Dagaalkii xoraynta ogaden

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Dagaalkii xoraynta ogaden waxa uu ahaa dagaal dhexmaray somaliya iyo Itoobiya. taas oo u jeedada dagaalku u bilaabmay ay ahayd, khilaaf kataagnaa gobolka soomaalida ee Itoobiya amaba ogaden. kadib markii ay fashilmeen dhamaan wada hadaladii siyaasadeed ee ku saabsanaa arinta gobolka ogaden ayaa ciidamada somaliya waxa ay weerar ku qaadeen wadanka Itoobiya

Qoraalka gudaha oo kooban

[Wax ka bedel] Dagaalkii

Todobaadkii ugu horeeyayba waxa ciidamada somaliya u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan badhtamaha iyo koonfurta gobolka ogaden.intii dagaalku socday waxa ay ciidamada somaliya marba marka kadanbaysa kasoo haynayeen guulo aad u balaadhan waxa ay ciidamada somaliya daba socdeen oo dabada kaga jireen ciidamada itoobiya ilaa ay lagaadheen goobta looyaqaano Sidamo. markii la gaadhay sibtenbar sanadkii 1977 ciidamada somaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka ogaden waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka. kadib markii ciidamada somaliya ay isku weer kaqabteen magaalda Harar waxa dagaalka soogalay oo itoobiya isisoo garabtaagay wadankii la odhan jiray Midowga Sofiyet.sofiyeedku waxa uu taakulo dhanwalba leh siiyay ciidamada iyo dawlada Itoobiya.waxa kale oo uu sofiyeedku ugu deeqay itoobiya inkabadan 18,000 oo askari oo kayimi wadanka kuuba.taaso oo keentaya in ciidamadii somaliya dib loosoo jabiyo laguna qasbo in ay kabaxaan gobolka ogaden

[Wax ka bedel] Dawladihii ka qaybqaatay

[Wax ka bedel] Cidii isdilaysay

Flag of Somalia.svg Somaliya

Flag of Ethiopia.svg Itoobiya

[Wax ka bedel] Kaqaybgalayaasha

Flag of the Soviet Union.svg Midowga Sofiyet

Flag of Cuba.svg kuuba

Flag of South Yemen.svg Yamanta Koonfureed

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale