Jump to content

Doorashooyinka Soomaaliya

Ka Wikipedia

Doorashaddii ugu dambeeysay ee Soomaaliya waxay dhacday Sideetanaadkii Xiligii Dawladdii Kacaanka.

Waxay ahayd in ay dhacdo doorasho guud ee dadku sameeyaan 2012 laakiin ma dhicin, Baarlamaankana waxaa soo xulay Odayaal dhaqameed, Walina ma jiro wax Dastuur ah oo la iskau raacay waloow uu jiro mid kumeel gaar ah kaas oo wali dadku aysan Afti ku ansixin Dastuurka Soomaaliya.

Doorasho loo dhanyahay waxaa ugu dambaysay Somalia in la qabto sanadkii 1980s, xilligi dawaladi hanti-wadaaga. Inkastoo Doorashooyn dadwayne la qorsheeyey in la qabto 2012, laakin ma dhicin. Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaliya wuxu xusayaa habka doorashada axsaabta. waxan ladonya in si casaal ah loo simo dadka somaliyed oo loo firen qabyalka ka soo jaydaan .

Waqtigii maamulkii madaniga ahaa ee jiray, ka hor inta uusan xukunka qabsan Golihii saree e kacaanka (Supreme Revolutionary Council) 1969-kii, waxaa jiray tiro xisbiyo siyaasadeed. Waxaa inta badan laga xasuusan karaa xisbiyadaas hore Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Somali Youth League, ahaana Urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee dalka, lana filayay inuu xukunka qabto. Golihiii sare e kacaanka uuna hogaaminayay Siad Barre, wuxu mamnuucay dhamaan xisbiyadii siyaasadeed, isagoo higsanayay nidaamka hanti-wadaaga cilmiyaysan(scientific socialism) ee ikhtiraaceen Marxism-kii China iyo isutaga Miwadawga Soviet Union.Kadib Dagaalkii sokeeeyey ee 1990s (civil war), dalkana laga saaray siyaad barre, inyar oo ka haray xisbiyadii faraha badnaa, waxay isugu tageen maamul goboleedyadii waqoooyi, inta soo hartayna waxay u kala jajabeen kooxo maleeeshadkii ka samaysmay koonfurta. Kadib dhowr iskudayo aan guulaysan oo dib u heshiiisyo qaran aha, waxa sandii 2004 la asaaasay, dawlad federal kumeel gaar ah(Transitional Federal Government) oo loo idmaday in dalka u samayso dastuuur cusub ahaatana mid loo dhanyahay. .[1]

Kumeel Gaarka kadib

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadkii 2011-kii, waxaa waqti kordhin loo sameeyey Madaxwaynihii xilligaaas, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa ilaa August 2012, Intaa kadibna waxaa la qorsheeyey inay diyaariyaan doorashooyin cusub. [2] Sida uu qorayay “Tub-raac logu dhamaystirayay kumeel-gaarka”, Madaxda Soomalidu waxay ku kulmeen magalada waqooyiga barre ee Garowe bishii Feberaayo 2012, waxaana looga hadlay qorshahi looga bixi lahaa kumeel gaarkanimada. Kulanka waxaa isugu yimi goob-joogayaal calaami ah madaxda Soomalida; Maxawaynihii dawlada ku meel-gaar ahaa Sharif shiikh axmad, Ra-isal waasare Cabdiwali Maxamad Cali, Gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Adan sharif xasan, Madaxwayaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole, Madaxwayanaha Galmadug Maxamad Aadan Caalin iyo Khalif Cabdulkadir oo matalayay Ahlu Sunnah Wal jama’a. Waxa lagu heshiiyay:

a) In la sameeyo xubno baarlamaanka oo ka kooban 2 aqal; Aqalka sare 54, Aqalka hoose 225;
b) 30% waxa loo qoodneeeyo dumarka;
c) In Madaxwayaha lagu doorto doorasho dastuuriya Barlamaanka; iyo
d) Raisalwaarahana waxaa magacaaabaya madaxwayanaha, kadibna wuxu soo dhisayaa golaha dawlada. .[3][4]

Doorashadii madaxwaynaha ee baarlamaaniga ahayd waxaa la qabtay septeembar 2012, taasoo lagu doortay Hassan Sheikh Mohamud madaxwayne. [5]

Doorashooyinka 2016–2017

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Doorashadii 2016–2017 waxay ahayd mid dadban. Doorashadii ugu dambeysay ee hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacday Soomaaliya waxay ahayd 1969-kii, dowladdii ka dhalatayna ma aysan socon sanadkaas. Xilligii Xaliima Ismaaciil Ibraahim iyo Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka waxaa la filayay in doorasho kale oo hal qof iyo hal cod ah ay ka dhacdo $53 milyan sanadka 2020/2021. [6]

Doorashooyinka 2021–2022

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Doorashooyin caan ah ayaa la filayay in Soomaaliya ka dhacaan sanadka 2020 markii ugu horreysay tan iyo 1969, laakiin qaab doorasho deegaan ayaa la hirgelin doonaa halkii ay odayaasha qabiilka iyo xubnaha bulshada rayidka ah si dadban u dooran lahaayeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. [7] [8] UNSOM waxaa loo xilsaaray inay taageerto diyaargarowga doorashooyinka. [9] Doorashooyinkii 2021 ee Soomaaliya ayaa la qorsheeyay inay dhacaan bisha Febraayo laakiin dib ayaa loo dhigay. [10] [11]

Doorashooyinka Aqalka Sare ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya, ayaa la qabtay intii u dhaxaysay 29 Luulyo iyo 13 Noofambar 2021. [12] Xubinnimada Aqalka Sare ee ka dhalatay waxay ka hoos martay heerka 30% ee haweenka, iyadoo 24% oo keliya (13 ka mid ah 54) kuraasta Aqalka Sare ay haysteen haweenku. [13]

Doorashada Golaha Shacabka, oo ah aqalka hoose ee sharci-dejinta Soomaaliya, ayaa bilaabatay 1-da Nofeembar waxaana la filayaa inay soo gabagabowdo 24-ka Diseembar 2021. Doorashooyinkii waxaa markii hore loo kordhiyay 25-ka Febraayo, ka dibna 15-ka Maarso, waxaana loo qorsheeyay in la dhammeeyo 31-ka Maarso 2022. [14] [15] Laga bilaabo 31-ka Maarso, 26 ka mid ah 275 kursi ayaa weli aan la buuxin. [16]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa Baarlamaanka Federaalka u doortay Madaxweynaha dalka 15kii Maajo 2022.

  1. "Somalia". World Factbook. Central Intelligence Agency. 14 May 2009. Archived from the original on 1 Bisha Todobaad 2016. Retrieved 31 May 2009. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  2. Somalia: PM Mohamed Abdullahi Farmajo resigns
  3. Somalia: Garowe conference comes to a close Archived Diseembar 22, 2013 // Wayback Machine
  4. Second Garowe Conference Concludes
  5. "Somalia Federal Parliament elects Hassan Sheikh Mohamud as President". Garowe Online. 10 September 2012. Archived from the original on 13 Bisha Sagaalaad 2012. Retrieved 10 September 2012. {{cite news}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  6. https://web.archive.org/web/20211127025157/https://halqaran.com/index.php/2019/11/22/2020-is-a-pivotal-year-for-somalia-poll-agency/
  7. https://goobjoog.com/english/ex-somalia-president-sets-eye-on-the-presidency-seat-on-2020/
  8. https://www.bbc.com/news/world-africa-61083959
  9. https://unsom.unmissions.org/electoral-support
  10. https://www.bnnbloomberg.ca/somalia-says-elections-set-for-early-2021-despite-virus-risk-1.1443306
  11. https://en.wikipedia.org/wiki/Elections_in_Somalia#cite_note-11
  12. https://www.garoweonline.com/en/news/somalia/somalia-s-pm-roble-calls-on-federal-states-to-start-to-lower-house-election
  13. https://hornobserver.com/articles/1442/Somalias-Senate-polls-concluded-after-close-to-4-months
  14. https://web.archive.org/web/20240229171108/https://www.aljazeera.com/news/2022/2/10/car-bomb-targeting-somalia-election-delegates-kills-six
  15. https://web.archive.org/web/20220320011210/https://www.bnnbloomberg.ca/somalia-extends-parliament-vote-delaying-presidential-election-1.1728554
  16. https://web.archive.org/web/20220401162900/https://en.radiodalsan.com/73589/2022/04/federal-electoral-body-announces-list-of-elected-lawmakers-of-the-federal-parliament/