Rajab Dayib Erdogaan

Ka Wikipedia
Mudane Recep Tayyip Erdoğan

Madaxweynaha 12aad ee Turkiga
Hadda xilka haya
La wareegay Xilka 
28 August 2014
Ra'iisulwasaare Axmed Dafutoglu
Binali Yıldırım
Xilka kaga horeeyey Abdullah Gül

Ra'isulwasaaraha 25aad ee Turkiga
Ka qabtay xilka
14 March 2003 – 28 August 2014
Madaxweyne Ahmet Necdet Sezer
Abdullah Gül
ku xigeenkiisa
Kaga horeeyey xilka Abdullah Gül
Kaga dambeeyey xilka Axmed Dafutoglu

Ka qabtay xilka
14 August 2001 – 27 August 2014
kaga horeeyey xilka Position established
kaga dambeeyey xilka Axmed Dafutoglu

Duqa Magaalada Istanbul
Ka haya Xilka
27 March 1994 – 6 November 1998
kaga horeeyey xilka Nurettin Sözen
kaga dambeeyey xilka Ali Müfit Gürtuna

Xubin Baarlamaanka Turkiga
Haya Xilka'
9 March 2003 – 28 August 2014
Wareega doorashooyinka Siirt (2003 by-election)
Istanbul (I) (2007, 2011)

Macluumaad gaar ah

Ku dhashay (1954-02-26) 26 Febraayo 1954 ( 70jir)
Istanbul, Turkiga
Xisbi siyaasadeed National Salvation Party (1981kii kahor)
Welfare Party (1983–1998)
Virtue Party (1998–2001)
Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta (2001–hadda)
Is guursadeen Emine Erdoğan(4 July 1978–Hadda)
Caruur Ahmet Burak
Sümeyye
Bilal
Esra
Waxbarasho jaamacadeed Jaamacadda Marmara Kulliyadda Dhaqaalaha
Diinta Sunni Islam
Saxiixa Rajab Dayib Erdogaan's signature
Website Government website
Personal website
Rajab Dayib Erdogaan iyo Lula da Silva

Recep Tayyip Erdoğan (Ku dhawaaqa Af-Turki[ɾeˈd͡ʒep tɑjˈjip ˈæɾdo(ɰ)ɑn] ( dhageeyso) Waa madaxweynaha dalka Turkiga, waxa uuna soo qabtay xilalka Hogaamiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee Turkiga iyo ra'isalwasaaraha Turkiga oo loo doortay 14kii Maarso 2003.

Yaraantiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Erdoğan waxa uu dhasahy 26 Febraayo 1954 waxa uuna ku dhasahy magaalada Istanbuul. Erdoğan waxa uu yaraantiisii ku koray magaalada Reza oo ku taala xeebta Badda Madoow. Kadibna waxa uu ku soolaabtay magaalada Istanbuul isaga oo ay da'diisu tahay 13 jir. Wuxuu yiri mar ay isarkayeen nin layidhaahdo Denez Biikaal oo kula tartamayay jagada raysal wasaranimada xiligii uu dhiganayay iskuulka yaraantiisii waxba ma uusan haaysan markaas ayuu qaraha(xabxabka ) iibin jiray sababtoo ah xalkale ma jirin taasoo uuku biilin karo waalidkiisasi iyo iskaga dhiiba lacagta iskuulkiisa. Erdoğan barashadiisii waxa uu ku dhamaystay dugsiyada diinta ee loo yaqaan İmam Hatip, kadibna waxa uu galay jaamicada Marmara oo uu ka bartay Dhaqaalaha iyo Shaqooyinka.

Galitaankii Siyaasadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa uu Erdoğan kubiiray xisbiga u khaalisnimada Turkiga oo uu hogaaminayay siyaasiga wayn ee la yiraahdo Najmudiin Arbikaan dhamaadkii todobaateenyadii laakiin kadib markii sanadii 1980 uu dhacay inqilaab waxa la joojiyay dhamaan xisbiyadii. Markii lagaadhay 1993dii ayaa noloshii xisbiyadu dib usoonoqotay, dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee Erdoğana dib ayuu u bilaawday isaga oo markan ku biiray xisbiga Arfaah sanadkii 1994tii. Xisbiga Rafaah ayaa waxaay Erdoğan u sharexen in uu noqdo badhasaabka gobolka Istanbuul waxa uuna awooday in uu ku guulaysto jagadan iyada oo xisbiga Rafaahna uu helay kuraas aad ubadan.


Aasaaskii Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

sanadii 1998 ayaa waxaa Erdoğan lagu eedeeyay in uu abuurayo karaahiyo kusaabsan dhinaca diinta. taas oo keentay in laxidhay lagana mamnuucay in uu kashqo galo xafiisyada dawlada. kadib markii uu sooqaatay gabay uu tiriyay nin turkiya.gabaygaas waxa uu ahaa sidan


MINAARADUHU WAA WAR-MAHEENA, QUBBOO-YINKUNA WAA “GASHAAMANKEEN-KEENA”KOOFIYADAHENA MASAAJIDUNA WAA XERYAHEENA, MU’MINIINTUNA WAA ASAKRATENNA.


Iyadoo waliba gabay gani ku yaalo buugagta iskooladda Turkiya oo dhan lagana dhigo weliba dugsiyada ay dowladdu maamusho, balse haddii uu ka soo baxo qof siyaasi ah oo weliba ku kacsan kooxda diin la dirirka ee wadanka awoodda badan ku leh , waxa uu noqonayaa ERAY SIYASADDEED dadka uggu yeera kala tag iyo is kooxaysi, waa sidda uu u qornaa hadalka maxkadam lagu sarey Rajab

Maxkamadu waxay gabaygaas u daliisahtey in uu dhibayo dadka dareenkooda Turkiyana uggu yeerayo is kooxaysi iyo kala qeybsanaan, balse marna ma dhicin in shacabka reer Turkiya u kala qeybsan koox –koox iyadoo dadku wada ogyihiin waxa ka dhacaya masraxa siyaasadda ayey maxkadu ku xukuntey Rajab 4 bilood oo xarig ah 1998 taas oo in badan oo reer Turkiya dareensiisay qiimaha Rajab ee wax hagaajinta islaamiga ah ee uu hogamineyey Arbakan, kana dhigtey Rajab Geesi wadani ah.

dib isuhabayntiisii Siyaasadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Aadanuhu ma oga wax fiican iyo wax xun toona, waxaana la yiraah “ dhib gadaashii la faa’iiday badanaa !” xaraiga Rajab waxa uu Rajab fursad u siisay in uu helo waqti uu dib ugga fekero uuna masraxa siyasada mar kale dib uggu soo labto, waxana uunna xarigii ka soo helay in uu wax kabedelo siyaasadihii hore ee xibiga isagoo wax ka bedelay ,, hadalkiisii kululaa iyo weliba fikirkiisa dambe, waxa uuna ka baxay xisbigii hore isagoo ku dhawaaqey xisbi cusub, balse diin la dirirku waxay u arkayeen in shaar bedelasho, uu sharka badasahy, Rajab-nna , yahey usuuli mintid ah “ fakir islaama ah xambarasan” kaas oo raba in uu baa’biyo bedelana mabaadii’ada diin la dirirka ee jamahuuriyada Turkiya, taas oo ay ilaa hadda aamin yihiin in kasta oo uu isku dayey Rajab in uu nimankaas wax u sheego.

8 May 1998 waxaa la kala direy xibigii Al- fadiilah ee galey booskii xibigii Al-rufaah, waxaa kala qeybsamay raggii baarlamanka kujirey ee xibiga, waxayna u kala jabeen laba qeybood qeyb ku darantey xisbigii Al- sacaaada “Farxadda” oo aan fursad dambe u helin ay soo galan Dawladda ilaa doorashaddii 2002 iyagoo helay 10% iyo qayb kale oo u badan dhalin yaro isabdal doon sidda Rajab dayib iyo Abdala Goll, waxayna aas- aaseen August 2001 xisbiga SINAANTA IYO HORUMARKA isaga oo u hogaminayo Rajab Dayib, bil ka yar markii la aas – aasay xisbiga FARXADDA.

Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kadib samayentii xibiga ee 2001, xisbigu waxa uu ka qeyb galey doorasahdaii baarlamanka ee 2002 waxa uuna helay 363 kursi, isagoo noqdey xibiga uggu tiradda badan barlamanka, waxana uu awood u helay in uu soo dhiso dowladd. Balse Dawladdaas Rajab madax kama noqon amuuro la xiira xarigii uu galey 1998, waxaan madax ka noqdey Dawladdas Cabdala Gol ilaa 16 ii November 2002.

Guusha xisbiga sinaanta iyo horumaka uu ku guuleysatey hoganka Turkiya waxay aheyd amuur wax badan ka badashey hab dhaqankii iyo nolashii guud ee reer Turkiya taas oo xisbiga Rajab ka dhigtey xisbigii kaligiis dhisay dowlad ka dib 1987 halka uu xisbiga matala kooxaha diin la dirirku ay Helen kaalinta labaad. 179 kursi.

Soo labasashada Rajab waxay aheyd rajo in badan oo reer Turkiya ah, waayo wadanka hareeyey daganan la’aan , sicir barar iyo is qab qabsi siyaasadeed wixii ka dambeeyey markii la baa biyey dastuurkii wadanka , madax weynihii xiligasna uu noqdey nin waayey kalsoonidii shacabka

Soo labashaddii ku kalsoonanta bulshada iyo destuurka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Guushii xisbiga Sinaanta iyo iyo caddaaladu waxa uu ahaa bilowgii iyo soo lababasha dii kalsoonida shacabka reer Turkiya, taas oo dadka dhaxal siisayey in ay aaminan dastuurka iyo Dawladda uu soo dhisay xisbiga Sinanta iyo Caddaaladu, waxaanna bilaamay in qof walbaa nolasha dhankiisa ka dhiso, taas oo soo nooleysay in reer Turkiya ku hamiyan ku biiradda Yurub, taas ooh ore loogu diidana kadib markii dhawr jeer ciidanku soo dhex galay xukunka.

Is bedelkadda layabka leh ee ee AK keenay turkiya ayaa hadana xisbigaas ka dhigety in uu xukunka sii haysto mudo 5 sano oo kale ah isagoo qorshayna in uu wax ka bedelo doorashada madax weynaha kana dhigo mid dadku six or ah u soo doortan madaxa weynahooda , halka hadda baarlamanku doorto .. dayib Erdoğan waxa la odhankaraa waa aasasha xiligan ee wadanka turkiga cusub oo lagu tirinayo in uu yahay wadan kamida wadamada soo koraya