Jump to content

Liiska Hayadaha Qaramada Midoobay

Ka Wikipedia

Wakiilada Khaaska (Af Ingiriis : Specialized agencies) sidoo kale loo yaqaano Hay'ad Khaas waa ururo wakiil iskeed isku maamusha kuwaasi oo hoostaga Qaramada Midoobay iyo midba kooxda ay ku xidhan tahay ee dhaqaale iyo saamiyad la wadaagto iyo shaqo intaba. Inta ugu badan hayadaha u adeega Qaramada Midoobay waxay si toos ah ama dadban u hoostegaa xafiiska Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay halkaasi oo ay warbixin siiyaan ama ka warqaataan Xoghayaha Guud ee Waaxda Iskuxidhka.[1] Wakiilada khaaska ah waxay iskugu jiraan kuwo ay abuurtey Qaramada Midoobay iyo kuwo ururo kale sameeyeen laakiin waxay dhamaan ku shaqeeyaan nidaamka Qaramada Midoobay kaasi oo saldhig u yahay Dastuurka Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan (2015) guud ahaan waxay Qaramada Midoobay leedahay 15 haayadood[2][3] khaas ah kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan ayagoo matalata Qaramada Midoobay.

Hadaba 15ka wakiil khaaska ahi waa kuwan:[4]

Ururka Cuntada iyo Dalaga (FAO)

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ururka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : Food and Agriculture Organization of the United Nations, loo soo gaabiyo: (FAO); Af Carabi: منظمة الأغذية والزراعة) waa wakiil khaaska ah Qaramada Midoobay kaasi oo hogaamiya dadaalka ka hortaga iyo cidhibtirka gaajada aduunka. Hayadani waxay si siman ugu adeegtaa wadanada horumaray iyo kuwa soo koraya, waxayna ka shaqeeysaa in si cadaalad ah umaduhu u qeeybsadaan kheyraadka isla markaana galaan heshiisyo loo dhan yahay. Intaas waxaa dheer, hayada Cuntada iyo Dalaga (beeraha) waxay wadano badan oo caalamka ah ka caawisaa (xag aqoon iyo talobixin) horumarinta beeraha, keymaha iyo kheyraadma kaluumaysiga si markaa shacabku u helaan cuntooyin nafaqo leh isla markaana amaan ah.

ICAO

Ururka Adeega Duulista Caalamiga (Af Ingiriis : International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah. Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca. Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta uguwayn kutaalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo iskudubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.

Liiska Dhamaan Hayadaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wakiilada QM iyo Ururo La Xidhiidha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Tiro Astaan Magaca Loo soo gaabiyo Xarun sare La Aasaasay Wadanada Xubnaha Maabka iyo Tixraac
- Ururka Qaramada MidoobayQM, UNMaraykanka, New York1945
Wakiilada Khaaska
1 Ururka Cuntada iyo DalagaFAO, UCDTalyaaniga, Roma1945 Archived Maarso 8, 2011 // Wayback Machine
2 Ururka Adeega Duulista CaalamigaICAOKanada, Montreal1947
3 Kharashka Horumarinta Beeraha CaalamkaIFADTalyaaniga, Rome1977 Archived Agoosto 3, 2013 // Wayback Machine
4 Ururka Shaqaalaha AduunkaILOSwitzerland, Jeniifa1919
5 Ururka Badaha AduunkaIMO, UBAUK, London1959 Archived Luuliyo 6, 2010 // Wayback Machine
6 Ururka Sicirka Lacagta CaalamkaIMFMaraykanka, Washington, D.C.1945
7 Midowga Isgaarsiinta CaalamigaITUSwitzerland, Jeniifa1865
8 Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo DhaqankaUNESCOFaransiiska, Baaris1946 Archived Luuliyo 22, 2012 // Wayback Machine
9 Machadka Cilmibaadhista Cadaada iyo Dabagalka DambiyadaUNIDOUsteeriya, Fiyenna1985
10 Midoowga Adeega Boostada CaalamkaUPUSwitzerland, Bern1874 Archived Maarso 21, 2019 // Wayback Machine
11 Bankiga AduunkaWBGUSA, Washington, D.C.1945 Archived Oktoobar 9, 2012 // Wayback Machine
12 Ururka Caafimaadka AduunkaWHOSwitzerland, Jeniifa1948
13 Ururka Goaanka Mulkiyada AduunkaWIPOSwitzerland, Geneva1967
14 Ururka Saadaasha Hawada AduunkaWMOSwitzerland, Geneva1950
15 Ururka Dalxiiska DunidaUNWTOIsbayn, Madrid1974 Archived Luuliyo 15, 2007 // Wayback Machine
Ururo Kale La Xidhiidha
16 Ururka Diyaarinta Mamnuucida Tijaabinta NukliyeerkaCTBTO Prep ComUsteriya, Vienna1996
17 Wakaalada Awooda Atomik AduunkaIAEAAustria, Vienna1957
18 Ururka Mamnuucida Hubka KimikoOPCWHolland, Heeg1997
19 Ururka Ganacsiga AduunkaWTOSwitzerland, Jeniifa1995 Archived Jannaayo 5, 2012 // Wayback Machine

Qoraalo La Xidhiidha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo La Xidhiidha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  1. "The United Nations System" (PDF).
  2. Template:Citeweb
  3. Eckart Klein: United Nations, Specialized Agencies, para.9. In: Max Planck Encyclopedia of Public International Law.
  4. UN structure and organization, Specialized Agencies