Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud)

Ka Wikipedia
Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud)
عبد الرزاق محمود يوسف (أفجودود
Abdirizak Mohamud Yusuf (Afgudud)
UdhashaySoomaali
Ku dhsahayQardho
DhashayJanaayo 1963 ( 61Jir)[xigasho u-baahan]
Qardho Bari Soomaaliya
U daacadaCiidanka
Ka howl gala/QaybtaCiidanka Boliiska soomaaliya
Sanadaha shaqada1986-Ilaa Hadda
DarajedaSareeye Guuto
KatirsanCiidanka Boliiska Soomaaliyeed
Xilli amarkiisa
  • (2001-2002) Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland).
  • 2007-2009 Hogaanka Hubka & Rasaasta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya (SNA)
  • (2014-2016) Taliyaha Ciidanka Boliiska puntland).
HogaankiiDagaalo tiro badan.
  • Hogaanshay Guutadii 1-aad ee Ciidanka Xooga Dalka (SNA) ee ka Dagaalantay iidaale 2005-2007
Bilado?
Guursaday?
XiriirSaraakiil Maraykan iyo Talyaani
shaqooyin KaleKa Talo bixinta Tayaynta & Dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliya Iyo Ciidamada Boliiska Dowlad Goboleedyada

Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud) Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Puntland Waxa uu ku Dhashay Magaalada Qardho ee gobolka Bari. Wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ugu Hawl karsan, Wadanisan, Looguna Muuqaal Aqoonsi badan yahay.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

General Afguduud wuxuu ku dhashay magaalada qardho ee gobolka Bari sanadkii 1963[xigasho u-baahan], waxbarashadiisa Dugsiga Hoose Dhexe wuxuu ku qaatay Iskoolka Al-Azhar ee Magaalada Qardho. Waxbarashada Dugsiga sare wuxuu ku qaatay Banadir Sare ee Magaalada Muqdisho. Wuxuu aqoonta Jaamacadeed ku qaatay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed "Somali National University".

Wuxuu ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya sanadii 1986, wuxuuna tababar ku qaatay kuliyadda Tababarka ciidanka Grosso ee Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga Sidoo kale wuxuu tababaro dhowr ah ku qaatay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa Iyo dibadiisa ah. General Cabdirisaaq Afguduud wuxuu ka shaqeeyay qaybo badan oo Ciidanka Booliska Soomaaliya Iyo Ciidanka Xooga Dalka ah, Isagoo ka qabtay xilal hawlgal, xilal Tababar Iyo xilal Hogaamineed.

General Afguduud wuxuu muujiyay Hawlkarnimo dheeri ah, Daacadnimo iyo Hufnaan mudada dheer uu ka tirsanyahay Ciidanka Booliska Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horaysay ee isu duway ee asaastay Ciidanka boliiska Puntland. Xiliyadii kala duwanaa ee uu ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska puntland waxaa lagu xasuustaa tababaradii uu u kala diray dhamaaan Ciidamada Boliiska Puntland. Sanadii 2014 markaas oo ahayd markii Labaad ee General Afguduud noqday Taliyaha Ciidamada Boliiska Puntland wuxuu u kala qaybshay ciidamada boliiska saddex qaybood oo tababaro loogu kala diray

  1. Kuliyadaha Boliiska ee dalka gudihiisa ku yaal
  2. Xeryaha Tababarka boliiska ee Gudaha dalka Iyo
  3. Ciidamo Saraakiil Iyo Saraakiil xigeen u badan oo loo qaaday Tababaro meelo kala duwan oo dalka dibadiisa ah.

General Afguduud waa shaqsi ku Adadag saraynta sharciga, saraynta karaamada shacabka iyo karaamada Ciidamada Boliiska, Waana Shaqsi ku hanweyn kuna dadaala Inuu arko ama hogaansho ciidan tababaran, u dhamaystiran yihiin dhamaan agabyada ciidan ee daruuriga ah Kana muuqato Asluub & haykal ciidanimo.