Qobyaxaas

Ka Wikipedia

Qobyaxaas waa magaalo ka tirsan gobolka hiiraan oo ay degto beesha Makaahiil Ee beelweenta Luhubo gaaljecel. Magaaladaan Qobyaxaas waxaa ku dhow deegaan ahaan Magaalada Mukayle ee Gobalka Hiiraan. Qobyaxaas waxaa uu dagaalo fara badan ku dhex maray gumeestihii Talyaaniga iyo Wadaadadii dariiqada suufiyada ee uu hogaaminaayay sh.xasan Barsane oo Qobyaxaas usoo diray ciidan xoogan kadib markii uu maqlay in Talyaaniga uu watay qorshe uu saldhig kaga sameeysanaayo qobyaxaas oo uu markaas u arkaayi dhul istraatiiji ah kaas uu ka weerari karo gobalada u dhaw Qobyaxaas ee Bakool iyo Baay oo markaas kasoo laabtay dagaal ay beesha Gaaljecel gashay boqortooyadii geladi taas oo soo dirtay ciidamo u badan beesha Garre. Dagaalkii Qobyaxaas ee Talyaaniga iyo Dariiqada suufiyada ee uu dhexeeyay waxaa ku guuleeystay ciidamadii uu Sheekha Xasan Barsane ayaga oo guul u horseeday talyaanigiina jabiyay markii talyaaniga ku jabay dagaalkii qobyaxaas waxuu u guuray beledweyn iyo Bulaburte oo Dagaalo badan ka dhaceen.

{{Gumud}

Baladweyne Bulaburte Buq-aqable Maxaas Matabaan Mukayle Moqokori Ceelcali Buurweeyn Shaw Jalalaqsi Feerfeer Jawiil