Ururka Caafimaadka Aduunka

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay WHO)
Kani waa maqaal ku saabsan Ururka Caafimaadka Aduunka ee ka tirsan Qaramada Midoobay.
Boga "WHO" halkan ayaa laga soo toosiyay
Ururka Caafimaadka Aduunka
Ururka caafimaadka aduunka
Loo soo gaabiyouca
Samaysmay7 Abriil 1948; 75 sanadood ka hor (1948-04-07)
NoocaHay'ada gaarka ah ee Qaramada Midoobay
SharcigaActive
FadhigaJineefa, Iswisarland
Hogaanka
Agaasimaha guud
Tedros Adhanom
Ururka leh
Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobayl
Websitewww.who.int
Portal icon Medicine portal
Portal icon Politics portal

Ururka Caafimaadka Aduunka ama Hay'ada Caafimaadka Aduunka (Af Ingiriis : World Health Organization; loo soo gaabiyi: WHO; loogu dhawaaqo: //; Af Carabi : ar‎) waa wakiilka khaaska ah ee Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arimaha caafimaadka bulshada caalamka. Waxaa la aasaasay ururkani 7 Abriil 1948, waxayna xarunta ugu sareeysa ku leedahay magaalada Jeniifa, Iswisarland. Ururka Caafimaadka Aduunku wuxuu xubin ka yahay Kooxda Horumarka Qaramada Midoobay (United Nations Development Group). Ururkani wuxuu dhaxlay "Ururkii Caafimaadka Midowga Umadaha", kaasi oo xubin ka ahaa Ururkii Midowga Umadaha (League of Nations) ee ka horeeyay Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, dastuurka Ururka Caafimaadka Aduunka waxaa si wadajir ah u saxeexay markii ugu horeeysay 61 wadan markey taariikhdu ahayd 22 Luuloyi 1946, isla markaana waxaa shirkii ugu horeeyay yeesheen Golaha Caafimaadka Aduunku (World Health Assembly) 24 Luuliyo 1948.

Tan iyo goortii la aasaasay ururkani wuxuu ugu horayn si xoogan uga qeyb qaatay tafiirgoyntii jadeecada, iyo taagero xaga caafimaadka ah. Wakhti xaadirkan waxaa ururku mudnaanta siiyaa sidii loola tacaali lagaa xanuunada fida, gaar ahaan HIV/AIDS, Ebola, malariya, xanuunada lagu kala qaado galmada (sida jabtida), nafaqodarada, gaboowga, amniga cuntada iyo raashinka nafaqada leh, gargaarka caafimaad, tababada caafimaad, la tacaalka mukhadaraadka, wacyigelinta bulshooyinka, waxbarashada haweenka, isdhexgalka iyo isku xidhnaanta iyo adeegyo kale oo bulsho kuwaasi oo ururku ka fuliyo daafaha caalamka.

Intaas waxaa dheer, Ururka Caafimaadka Aduunku wuxuu sameeyaa sanad walba Waxbixinta Caafimaadka Aduunka kaasi oo wadanada caalamku u isticmaalaan qorshaynta iyo kutalogalka mustaqbalka.


Sida ururku ku soo waramay saamigii kharashka sanadkii 2014/2015 wuxuu ahaa lacag dhan US$4 bilyan.[1] Lacagtaasi US$930 milyan oo ka mid ah waxaa bixiyay wadanada xubinta ka ah, halka US$3 bilyan ay ka timiday tabarucaad caalami ah.[2]

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

astaanta WHO oo ka turjumeysa bogsasho

Markii loo fadhiyay shirkii lagu aasaasay Qaramada Midoobay sanadkii 1945 ayaa waftigii ka socday Shiinaha, Baraasiil iyo Norway soo jeediyeen in la sameeyo urur caafimaad kaasi oo hoostega Qaramada Midoobay isla markaana ka dhexeeya wadanada caalamka oo dhan.

Ka dib markii hadalka xoogaa la isku celceliyey waxaa la go'aamiyey in qodobkaasi laga boodo maadaama meesha jireen arimo kale oo xaasxaasi ahaa. Ka dib waxaa ugu dambeyntii shirkaasi gudoomiyahii shirku ku dhawaaqay aasaasitaanka urur caafimaad oo dunida ka dhexeeya. Waxaa arinta sii daba socday qaar ka mid ah waftiyadii fikrada soo jeediyay marka hore ayagoo ugu yeedhaya caalamka in la qabto shir caalami ah oo lagu sameeyo urur caafimaad.[3][4]

Sidaasi ayuu ku hirgalay shirkii waxaana la sameeyay dastuurka Ururka Caafimaadka Aduunka (W.H.O) kaasi oo khasab kaga dhigat 51dii wadan ee xubinta ka ahaa Qaramada Midoobay ineey saxeexaan heshiisyada ururka; waxaana Luuliyo 22, 1946dii saxeexay dastuurka Ururka Caafimaadka Aduunka 61 wadan oo 51 ka mid ahi xubin ka ahaayeen Qaramada Midoobay.[5] Intaasi wixii ka dambeeyay ururku wuxuu noqday wakiilka khaaska ah ee Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysa wuxuu la koray xubnaha sii badanayay ee Qaramada Midoobay.[6]

Sharciga iyo dastuurka Ururka Caafimaadka Aduunka waxaa la hirgeliyey oo ugu horayn la isticmaalay 7 Abriil 1948.[7] Dhamaadkii shirkii ugu horeeyay ee ururka waxaa lagu diyaariyay lacag dhano US$5 milyan (wakhtigaas u dhigmaysay GBP£1,250,000) miisaaniyada ururka sanadkii 1949.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee golaha ururku wuxuu ahaa nin la odhan jirey Andrija Stampar; wuxuuna ururku culeyska saaray ka hortega iyo la dagaalanka malariyada, jadeecada, dabaysha iyo xanuunada galmada lagu kala qaado. Sidoo kale wuxuu kaalin lixaad leh ka geystat olole lagu kordhinayay caafimaadka caruurta, caafimaadka dadka madaxa ka jiran, nafaqoynta iyo horumarinta nadaafada. 2023년 건강검진 대상자 조회 Archived Diseembar 7, 2022 // Wayback Machine

Guud ahaan astaanta Ururka Caafimaadka Aduunka waa sumad ka turjumaysa bogsasho.[8]

Qaabdhismeedka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ururka Caafimaadka Aduunku wuxuu xubin ka yahay Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysa.

Xubnaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wadanada xubinta ka ah WHO

Ururka Caafimaadka Aduunku wuxuu leeyahay 194 xubnood sanadka 2015, kuwaasi oo ah dhamaan xubnaha Qaramada Midoobay marka laga reebo Liechtenstein, Gasiiradaha Kook iyo Niue.[9]

Sida caadiga ah wadan wuxuu ku biiraa WHO marka uu aqbalo heshiiska dastuurka ururka isla markaana saxeexo Sharciga Ururka Caafimaadka Aduunka.

Sanadkii 2013, waxaa ku soo biiray xubnaha Puerto Rico iyo Tokelau.[10]

Sanadkii 2010, Taywan ayaa lagu casuumay ineey ku soo biirto ururka ayadoo la siiyay magac ag "Shiinaha Taybei", laakiin gasiiradaasi way ku gacanseydhay arintaasi.[11]

Guud ahaan, Ururka Caafimaadka Aduunku wuxuu gacansaar iyo cilaaqaad fiican la leeyahay Ururka Bisha Cas iyo Bulshada Iskujirka ee Bisha Cas iyo Iskutalaabta Cas kuwaasi oo Ururka Caafimaadku ku casuumo inta u badan howlgalada WHO.

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. who.int (PDF). 24 May 2013 http://www.who.int/about/resources_planning/A66_R2_en.pdf. Soo qaatay 23 February 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Lacagaha WHO"
  3. Sze Szeming Papers, 1945–2014, UA.90.F14.1, University Archives, Archives Service Center, University of Pittsburgh.
  4. The British Medical Journal. BMJ Publishing Group. 2 (4570): 302–303. 7 August 1948. JSTOR 25364565. doi:10.1136/bmj.2.4570.302.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. http://whqlibdoc.who.int/hist/chronicles/chronicle_1947.pdf "Chronicle of the World Health Organization", Vol. I, p. 6-11
  6. Shimkin, Michael B. (27 September 1946). Science. American Association for the Advancement of Science. 104 (2700): 281–283. JSTOR 1674843. doi:10.1126/science.104.2700.281.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. (PDF) http://whqlibdoc.who.int/hist/chronicles/chronicle_1947.pdf. Soo qaatay 18 July 2007.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. . WHO http://www.who.org.ph/. Soo qaatay 27 March 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  9. . WHO http://www.who.int/countries/en/. Soo qaatay 8 September 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  10. (PDF). World Health Organization http://apps.who.int/gb/bd/PDF/bd47/EN/members-en.pdf. Soo qaatay 18 November 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  11. http://www.taiwantoday.tw/ct.asp?xitem=103148&ctnode=427&mp=9. Soo qaatay 9 February 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: