Asharaaf sarmaan
REER Shariif yacquub ama shariif yacquub
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Reer shariif yacqub ama Shariif Yacquub waa beel Kamid ah beelaha Asharaaf Xasani
Beeshu waxay Ku abtirstaa Sheekh Shariif Yacquub Yaxye Anuun oo kumagacdheer (Sagaal Xajiile ).[1]
Kaas oo abtirkiisu yahay sida tan Sheekh Xaaji Shariif Yacquub bin Xaaji Sheekh Yaxye bin Canuun bin Abuukar Barakaat bin Nuume bin Idriis bin Cabdulqaadit bin Yaxye bin Sheikh Cabdulqaadir Al-jeylaani bin muuse bin Cabdullahi bin Maxamed bin Dawud bin Muuse bin Cabdullahi bin Muuse bin Cabdullahi bin Xasan bin Xasan bin Cali bin Abii dhaalib (R.C)
shekh Shariif Caydaruus wuxuu kuyiti Buugiis (بغية الآمال في تاريخ الصومال)
“أنّ أشراف سرمان هم من أشراف الحسنيين من ذرية السيد يحيي بن الشيخ عبدالقادر الجيلاني (الولد الأصغر للسيد عبدالقادر) وكانت أمه حبشية ارتيرية، فبعض من ذريته زحفوا إلى الحبشة ثم إلى أذري (هرر) واتصلوا بأخوالهم الحبشيين وصاهروهم ومنها زحفوا أيضا إلى الصومال وخصوصا في أرض سرمان من اراضي رحوين وصاهروهم أيضا، وبعد مضى السنين والأعوام انقلبت طبائعهم العربية ولون بشرتهم، فهذا حقيقة تاريخية ثانية”).
Beeshu waxa dagan ahan lagu yaqana goboladda laysku yirahdo Koonfur Galbeed Somalia iyo ""Jubaland""Waxayna halmeel wada degaan qabiilada Digil iyo Mirifle [2]
Magaca sarmaan asalkiisa waa magac geed waana magaca magaalada Sarmaan , sababta loogu bixiyey ayaa ah Geedka Sarmaan ayaa kubadan magaaladaas , kaddibna waxaa loogu daray dadkii Halkaas degnaa, Lakin Beesha magaceeda saxda ah Waa "Reer Shariif Yacqub" ama Reer yacquub waxaa loogu magac daray sharif Yacquub kaas oo ay Kasoo farcameen
| Ashraaf | ||||||
| Meelaha ay ku badan yihiin | ||||||
|---|---|---|---|---|---|---|
| ||||||
| Luqada | ||||||
| Diinta | ||||||
| Dadka ay dhalyo wadagaan | ||||||
Taariikh kooban
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Bartamaha qarnigii 13 miilaadiga / 7 Hijriga ayaa waxaa magaalada Harar soo gaarey qaar kamid ah caruuta Sheekh C/qaadir bin Sheekh Abuu Zakariyaa Yaxye binu Sheekh C/qaadir Al jiilaani , si ay ugu faafiyaan diinta islaamka Gobolka geeska Afrika ayaga oo kasoo gudbeen baabul mandab ee badda Cas, waxay usoo guureen dhulka Xabashi gaar Ahaan magaalada Harar.
Kaddib waxaa dhacday Degaakii weynaa ee udhaxeeyey xabshida iyo muslimiinta Geeska afrika dega gaar ahaan soomaalida , Sidaas Daraaded Ayaa Magaalada Harar kasoo guurey koox Kamid ah Asharaafta ayagoo oo hogaaminaya Qabiilada Digil iyo Mirifle Waxay usoo guureen dhanka koonfurta soomaaliya ayaga oo Hogaaminayo Sayid Shariif Anuun Bin Abuubakar Barakaat bin Nuume Bin idriis bin C/qaadir Bin Yaxye Bin cabdi qaadir Al jeylaani .
Sayid Anuun wuxuu kudhashtey Magaalada Harar , waxaana kusoo barbaaray kuna waxbartey Isla magaalada Harar , Anuun ayaa ku dhintay jidka ayaga oo kasoo guureen Harar Una soo guureen Koonfurta soomaaliya , waxaa lagu Aasay tuulo Markaas kaddib loo bixiyey (RAYDAB ANUUN ),oo udhexeyso Gobolka Bokool iyo Hiiraan.
RAYDAB ANUUN ayaa kunagaadeen kooxdii lajirtay Anuun 10 sano, inta uu lagu Guda jirey tobankaas sano wiilkiis Shariif Yaxye Anuun ayaa meeshaas kaxajiyey Sagaal jeer , Ilaa uu udhameystirantey sagaal Xaj , waxaana ku Caan baxay markaas kadib ( sagaal xajiile)[3].
Sagaal xajiile wuxuu kamid yahay Culimada asharaafta ee soomaaliya kuwaas oo dowr weyn kuleh faafinta diinta islaamka , waxaa lasheegaa in 30 dufcadood dugsi udhameysay.
Intaas kadib Yaxye Anuun (Sagaal xajiile) waxaa uu unoqdey magaaladad Harar meeshaas oo ay joogaan Qaraabada iyo owlaada Abtiyaashiisa oo kamid ah dadka degan magaalada Harar, Muddo yar kaddib waxaa uu go’aansaday inuu usoo Laabto dhulka koonfurta.
Sagaal xajiile Ayaa kudhintay Gobolka Gedo Waxaana meydkiisa lagu Aasay meel loo yaqaano (Irmaan Qare ) oo udhaxeysa Tiyeeglow iyo Beledweyne.
Yaxye Anuun Ayaa dhalay hal wiil oo layiraahdo Shariif Yacquub Yaxye Anuun.
WAA IMISA LAFOOD REER SHARIIF YACQUUB AMA SHARIIF YACQUB
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Guud ahaan SHariif yacquub ama reer shariif yacqub waa 5 lafood oo kala ah
1.Cimraan yacquub:- oo ah lafta ugu dadka badan
2.isxaaq yacquub
3.maxamed yacquub
4.xasan yacquub
5. Aadan yacquub
-Marka laga hadlayo Reer yacquub waxaa ugu tiro badan Cimraan yacquub oo waxa uu u kala baxaa ilaa 3 jilib.
1.Cumar
2.Cabdale
3. Reer wardheere
Dadka ugu Caansan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Culimo :
2-sheekh Qamiisdheere
3-shariif Ibraahim Cabdullahi Cali
4-shariif Cabdullahi Ibraahim Axmed (azhar)
5-sheekh maxamuud Fanax
6-sheekh Cabdiraxmaan Markaawi
7-shariif Cali Isxaaq Yuusuf Al sarmaani
Siyaasiyiin :
2-Xildhibaan Saalax Shariif Siidkey
3-prof Abdulaziz Shariif Aadan
4-maxamd shariif isxaaq
Fanaaniin:
1-shaadiyo Sharaf
2-Aadan Onkod
3-mukhtaar sooshiyaal
4-DONI B
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "Nuqul Archive". Archived from the original on 2024-08-18. Retrieved 2024-08-18.
- ↑ https://archive.org/details/BughiyatalAamalfeTarikhalSomal
- ↑ https://web.archive.org/web/20230511191752/https://ebookshia.com/books/view/3166/%D8%A7%D9%84%D8%B9%D9%84%D9%88%DB%8C%D9%88%D9%86+%D8%A7%D9%84%D8%A3%D8%B4%D8%B1%D8%A7%D9%81+%D9%81%DB%8C+%D8%A7%D9%84%D8%B5%D9%88%D9%85%D8%A7%D9%84+%D8%A3%D9%87%D9%84+%D8%A7%D9%84%D8%B3%D8%B1%D9%85%D8%A7%D9%86. Archived from the original on 2023-05-11. Retrieved 2023-05-11.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help)