka ah.[5]

Aragtida iyo riyada hayadani waa in la helo "aduunyo nin kasta, naag iyo ilmo markasta heystaan ilo cunto si ay ugu sii noolaadaan nolol sax ah oo caafimaad qabta."

Guud ahaan Hayada Cuntada Aduunka waxaa u shaqeeya ilaa 11,500 qof kuwaasi oo dhamaantood ka shaqeeya deegaano aad u fog.

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. WFP. WFP http://www.wfp.org/about/mission-statement. Soo qaatay 2 November 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. About WFP Archived Nofeembar 27, 2016 // Wayback Machine. WFP.org. Retrieved 2015-04-08
  3. Executive Committee Archived Mey 11, 2011 // Wayback Machine. Undg.org. Retrieved on 2012-01-15.
  4. "Nuqul Archive". World Food Program. Waxaa laga kaydiyay the original 2015-02-25. Soo qaatay 2011-09-29.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. EU Delegation to the UN in Rome
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: