Garsoorka Soomaaliya

Ka Wikipedia
Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda:
Siyaasadda iyo Xukunka
Soomaaliya

Ma jiro ilaa iyo hadda Garsoor hagaasan oo shaqeeya

Garsoorka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Garsoor waa gacmaha iyo dhidibbada caddaaladda ama dowladnimada. Haddii uusan garsoor jirin, caddaaladi ma jirto.

Madaxbannaanida garsoorka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida uu qabo qodobka 114aad Madaxbannaanida Garsoorka

  • (1) Garsoorku wuxuu ka madaxbannaan yahay laamaha dowladda ee Sharci dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.
  • (2) Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsooranimo.
  • (3) Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

Habka Dacwad Qaadista[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida uu qabo qodobka 115aad

  • (1) Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi;
  • (2) Go’aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda
  • (3) Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.

Maxkamadda dalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nidaamka Maxkamadaha Dalka Waxaa jiraya hal nidaam maxkamadeed oo ka kooban:

  • (a) Maxkamadda Dastuurka;
  • (b) Maxkamadda Sare;
  • (c) Maxkamadda Racfaanka iyo
  • (d) Maxakamadda Derajada Koowaad.

Xeerilaaliyaha Guud[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud

  • (1) Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adda Garsoorka ee Dalka.
  • (2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Golaha Wakiillada magacyada dadka u qalma in ay noqdaan Xeerilaaliyaha Guud si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana xeer madaxweyne ku magacaabaya.
  • (3) Xeerilaaliyaha guud waxaa shaqada looga qaadi karaa sababo iyo habraac lamid ah kuwa looga qaadayo garsooraha.
  • (4) Xeerilaaliyaha Guud wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta shuruucda dalka, wuxuuna taabbageliyaa talinta sharciga. Xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxa qeexaya xeerka nimadaaminta garsoorka.
  • (5) Xeerilaaliyaha Guud wuxuu u xilsaaran yahay dacwad oogista.

Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka

  • (1) Guddiga Adeegga Garsoorku wuxuu ka kooban yahay:
  • (a) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga;
  • (b) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
  • (c) Xeerilaaliyaha Guud;
  • (d) Laba qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu;
  • (e) Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
  • (f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen baarlmaannada dowlad-goboleedyadu;
  • (g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu.
  • (2) Guddoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka.

Guddoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa mudo shan sano ah, waxaana loo cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale. Gudoomiyaha guddiga wuxuu iska wareejinayaa dhammaan waajibaadka ka baxsan hawlaha Guddiga isla marka loo dhaariyo xilkaas. Qofka loo doorto guddoomiyaha wuxuu haynayaa muddo xileed dhammeystiran xataa haddii muddada xilka qofka la magacaabayo ay ka yar tahay shan sano.

Guddiga adeegga garsoorka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka

  • (1) Guddiga Adeegga Garsoorku wuxuu ka kooban yahay:
  • (a) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga;
  • (b) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
  • (c) Xeerilaaliyaha Guud;
  • (d) Laba qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu;
  • (e) Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
  • (f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen baarlmaannada dowlad-goboleedyadu;
  • (g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu.
  • (2) Guddoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka.

Guddoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa muddo shan sano ah, waxaana loo cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale. Guddoomiyaha guddiga wuxuu iska wareejinayaa dhammaan waajibaadka ka baxsan hawlaha Guddiga isla marka loo dhaariyo xilkaas. Qofka loo doorto guddoomiyaha wuxuu haynayaa muddo xileed dhammeystiran xataa haddii muddada xilka qofka la magacaabayo ay ka yar tahay shan sano.

Maxkamadda Dastuurka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida uu qabo Qodobka 117aad

  • (1) Waxa jiraya Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban ugu yaraan shan (5) garsoore ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku.
  • (2) Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa iska dhex dooranaya isla xubnaha Maxkamadda Dastuuriga.
  • (3) Magacaabista garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka waa in lagu saleeyaa xeeldheeri aqooneed ee shareecada iyo qaanuunka waana in ay takhasus gaar ah u leeyihiin arrimaha Dastuurka.
  • (4) Maxkamadda Dastuurku waxay leedahay awoodaha soo socda:
  • (a) In ay hubiso in hindise sharci waafaqsan yahay Dastuurka marka sidaas la weyddiisto;
  • (b) In ay go’aan kama dambays ah ka gaarto in sharci ama go’aanno ay gaareen Golaha fulinta uu ka soo horjeedo Dastuurka, sidaas ku buriso sharcigaas ama go’aankaas aan waafaqsanayn dastuurka;
  • (c) Maxkamadda waxay awood u leedahay in ay go’aamiso in burinta sharcigaas uu dhaqangelayo laga soo bilaabo markii go’aanka Maxkamaddu dhacay ama waqti imaan doona oo xaddidan si ay ugu suuragaliso Maxkamadda in tallaabada ku habboon ay ka qaadato burinta sharcigaas. Haddii burinta sharcigu u faa’ideynayo qof lagu xukumay sharcigaas, waxay burintu ka bilaabanaysaa waqtiga go’aanka Maxkamadda dastuurigu dhacay;
  • (d) Awoodda kama dambaysta ee go’aan looga gaaraayo muranada ka dhexeeya dowladgoboleedyada iyo Dowladda dhexe ama xukuumadaha dowlad-goboleedyada dhexdooda; awooddaan waxay Maxkamaddu isticmaali kartaa oo keliya ka dib marka wadahadal iyo wadaxaajood lagu xallin waayoo khilaafka;
  • (e) Awoodda kama dambaysta ee lagu ansixinayo natiijooyinka aftida iyo doorashooyinka Qaranka.
  • (5) Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Dastuuriga ee la xiriira arrimo dastuur waa kuwa kama dambays ah.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shirkii wadatashiga dib-u-habeynta hay'adaha garsoorka dalka.

1-da Abriil - 5-ta Abriil, 2013-ka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin

  • Faaqidaada Caqabadaha hortaagan Garsoorka
  • dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hay’adaha Garsoorka
  • soo celinta kala dambeynta iyo u hoggaansanaanta sharciga
  • Talo ka bixin qorshe ama siyaasad Qaran oo hagta Hay’adaha Caddaaladda dalka,
  • Xiriirka ka dhexeeya Hay’adaha Garsoorka iyo Dastuurka cusub.
  • Waxa shirka ka soo qaybgalaya boqolaal xubnood oo isugu jira:
  • Sharciyaqaano
  • aqoonyahanno dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ka kala yimid,
  • wakiilo ka socda Garsoorka,
  • Wasaaradda Caddaaladda,
  • Xubnaha baarlamaanka,
  • Xafiiska xeerilaaliyaha guud ee Qaranka,
  • Maxkamadda ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliyeed,
  • Booliska Qaranka Soomaaliyeed,
  • Hay'adda Nabadsugidda
  • Ciidanka asluubta.
  • Ururka qareenada
  • Jaamacadaha iyo goobaha cilmibaarista,
  • Culumada,
  • hoggaamiyayaasha dhaqanka,
  • ururada bulshada rayidka,
  • hoggamiyayaasha hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda,
  • ururada haweenka,
  • Khubaro caalami ah
  • qaybaha kala duwan ee bulshada.
  • Bulleted list item

Masuuliyiintii meesha timid

  1. Xasan sheekh maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
  2. Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" Guddoomiyeha Gobolka Banaadir
  3. Cabdulllaahi Caydiid Ilka-Xanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka
  4. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Caddaalada xukuumadda Soomaaliya

Warmurtiyeedka gabagabadii shirka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Warmurtiyeedkii Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Dalka Soomaaliya waxa soo baxey 17 qodob oo la diyaariyey intii shirka uu socdey ee 1-dii bisha iyo manta oo 5 ay tahey waxaan ay u qornayeen sidan.

  • 1. Iyadoo laga duulayo baaqii madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga Soomaaliya

mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay 11kii bishii Febraayo ee sanadka 2013 oo ugu yeeray shirweyne qaran oo looga wada tashanayo dib u habaynta garsoorka iyo kaabayashiisa, kaasoo ka tarjumayay tiirka labaad ee tiirarka lixda ah ee ay ku qotonto aragtida siyaasadeed oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay 16kii Sebteembar 2012;

  • 2. Iyadoo la hirgalinayo himilada shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaanka hay’adaha kala duwan ee cadaaladda lana daboolayo baahida uu u qabo in la helo cadaalad waarta oo u sahasha muwaadinka Soomaaliyeed helitaanka cadaalad uu isku halayn karo;
  • 3. Iyadoo maalinimadii Isniinta oo taariikhdu ahayd 1da Abriil 2013 ay isugu yimaadeen ergooyinka ka qaybgalayaasha shirweynahaas oo tiradooda gaarayso in ka badan laba boqol (200) oo qof oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa . Kuwaas oo isugu jiray wakiilo metelayay wasaaraddaha kala duwan, xubnaha baaralamaanka, sharciyaqaano ka kala yimid gudaha iyo dibada dalka, xubnaha garsoorka iyo kaabayaashiisa, ciidamada bileyska Soomaaliyeed, ciidanka asluubta, ururarada bulshada rayidka, ururada haweenka, Jaamacadaha, culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka;
  • 4. Iyadoo shirweynuhu uu si rasmi ah u furay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud, soona dhoweeyay ergada shirka, mahad celin balaaran ugu jeediyay sida wanaagsan ee loo aqbalay baaqa shirka, kuna dhiiri geliyay ergada inay soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo loo bedeli karo qodobo la hirgelin karo oo aasaas u noqda dib u qaabaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa iyo dhisidda garsoor tayaysan oo la jaanqaadi kara dastuurka cusub ee dalka iyo marxaladda cusub ee dalku galay;
  • 5. Iyadoo shirku socday 1da - 5ta bisha April ayaa waxa looga dooday xaalada guud ee garsoorka iyo kaabayaashiisa ka jira dalka iyo baahiyada sharci ee kala duwan ee haysata. Waxaana laga soo saaray talooyin xal u noqon kara taabagelinta garsoor tayaysan oo ilaaliya saraynta sharciga xaqiijiyana himilooyinka cadaalad doonka ah ee umadda Soomaaliyeed;Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce Abriil 5, 2013 | 3
  • 6. Iyadoo khuburada sharciga iyo aqoonyahanada kala duwan waqti dheer iyo dood cilmiyeedyo badan ka yeesheen sida hadda u dhisan yahay garsoorka iyo qaabka la rabo inuu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed;
  • 7. Iyadoo la tixgelinaayo burburka gaaray hay’adaha garsoorrka tan iyo markii dagaalka sokeeye dalka ka bilowday, arintaas oo keentay baahi loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka garsoor ee hadda jira, isla markaana ay lagama maarmaan tahay, dastuurka dalkuna farayo, in la adkeeyo madaxbanaanida garsoorka;
  • 8. Iyadoo ka qeyb galayaasha shirweynuhu booqdeen qeybo ka mid ah maxkamadaha iyo xabsiga dhexe ee gobolka banaadir;Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce Abriil 5, 2013 | 4 TALOOYINKA LASOO JEEDIYAY Khuburadii iyo dhamaan dadkii ka qayb galay shirweynaha qaran ee dib u habaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan inay yihiin kuwo leh mudnaanta koowaad, islamarkaana ay ku baaqeen in loo dhaqan geliyaa sida ugu dhakhsiyaha badan.
  • Kadib markii ergada shirweynuhu dhagaysteen talooyinka kala duwanaa ee ku saabsan dib u habaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa ee ay soo bandhigeen guddi howleedyadii kala duwanaa.
  • Shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talooyinka soo socda:
  • 1. In si deg deg ah dib uhabayn loogu sameeyo hay’adaha garsoorka iyo kaabayaashiisa
  • si waafaqsan distuurka federaalka iyo xaalada kajirta dalka;
  • 2. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga adeegga garsoorka si waafqasan dastuurka;
  • 3. In si dhaqso ah loo soo dhiso maxkamadda dastuuriga si waafaqsan dastuurka;
  • 4. In la dhiso maxkamadaha federaalka si waafaqsan dastuurka, laguna baahiyo
  • qaybaha dalka oo dhan muddo ku haboon;
  • 5. In la tayeeyo maxkamadda ciidanka qalabka sida si ay u fuliyaan howlahooda, dib u
  • eegisna lagu sameeyo xeerarkooda.
  • 6. In dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyo dhismayaasha maxkamadaha loona
  • qalabeeyo si waafaqsan halbeegga caalamiga ah ee dhismayaasha maxkamadaha;
  • 7. Si loo helo madaxbanaanida garsoorka in lakala xadeeyo howlaha hay’adaha fulinta
  • iyo kuwa garsoorka;
  • 8. In howlwadeenada garsoorka la siiyo mushaaro iyo agab ku filan si ay u gutaan
  • howlaha loo igmadey
  • 9. In kor loo qaado tayada howlwadeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa;
  • 10. In dib u habayn lagu sameeyo xafiiska xeer ilaalinta si waafaqsan dastuurka
  • islamarkaana la tayeeyo howlwadeenada xafiiska xeer ilaalinta; Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 5
  • 11. In dib u habayn lagu sameeyo dhamaan shuruucda dalka si waafaqsan dastuurka iyo
  • shareecada Islaamka, lana dhiso guddi ka shaqeeya howlahaas aqoon xeeldheerna u
  • leh
  • 12. In baarlamaanku si dhaqso ah u meel mariyo samaynta iyo dhismaha shuruucda iyo
  • hay’adaha lagu dhisayo garsoorka dalka iyo xeerarkiisa si waafaqsan dastuurka;
  • 13.Si ay howshoodu ugu gutaan si hufan oo dhowreysa xuquuqda muwaadiniinta waa
  • in dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha boliiska, ciidanka asluubta iyo kuwa
  • nabadsugidda laguna tababbaro dhowrista xuquuqda aadanaha, anshaxa iyo
  • mabaadi’da Islaamka;
  • 14. In dib u dhis lagu sameeyo xabsiyada dalka oo la waafijiyo halbeega xabsiyada
  • casriga ah, islamarkaana la dhowro xuquuqda aasaasiga ee maxbuuska.
  • 15. In lasoo saaro xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah; loona dhiso maxkamado gaar u ah caruurta iyo da’yarta islamarkaana si buuxda looga hortago tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka,
  • 16. In haweenka loo suurta geliyo inay ka qayb qaataan dhamaan hay’adaha cadaaladda si waafaqsan dastuurka;
  • 17. In la dhiiri geliyo kaalinta hay’adaha bulshada rayidka ay ku leeyihiin wacyigelinta arrimaha sharciga iyo cadaaladda;
  • 18. In muwaadinka loo fududeeyo helitaanka cadaaladda, islamarkaana tixgelin gaar ah la siiyo dadka danta yar;
  • 19. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga la-dagaalanka musuqmaasuqa lana xoojiyo kaalintiisa sharci; Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce Abriil 5, 2013 6 DHAQAN GELIN Haddaba si loo dhaqan geliyo talooyinka wax ku oolka ah ee kor ku xusan, loona helo farsamadii sharciyeed iyo talaabooyinka bilowga ah ee lagu hirgelin lahaa talooyinkaas,
  • shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talaabooyinka hoos ku xusan oo khuseeya dib u
  • habayn lagu sameeyo garsoorka iyo kaabayaashiisa.
  • Garsoorka
  • Qeybta 1aad
  • Iyadoo la cuskanayo qodobada 109 A, 109 B, 111 B, 111C, 111 J, 112 iyo qodobka 114 ee
  • dustuurka Federaalka ah, shirwaynuhu wuxuu ugu baaqayaa xukuumada in muddo saddex
  • bilood gudahood ay baarlamaanka ugu soo gudbiso xeerarka hoos kuqaran:
  • 1. Xeerka guddiga adeega garsoorka
  • 2. Xeerka maxkamada dastuuriga
  • 3. Xeerka gudiga xuquuqda aadanaha
  • 4. Xeerka gudiga dib u habaynta shuruucda
  • 5. Xeerka xafiiska madaxa banaan ee xeer ilaaliyaha guud (Attorney General)
  • 6. Xeerka gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa
  • 7. Xeerka xafiiska gardoonka qaranka
  • Sidoo kale shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in muddo shan bilood gudahooda:
  • 1. Lagu soo dhiso maxkamadda dastuuriga
  • 2. Lagu soo magacaabo gudiga adeega garsoorka
  • 3. lagu soo magacaabo gudiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha
  • 4. Lagu magacaabo gudiga la dagaalanka musuqmaaquqa.
  • 5. Lagu soo magacaabo gardoonka qaranka (Ombudsman) Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce Abriil 5, 2013 | 7
  • Qeybta 2aad
  • Shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga adeega garsoorku ay muddo seddex bilood ah ku
  • soo magacaabaan guddiga kala saarista ( Judicial Vetting Committee), gudigaas oo ay
  • hawshoodu noqon doonta in si dhaqso ah uga baaraan degto, qiimeyna ku samayso tayada
  • aqooneed, waaya aragnimada, wax qabadka, hufnaanta iyo daacadnimada dhaamaan
  • hawlwadeenada garsoorka hada shaqeeya ee ay kamid yihiin:
  • 1. Garsoorayaasha
  • 2. Hawlwadeenada maxkamadaha
  • 3. Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo dacwad oogayaasha
  • 4. Dhamaan hawlwadeenada
  • Qeybta 3aad
  • Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa in la aasaaso machad qaran ((National Judicial Training
  • Institute), oo si joogto ah loogu tababaro hawladeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa,
  • kaas oo hoos tagi doona wasaaradda cadaaladda.
  • Qeybta 4aad
  • Shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in khubaro aqoon u leh ay si dhakhso ah sahamo ku soo
  • sameeyaan dhismayaasha maxkamadaha hadda jira si ay uga soo talo bixiyaan kuwa baaba’san
  • oo u baahan dhismo cusub iyo kuwa la dayactirayo, si loo waafajiyo halbeega caalamiga ee
  • dhismayaasha maxkamadaha. Sidoo kale wuxuu shir weynuhu ku baaqay in dhismayaal
  • maxkamado oo cusub lagu baahiyo dhamaanba goobaha dadku ku badanyahay.
  • Qeybta 5aad
  • In la dhiso agaasin maamul (Court Administration System) oo hoos taga gudiga adeega
  • garsoorka kaas oo masuul ka ah dhamaanba arrimaha maamul iyo maaliyadeed ee ay u
  • baahan yihiin hay’adaha garsoorka iyo maareyntooduba. Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 8
  • 2. SHURUUCDA DALKA
  • Qaybta 1aad
  • Shirweynuhu wuxu ugu baaqayaa xukuumada in mudo hal bil gudeheed ay ku soo
  • magacawdo gudiga qaran ee dib u habeynta shuruucda (National Law Reform Commission)
  • oo shaqadeedu tahay dib u eegista dhamaan shuruucda dalka si loo ogaado shuruucda u
  • baahan in wax laga bedelo ama dib u habeyn lagu sameeyo, iyo ka tala bixin xeerarka cusub
  • ee loo baahan yahay si loo waafajiyo dastuurka federaalka ee dalka.
  • Qaybta 2aad
  • Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga dib u habeynta shuruucda lagu daro culumo
  • soomaaliyeed oo ku xeel dheer shareecada islaamka oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda
  • si ay gudiga ugu fududeeyaan in shuruucda dalka la waafajiyo shareeecada islaamka.
  • Gudigaas oo mudnaanta koowaad siin doonta soo diyaarinta xeerarka kala ah:
  • 1. Xeerarka nidaamka garsoorka
  • 2. Xeerka Ciqaabta
  • 3. Xeerka habka ciqaabta
  • 4. Xeerarka habka madaniga iyo
  • 5. Xeerka la dagaalanka burcad badeedka iyo argagixisada
  • 6. Dhamaan xeerarka kale oo dhan iyada oo gudigu uu eegi doono marba sida
  • loogu kala baahi badanyahay.
  • Qeybta 3aad
  • Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa in si dhakhso ah dib u habayn loogu sameeyo faafinta
  • rasmiga ah (Official Gazette) si loogu faafiyo dhammaan shuruucda dalka iyo arimaha kale
  • ee rasmiga ah, islamarkaana dadka loogu wacyi geliyo shuruucda dalka.Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 9
  • 3. BOOLISKA
  • Shirwaynuhu wuxu hoosta ka xariiqay in boolisku ahmiyad wayn ugu fadhiyo dhaqan
  • gelinta nidaamka cadaaladda ee suuban, sidaas darteed, waxa uu xukuumada ugu
  • baaqayaa:
  • 1. In tababarada akadeemiyaasha booliska lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda
  • aadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;
  • 2. In si gaar ah booliska loogu tababaro ixtiraamka xuquuqda dastuuriga ah ee uu
  • leeyahay muwaadinka soomaaliyeed;
  • 3. In ciidanka booliska lagu tababaro hannaanka dambi barista ee casriga ah, isla
  • markaana xarumaha dambi baarista lagu qalabeeyo tiknoolajiyada cusub ee
  • fududeyn karta baarista danbiyada;
  • 4. In la abuuro guddi kormeer oo rayid ah (Civilian Oversight Committee) kaas oo kala
  • xsibaatami doonta ciidanka bileyska hawlaha uu u hayo bulshada si waafaqsan
  • dastuurka.
  • 4. XABSIYADA
  • Shirweynuhu wuxu ku baaqayaa:
  • 1. In la dhiso xabsiyo leh dhamaan adeegyada aasaasiga u ah maxaabiista, isla
  • markaana tababarka ciidanka asluubta lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda
  • aadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;
  • 2. In dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo xeerka xabsiyada, lana dhaqan galiyo hab
  • raac damaanad qaadi kara ilaalinta xuquuqda maxbuuska si waafaqsan dastuurka,
  • shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da shareecada islaamka;
  • 5. XUKUUMADDA
  • Shirwaynuhu waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo
  • magacawdo gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka (Review and
  • Implementation Commision) sida ku xusan qodobka 134 B ee Dustuurka.Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 10
  • 6. GUNAANAD IYO MAHADNAQ
  • Haddaba marka la dhaqan geliyo talooyinka shirka, waxaa aan ku han weynahy in la helo
  • Nidaam cadaaladeed oo ku salaysan:
  • 1. Nidaam cadaaladeed oo hagaya Dawladda lana xisaabtamaya
  • 2. Nidaam garsoor oo shacabku isku halayn karo, ku kalsoonaan karo, loona siman
  • yahay
  • 3. Nidaam cadaaladeed oo keenaya sarraynta iyo u hogaansanka sharciga
  • 4. Helitaanka nidaam cadaaladeed oo hufan oo dhowraya xuquuqda aadanaha,
  • muwaadin kastana si sahlan u heli karo.
  • Shirwaynuhu waxa uu xusuusineynaa xukuumadda iyo dhinacyada ay khuseyso in
  • hirgalinta talooyinkan, diyaarinta qawaaniinta iyo hay’adaha ka dhalan doona ay u baahan
  • yihiin miisaaniyad, shaqaale leh tababar iyo dhismooyin lagu hirgeliyo howshaas, taas oo
  • ay lagama maarmaan tahay in loo qorsheeyo si ku haboon.
  • Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhamaan ka
  • qeybgalayaasha, si gaar ah wuxu shirweynuhu ugu mahad celinyaa waftiga balaaran ee ka
  • socda dawlad goboleedka Puntland oo isugu jiray wasiiro, garsoorayaal iyo aqoonyahan si
  • fir fircoona u soo bandhigay waaya aragnimadooda xaga garsoorka. Sidoo kale waxa mudan
  • mahadnaq gaar ah aqoonyahanada ka kala yimid daafaha adunka.
  • Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahad celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda
  • Federaalka Soomaaliyeed mudane [[maxmud bik afifi

]]. Allaa Mahad Leh!

  • Shirwaynaha Qaran ee Dib u Habeynta Garsoorka Muqdisho Abpriil 5, 2013