Liiska Hayadaha Qaramada Midoobay

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Hayad khaas)

Wakiilada Khaaska (Af Ingiriis : Specialized agencies) sidoo kale loo yaqaano Hay'ad Khaas waa ururo wakiil iskeed isku maamusha kuwaasi oo hoostaga Qaramada Midoobay iyo midba kooxda ay ku xidhan tahay ee dhaqaale iyo saamiyad la wadaagto iyo shaqo intaba. Inta ugu badan hayadaha u adeega Qaramada Midoobay waxay si toos ah ama dadban u hoostegaa xafiiska Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay halkaasi oo ay warbixin siiyaan ama ka warqaataan Xoghayaha Guud ee Waaxda Iskuxidhka.[1] Wakiilada khaaska ah waxay iskugu jiraan kuwo ay abuurtey Qaramada Midoobay iyo kuwo ururo kale sameeyeen laakiin waxay dhamaan ku shaqeeyaan nidaamka Qaramada Midoobay kaasi oo saldhig u yahay Dastuurka Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan (2015) guud ahaan waxay Qaramada Midoobay leedahay 15 haayadood[2][3] khaas ah kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan ayagoo matalata Qaramada Midoobay.

Hadaba 15ka wakiil khaaska ahi waa kuwan:[4]

Ururka Cuntada iyo Dalaga (FAO)[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ururka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : Food and Agriculture Organization of the United Nations, loo soo gaabiyo: (FAO); Af Carabi : ar‎) waa wakiil khaaska ah Qaramada Midoobay kaasi oo hogaamiya dadaalka ka hortaga iyo cidhibtirka gaajada aduunka. Hayadani waxay si siman ugu adeegtaa wadanada horumaray iyo kuwa soo koraya, waxayna ka shaqeeysaa in si cadaalad ah umaduhu u qeeybsadaan kheyraadka isla markaana galaan heshiisyo loo dhan yahay. Intaas waxaa dheer, hayada Cuntada iyo Dalaga (beeraha) waxay wadano badan oo caalamka ah ka caawisaa (xag aqoon iyo talobixin) horumarinta beeraha, keymaha iyo kheyraadma kaluumaysiga si markaa shacabku u helaan cuntooyin nafaqo leh isla markaana amaan ah.

ICAO[wax ka badal | wax ka badal xogta]

ICAO

Ururka Adeega Duulista Caalamiga (Af Ingiriis : International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah. Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca. Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta uguwayn kutaalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo iskudubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.

Liiska Dhamaan Hayadaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wakiilada QM iyo Ururo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tiro Astaan Magaca Loo soo gaabiyo Xarun sare La Aasaasay Wadanada Xubnaha Maabka iyo Tixraac
- Emblem of the United Nations.svg Ururka Qaramada Midoobay QM, UN Maraykanka, New York 1945 United Nations membership of Sovereign States.png [1]
Wakiilada Khaaska
1 FAO logo.svg Ururka Cuntada iyo Dalaga FAO, UCD Talyaaniga, Roma 1945 FAO members and observers.png [2] Archived Maarso 8, 2011 // Wayback Machine
2 Flag of ICAO.svg Ururka Adeega Duulista Caalamiga ICAO Kanada, Montreal 1947 ICAO.png [3]
3 Kharashka Horumarinta Beeraha Caalamka IFAD Talyaaniga, Rome 1977 IFAD.png [4] Archived Agoosto 3, 2013 // Wayback Machine
4 Flag of ILO.svg Ururka Shaqaalaha Aduunka ILO Switzerland, Jeniifa 1919 International Labour Organization.png [5]
5 Flag of the International Maritime Organization.svg Ururka Badaha Aduunka IMO, UBA UK, London 1959 IMO Participation.svg [6] Archived Luuliyo 6, 2010 // Wayback Machine
6 Ururka Sicirka Lacagta Caalamka IMF Maraykanka, Washington, D.C. 1945 International Monetary Fund.png [7]
7 Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ITU Switzerland, Jeniifa 1865 Member states of the International Telecommunication Union.png [8]
8 Flag of UNESCO.svg Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka UNESCO Faransiiska, Baaris 1946 UNESCO member states.png [9] Archived Luuliyo 22, 2012 // Wayback Machine
9 Machadka Cilmibaadhista Cadaada iyo Dabagalka Dambiyada UNIDO Usteeriya, Fiyenna 1985 UNIDO.png [10]
10 Flag of UPU.svg Midoowga Adeega Boostada Caalamka UPU Switzerland, Bern 1874 Universal Postal Union membership.png [11] Archived Maarso 21, 2019 // Wayback Machine
11 World Bank logo.svg Bankiga Aduunka WBG USA, Washington, D.C. 1945 World Bank Group.png [12]
12 Flag of WHO.svg Ururka Caafimaadka Aduunka WHO Switzerland, Jeniifa 1948 World Health Organization membership status map.png [13]
13 Ururka Goaanka Mulkiyada Aduunka WIPO Switzerland, Geneva 1967 World Intellectual Property Organization (WIPO) members world map.png [14]
14 Flag of the World Meteorological Organization.svg Ururka Saadaasha Hawada Aduunka WMO Switzerland, Geneva 1950 World Meteorological Organization (WMO) members - states and territories.png [15]
15 Ururka Dalxiiska Dunida UNWTO Isbayn, Madrid 1974 UNWTO.png [16] Archived Luuliyo 15, 2007 // Wayback Machine
Ururo Kale La Xidhiidha
16 Ururka Diyaarinta Mamnuucida Tijaabinta Nukliyeerka CTBTO Prep Com Usteriya, Vienna 1996 CTBT Participation.svg [17]
17 Flag of IAEA.svg Wakaalada Awooda Atomik Aduunka IAEA Austria, Vienna 1957 IAEA member states.svg [18]
18 Ururka Mamnuucida Hubka Kimiko OPCW Holland, Heeg 1997 CWC Participation.svg [19]
19 Ururka Ganacsiga Aduunka WTO Switzerland, Jeniifa 1995 WTO members and observers.svg [20] Archived Jannaayo 5, 2012 // Wayback Machine

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]