Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya

Ka Wikipedia

Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa haystay gumeeystihii Talyaaniga (1861–1946) kasoo biloow 1880s ilaa 1936 waana dhulka hadda loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa xeebaha dalka kasoo dajiyey horkacayeyna Salaadiin kala joogtay Bari iyo mudug gaar ahaan Hobyo, dhulkiina waxaa qabsaday dawladii fashiistaha ahad ee Talyaaniga. Bartamihii 1936, gobolku wuxuu isku bedelay Dhulkii talyaaniga ee afrikada bari kaasoo ka mid noqday mid ay xukumaan Imbaraatooriyadii Talyaaniga. Taasina waxay soo gabagaboowday 1941, Xiligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya kadib waxaa la wareegay maamulka Dawladii Biritishka ilaa 1949, taasoo uu maamulku la wareegay Qaramada Midoobay, looguna magacdaray Daakhiliyadii, lana hoos geeyey talyaaniga. Luuliyo 1, 1960, waxaa markii ugu horeysay fariistay Baarlamaankii koowaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Afhayeenkii Midnimadda, Gudoomiyihii Koowaad KMG ee Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya MD. Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf, waxuu ku dhawaaqay Midnimadda Soomaaliya, waxaana isla maalintaas la doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo KMG ah. xiligaas ay modoobeen labadoo gobol ee ay kala xukumayeen ingiriiska iyo talyaaniga Dhulka Biritishka ee Soomaaliya taasoo ay isku noqdeen Jamhuuriyadda Soomaaliya kadibna waxay baadi goob ugaleen sidoo gacantooda laaga soo bixin lahaa gumaysatayaasha kale Sida Faransiiska, Xabashida iyo Kiinyaatiga.

Gobolada Soomaaliya

Sideeddii gobol ee hore,

  1. - Banaadir (Muqdisho)
  2. - Bari (Boosaaso}
  3. - Jubbada Sare (Baydhabo)
  4. - Jubbada Hoose (kismaayo)
  5. - Hiiraan (Baladweyne)
  6. - Mudug (Gaalkacyo)
  7. - togdheer (burco)
  8. - Woqooyi Galbeed (Hargaysa)

Waxaa kaloo jirtay gobolka Ogaadeenya in uu maamulayey talyaanigu wuxuuna ukala qaybasanaa

dhulkii uu xukumayey Talyaaniga
  1. - Wabiga Jassaro (Qallafo))
  2. - Ogaadeenya (Wardheer)
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Talyaaniga.