Aadan Daar

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Aadan Cabdulle Cusmaan)

Aadan Cabdulle Cusmaan
أدم عبد الله عثمان دار
Aadan cadde

File:Aadan Cade.jpg

Madaxwaynihii 1aad ee Soomaliya
Xafiiska intuu joogay
1 Luuliyo, 1960 ilaa 10 Luuliyo, 1967
Xil kalawareeg: Qofna
Xil ku wareejin: Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
Dhashay: Diseembar 1908 ( 115Jir)
Ku dhashay: Beledweyne, Soomaaliya
Dhintay: Agoosto 2007 ( 2000–2001 jir)
Kudhintay: Nayroobi, Kenya
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Soomaali
Ururka: Somali Youth League(SYL)

Aadan Daar ama Aadan Adde (Af Ingiriis : Aden Abdulle Osman Daar, Af Carabi : ar‎) (dhashay 1908; geeriyooday Juun 8, 2007), wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, hogaamiye qaran, iyo Madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya kaasi oo xilka hayay 1dii Luuliyo 1960 ilaa 10kii Juun, 1967. Markoow Dhintay Waxoow Jiray 98s. Waa Madaxii ugu Cimridheeraa Soomaalida. Mashaa Alleh.! ”Out-Standing” ama “Excellent” waaye.!!’

[1]

Taariikh

Aadan Cadde waxaa uu ku dhashey magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908 wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya 8 Juun 2007. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe ku qaatay magaalada Muqdisho. Wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944. Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaas ee degmada Beledweyne.

Wuxuu sanadkii 1951 noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953. Sanadkii 1953 waxaa Gumaysigii Talyaanigu u xushay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954 waxaa loo doortay guddoomiyihii xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956. Bishii Maajo sanadkii 1958 waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii Luuliyo sanadkii 1960.

Sanadkii 1956 waxaa golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaa mar kale Talyaanigu gacan ku siiyey in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya doorashooyinkii ka dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.

Siyaasada

Aadan Cabdulle Cusmaan

Sanadkii 1959 doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo doortay mar kale xubin, iyo in uu noqdo guddoomiyaha golaha sharcidejinta Koofurta ee dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa golihii sharcidejinta uu noqdo Constituent Assembly. Taasna waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1:dii Luuliyo sanadkii 1960.

Golihii baarlamaanka ee ugu horreeyay oo ay Soomaaliya yeelato 1 Luulyo 1960, uuna Gudoomiye ka ahaa Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay Midnimadda labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur, iyo dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya, una doortay Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa loo doortey in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ku hadli jirey afafka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967 waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii ka danbaybeeyay ee cabdirashiid aadan cade waa ninka kaliya ee soomaali iyo afrikada madowba ugu horeeyay ee si sharaf ah xilka ku wareejiayay kuna mutaystay in aduunka laga xushmeeyo

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Somalia - Worldstatesmen.com