Afti Dastuurka Turkiga, 2017

Ka Wikipedia
Aftida Dastuurka Turkiga ee 2017
Afti oggolaasho 18 soo jeedin waxbedel ee dastuurka Turkiga
TaariikhAxad, 16 Abriil 2017
Natiijooyinka
Codadka %
Haa 25,157,025 700151410000009999951.41%
Maya 23,777,091 700148590000000000048.59%
Codadka hagaagsan 48,934,116 700198260000000000098.26%
Qaldan ama meel banaan aan la codayn 865,047 70001740000000000001.74%
Dhammaan codadka 49,799,163 100.00%
Codeeyeyyasha diiwaangashan/tagista goobta 58,366,647 700185320999999999985.32%
Natiijooyinka hadba Gobollada
  Haa —   Maya

Waxaa dhacday Afti Dastuur ee Turkiga maalintii axadda 16 abriil 2017.[1] Cod bixiyeyaasha waxay u codeeyeen qaybo ka mid ah 18 bedele lagu sameynayo dastuurka Turkiga. Waa soo jeedin wax ka bedel dastuur soo jiray muddo fog ee Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee talada haya iyo hoggaamiye, madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan, iyada oo ay dheertahay oggolaasho Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ee uu kaga soo horjeedo. Waxaa ka mid ah wax ka bedelka habka fulinta madaxweynenimo taasoo lagu bedelayo Hab baarlamaani ee hadda jira iyo in meesha laga saaro Raysulwasaare, iyo kordhinta kuraasta baarlamaanka ee ahaa 550 lagana dhigo 600 fadhi iyo wax ka bedelka golaha sare ee garsoorka iyo xeel ilaaliyeyaasha.

Waxay isla go,aamiyeen xisbiyada Caddaalaadda iyo Horumarka & Xisbiga Dhaqdhaqaaqa waddaniga is afgarad ku saabsan dastuurka cusub soo jeedinta 8 diseembar kaddib wadahadal bil qaatay, si ay u billaabaan hawshii baarlamaaniga si loo sharciyeeyo in afti loo gudbo arrinka ku saabsan soo jeedinta.

Maalintii 20 bisha jannaayo 2017, baarlamaanka ayaa u codeeyay soo gudbinta wax ka bedelka ee soo jeedinta ku saabsan aftida aqlabiyad 339 ayaa loogu codeeyay, iyada oo dhaaftay inta badan intii la doonayay in ka badan shan meelood saddex taasoo ka mid ah 330 cod. Waxa uu ku dhawaaqay Xisbiga Shacabka Jamhuuriga ee mucaaradka ah ee ugu muhiimsan waxuu u dhaqaaqi doonaa in uu meesha ka saaro codaynta baarlamaaniga ah asigoo u maraya maxkamadda dastuuriga, asigoo u cuskaday in ay jiraan xadgudubyo sida codaynta muuqata ee aan qarsoodiga ahayn iyo cabsi galinta xildhibaannada inta ay socotay codaynta. Durbadiiba Madaxweyne Rajab Dayib Ardugan waxa uu ku dhawaaqay in aftida la qaadi doono 16 abriil 2017.

Dib u milicsi[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa soo jeediyay wasiirka caddaaladda ee markii Siimiil Tashyaashak wax ka bedelka habka madaxtinimo ee dalka sanaddii 2005 asigoo taageera ka haysta raysulwasaaraha markaas Rajab Dayib Erdogaan.[2] laga soo bilaabo xilligaas si bareer ah bay u taageereen habka madaxtooyo ee xukunka dhammaan xubnaha Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta marara badan, iyada oo ay la socoto codsiga wax ka bedelka dastuurka. waxaa soo jeediyay ku xigeenka xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta Nisan ayında bisha abriil ee sanadda 2017 ballanta aftida.[3]

Soo jeedinta wax ka bedelka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxyaabaha ugu waayen ee wax ka bedelka dastuurka turkiga waxaa ka mid ah: [4]

  • Kordhinta tirada xildhibaannada ee awal ahaa 550 lana gaarsiiyo ilaa 600.
  • Hoo u dhigga da'da murashaxa galitaanka doorashooyinka guud ee awal ahaa 25 sano jira lagana dhigay 18 sano jir.
  • Waxaa la qabanayaa doorashooyinka guud iyo midda madaxtooyo isla maalintaas shan sano kasta.
  • Wuxuu adeegsanayaa baarlamaanka awoodda dabagalka iyo baarista iyo helista macluumaadka asigoo u maraya "baaritaan baarlamaan" ama "kulan guud" ama "dabagal baarlamaan" ama "su'al toos ah".
  • In uusan jarin madaxweynaha xiriirka xisbigiisa.
  • Muddada madaxweynaha waxay noqonaysaa 5 sanadood, awoodna uma yeelan karo qofna in uu xilka madaxweyne qabto in ka badan laba mar.
  • Murashaxii hela inta badan ugu badan baa noqonaya madaxweynaha.
  • Madaxweyne wuxuu noqonayaa, Taliyaha ciidamada Ciidan, waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto ku xigeenadiisa iyo wasiirro iyo xil ka qaadistooda.
  • Madaxweynaha wuxuu soo jeediyaa qawaaniinta ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka ee afti dadweyne haddii uu u arko in ay lagama maarmaan tahay.
  • Madaxweynaha waxa uu xaq u leeyahay in uu soo saaro wareegtooyin ku saabsan awoodda fulinta, laakiin xaq uma lahan in uu soo saaro wareegtooyin ku saabsan hawlaha uu sugan qaanuunka si muuqata.
  • Wareegtada madaxweynaha waxay ay noqonaysaa waxba kama jiraan haddii uu soo saaro baarlamaanka sharci lagu xusay arrinkaas.
  • Baarlamaanka waxa uu awood u leeyahay codsiga furista baaritaan lagu sameeyo madaxweynaha, ku xigeenadiisa iyo wasiirradiisa, xaqna uma lahan madaxweynaha xaaladdaas in uu ku dhawaaqo doorashooyin guud.
  • Madaxweynaha wuxuu xaq u leeyahay magacaabista hal ku xigeen iyo wixii ka badan.
  • Way dhacaysaa xubinnimadiisa baarlamaannimo haddii lagu soo daro golaha wasiirrada.
  • Waxaa baarlamaanka awoodaa qaadashada go'aan in doorashooyin cusub la galo haddii ay oggolaadaan shan-meelood saddex ee wadarta guud ee tirada baarlamaanka.
  • Madaxweynuhu waxa uu xaq u leeyahay ku dhawaaqista Xaalad degdeg ah haddii ay dhacdo shuruudaha xadiday Qaanuunka.
  • Waa la baabi'inayaa dhamaan Maxkamad Ciidan, taasoo ay ku jirto maxkamadda sare ee ciidamada iyo maxkamadda sare gobolka ee ciidamada.
  • Waa mamnuuc maxkamadaha ciidan in laga sameeyo dalka marka laga reebo maxkamadda dhaqancelinta.
  • Madaxweynaha waxa uu soo ban dhigayaa Miisaaniyadda guud Baarlamaanka.
  • Waa la baabi'inayaa (mansabka Raysulwasaare), madaxweynaha ayaa la wareegaya muhiimadda Awoodda Fulinta, waxa munaasab ku aha dastuurka.
  • waxaa dhacaysa Doorashooyin guud iyo midda madaxweyne 3 Novembar 2019.


Xogta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Resmigazete.gov.tr (PDF) http://www.resmigazete.gov.tr/eskiler/2017/02/20170211M1-1.pdf. Soo qaatay 7 maarso 2017.  Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . NTV Turkey. 3 January 2005 http://arsiv.ntv.com.tr/news/303471.asp. Soo qaatay 18 abriil 2017.  Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "Nuqul Archive". BirGün. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-10-29. Soo qaatay 18 abriil 2017.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin)
  4. Turkiga: Baarlamanka oo ka doodaya wax ka bedelidda dastuurka dalka - kal fadhiga taariikhda 20/1/2017 faafin taariikh 19/1/2017