Xisbiga SYL

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay SYL)
Xisbiga Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed
Somali Youth League
MadaxweyneYaasin Xaaji Cusman Sharmarke
La sameeyay1943 (1943)
Burburey1969 (1969)[1]
Xarunta sareMuqdisho, Soomaaliya
AragtiSoomaaliweyn doon
Xidhiidh caalamiMalaheen
Midabyo             Casaan, Cadaan, Cirdhow
Calanka xisbiga

Xisbiga Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed (Af Ingiriis : Somali Youth League, Af Carabi : ar‎), (loo soo gaabiyo: SYL) wakhtiyadii hore loo yaqaaay Kooxda Dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club) (SYC), waxay ahaayeen xisbi siyaasadeed ka shaqayn jirey wadanka Soomaaliya. Xisbigani wuxuu ku bilaabmey urur dhalinyaro ah, markii dambe isku bedelay xisbigii dhaqdhaqaaqa ugu horeeyey ee Madaxbanaanida wadanka Soomaaliya sanadihii u dhexeeyay 1950kii ilaa 1960kii.[2]

Faallo

File:SoomaaliSYL.png
SYL waa urrur siyaasadeedkii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

Ururka SYL (laga keenay: Somali Youth League) waxaa la'aasaasay 15 Maajo sanadkii 1943 wuxuuna qeyb wax ku ool ah ka qaatay Xoriyadii dalka Soomaaliya ee lahay 1960kii waxaana ku midaysnaa dhalin yaro Soomaaliyeed oo da, yar ah. Dhalin yartii u istaagay xornimada Soomaaliya waxey ahaayeen kuwo u baahnaa in wadanku xor noqdo isla markaana ka hoos baxo gumaystihii wakhtigaasi haystay.

Liiska Xisbiyada Siyaasada

Tan iyo wakhtigii dadka Soomaalidu qaateen xoriyada waxaa jiray xisbiyo siyaasadeed. Sanadkii 1969kii ayaa waxaa talada wadanka la wareegay Golaha Sare Kacaanka (SRC) kuwaasi oo dhowr nooc oo xisbiyo ah soo bandhigay; sida Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wadanka Soomaaliya ugu horeeyay Xisbiga SYL, kuwaasi oo ahaa xisbigii la dagaalamay gumaystihii wadanka.[3]

Markii Jaale Siyaad Barre la wareegay talada wadanka, waxaa meesha ka baxday dhamaan xisbiyadii bulshada ee madaxa banaanaa, wakhtigaasi oo wadanka Soomaaliya iskubedelay nidaamka shuuciyada[4] ee laga keenay wadanka Ruushka iyo Shiinaha. Ka dib, markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee wadanka sanadkii 1991kii ayaa waxaa meesha ka baxday dhamaanba nidaamkii dowladnimo ee wadanka Soomaaliya.[5] Si kastaba ha ahaatee, dadaalo badan oo dawlad dhisid ah ka dib waxaa Soomaaliya dib uga soo noolaaday nidaamka xisbiyada kuwaasi oo ilaa maanta daciif ah.[6]

Sidoo kale fiiri

Maqaalo kale

Tixraac

  1. Metz, Helen C. (ed.), "Politics", Library of Congress, soo qaatay April 1, 2013  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. I. M. Lewis, A pastoral democracy: a study of pastoralism and politics among the Northern Somali of the Horn of Africa, (LIT Verlag Münster: 1999), p.304.
  3. Metz, Helen C. (ed.), "Coup d'Etat", Library of Congress, soo qaatay October 21, 2009  Maqan ama ebar |title= (caawin).
  4. Peter John de la Fosse Wiles, The New Communist Third World: an essay in political economy, (Taylor & Francis: 1982), p. 279 ISBN 0-7099-2709-6.
  5. Central Intelligence Agency. "Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-07-01. Soo qaatay 2011-10-05.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  6. . 21 August 2012 http://allafrica.com/stories/201208220474.html. Soo qaatay 24 August 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)