Xidid

Ka Wikipedia

Xidid

Xididada jidhka Aadamaha. Kuwa midabka cas waa xididada Arteriska ee dhiiga ka qaada wadnaha, iyo kuwa buluuga oo ah xididada fayniska ee dib ugu soo celiya dhiiga ilaa wadnaha.

Xidid oo wadarteedu tahay Xidido (ingiriis: Vessels) marka Baayoolojiga laga hadlayo Xididadu waa xadhko unugyo yaryar ah oo dhiiga ku dhex wareejiya jidhka dadka iyo xayawaanka.

Guud ahaan, waxaa jira sadex nooc oo xidido ah:

  • Xididada Arteris (Arteries) oo ah kuwa wadnaha ka qaada dhiiga ilaa unugyada jidhka.
  • Xididada Kaabilaris (capillaries) oo ah xididada u kala bedela biyaha iyo kimikooyinka dhiiga iyo xubnaha; iyo
  • Xididada Faynska (veins) kuwaas oo ka soo qaada dhiiga xididada kaabilariska una soo celiya wadnaha.