Beledweyne

Ka Wikipedia
Beledweyne

Beledweyne
Caasimad
Beledweyne is located in Somalia
Beledweyne
Beledweyne
Meesha kaga taalo Soomaaliya
Wadanka Somalia
GobolkaHiiraan
DegmoBeledweyne
Dowlada
 • Duqa magaaladaMohamed Hassan Nuriye
Area
24 km2 (9 sq mi)
Tirada dadka
 • Dhammaan67,200
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Beledweyne (Af Ingiriis : Beletweyne, Af Carabi : ar‎) waa caasimad ku taala badhtamaha wadanka Soomaaliya. Magaalada Beledweyne waxay dhacdaa Degmada Beledweyne, waxayna tahay magaalo madaxda Gobolka Hiiraan. Intaas waxaa dheer, magaalada Beledweyne waxaa dhex mara Webiga Shabeelle, waxaana lagu qiyaasaa in magaaladani tahay mida afaraad ee ugu baaxada weyn magaalooyinka wadanka Soomaaliya.

Beledweyne waxaa dega beelaha kala ah Xawaadle,Gaaljecel, Baadicadde, Jijeele, Habargidir,Sheekhaal Gugundhabe jareer weyne IWM.

Hordhac

Baladweyne waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu caansan ee dalka Soomaaliya , waxa ay ku taalaa Bartamaha dalka magaalo madaxda Gobolka hiiraan,iyadoo uu soo maro webiga Shabeelle ee ka yimaada dhanka dalka itoobiya, waxa ayna u jirtaa caasimadda Muqdisho 206 Mile , oo u dhiganta ( 335 km) waxa ay u qeybsantaa afar xaafadood oo kala ah October ( Buundo-weyn),Howlwadaag,Kooshin iyo Xaawa –taako ,waxaa dhexmara webiga Shabeelle, dadka degan waxaa lagu qiyaasaa hal milyan iyo bar ruux , waa Magaalada Labaad ee ugu dadka badan dalka Soomaaliya marka laga soo tago Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka , iyadoo sidoo kale ah Magaalada Seddexaad ee ugu bed-weyn (dhul-weyn) dalka .

Magaalada Baladweyne , waa Magaalo Taariikh fog leh , waxa ay caan ku tahay inay ka soo ban-baxaan siyaasiyiin rugcadayaal ah iyo saraakiil milatari , waxaa ka mid ah dadkaasi Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” ,C/llaahi Cosoble Siyaad ,G/sare Faarax Gubadley . magalada waxaa dego qabiilo badan oo oo beesha hawiye ah waxaane 50% degan beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha ugu badan ee daga iyo beesha Galjecel oo 50% degta iyo Gugundhabe Magaalada waxa ay leedahay Laba buundo oo lagu kala Magacaabo “ Buundoweyn iyo Liiq-liiqato” . Qisadda jacaylka ah ee ka dhacday bilawga todobaatanadii, kuna dhacdey, heesta heesaha soomaaliyeed ugu caasan uu ka alifey, abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa magaaladan dadka af-soomaaliga ku hadla oo dhan oona ku koobneyn bulshada soomaaliyeed wada bartey magaaladdan Beledweyn ee aadka u bilicsan.

Xaafadaha

Beledweyne waxey ka kooban tahay in ka badan 8 xaafadood.

  • Oktober (buunto weyn)
  • Camalow cusub
  • Howlwadaag
  • Raadeer
  • Kooshin, iyo
  • Xaawo taako

Sidoo Kale Fiiri

Tixraac