Juqraafiga Soomaaliya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Cimilada Soomaaliya)
The Webiga Jubba

Soomaaliya waa dal dhaca bariga qaaradda Afrika ee aagga loo yaqaan Geeska Afrika. Waxa ay xad-wadaag ka yihiin Yemen dhanka Gacanka Cadmeed, waxaa sidoo kale bari ka xigta Badweynta Hindiya dhanka galbeedna waxa ka xiga Itoobiya iyo Jabuuti koonfur galbeedna waxaa ka xiga Kiinya. Soomaaliya waa midda dhanka bare ee ugu fog Afrika, bedkeedu wuxuu gaarayaa 637,540 kiiloomitir labajibbaaran.

Meesha iyo bedka

Muuqaalka buurta Cal Madow ee Sanaag, Soomaaliya.

Soomaaliya waxay dhacdaa bariga fog ee qaaradda afrika taasoo u muuqaal eg qaabka ay u samaysanyahay geeska wayiyisha kaasoo ku badan qaaradda afrika sidaa daraadeed waxaa loogu magacdaray geeska afrika. waxay soomaaliya ku fidsantahay inta u dhaxeysa loolka 10 waqooyi dhigta 49 bari. wuxuu gaarayaa bedka Soomaaliya 637,657 kiiloomitir iskuwareeg ah waxaa ka mid ah 10,320 kiiloomitir iskuwareeg ah waxay biyaha ka hayaan ilaa 1.6% ee bedeka guud ee dalka waxay waxyar uun ka yartahay gobolka Texas ee maraykanka. Sidoo kale waxay Soomaaliya leedahay xuduud barri ah oo dhererkeedu gaaraya 2,340 km ee kala berta dhammaan Jabuuti masaafo dhan 58 kiiloometer, Itoobiya masaafo dhan 1,600 kiiloomiter iyo Kiinya masaafo dhan 682 km, sidaa daraadeed Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo gaareesya xeebta Soomaaliya dhererkeeda 3,025 kiiloomitir ; dhul badeedka Soomaaliya wuxuu gaarayaa ilaa 200 Mayl Bad gudaha Badweynta Hindiya.

Qaabka dhulka

Dhulka SSC waa dhul muransan

Bey'ada

Cimilada

 Heer kulka jawiga Soomaaliya 
Bilaha Janaayo Febraayo Maarso Abriil Maajo Juun Luuliyo Agoosto Sebteembar Oktoobar Nofeembar Diseembar Qiyaas sanadeedka
Darajada kuleelka ugu badan °m (°Qiyaas) 30
(86)
30
(86)
40
(104)
40
(104)
40
(104)
40
(104)
40
(104)
30
(86)
30
(86)
30
(86)
30
(86)
30
(86)
30
(86)
Darajada kuleelka ee ugu yar °m (°Qiyaas) 15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
15
(59)
0
(32)
15
(59)
Roobka da'a qiyaastii m3 (Calaacal) 40
(1.57)
40
(1.57)
40
(1.57)
40
(1.57)
40
(1.57)
40
(1.57)
50
(1.97)
50
(1.97)
40
(1.57)
40
(1.57)
40
(1.57)
40
(1.57)
500
(19.69)
Xigasho: Daraasaadka dalalka - Soomaaliya[1]

Tixraax

  1. . Countrystudies.us. 2009-11-04 http://countrystudies.us/somalia/34.htm.  Maqan ama ebar |title= (caawin)